Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka Q-2aad.


                                        Q/2aad. Warsidaha Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka

 Doorashooyinka: Dhinaca Doorashooyinku waxay xal u noqdeen walaacii laga qabay in uu burbur ku yimaado Adduunka, dhalashada cusub ee ku dhisan habka doorashooyinka shakhsiga ah ee Adduunka, waxay abuurtay isbeddel-wadajira ah oo miyir-qabta, 

sannadkan waxa la kala dooran doonaa naxariista ama daneysiga, cadaaladda ama xukunka, sinnaanta, fahamka iyo awoodsiinta dadka kale, waxa muhiim ah in wixii tartanka doorashooyinka wax u dhimaya in laga fogaado ee u dhexeeya runta iyo beenta, wixii toggan iyo wixii taban, wanaaga iyo xumaanta, isla markaana loo hoggaansanaado balanka.

Dhaqaalaha : Dhinaca dhaqaalaha waxa la filan jiray gaabis ku yimaada kobaca dhaqaalaha iyo suuqyada maaliyadda, sicir bararka iyo shaqo la'aanta, laakiin, waxa deyr inooga noqon doona kheyraadka dahabka, sliverka, platinumka iyo Bitcoin, in kasta oo qiimahoodu isbeddel ku iman doono, haddana, guud ahaan meerahanni wuxuu soo bandhigayaa dhaqdhaqaaq guracan oo hoos u dhigaya kobaca dhaqaalaha suuqyada maaliyadeed.

Cimiladda: Sannadkan dhinaca cimilada waxa la arki jiray duufaano badan oo waxyeelo soo gaadhsiiya korontada, kombuyuutarada iyo Isgaadhsiinta, horaanta 26-ka bisha Abriil ee sannadkan illaa iyo inta laga gaadhayo sannadka 2033-ka. 

Khalkhalkaas ku yimid Isgaarsiinta, shabakadaha kombuyuutarka iyo hawada, waxay sababi doonaa shilal badan oo ku yimaada hawada iyo cilladdo ku yimaada gaadiidka, taasoo keeni doonta in la xakameeyo isku socodka hawada, waxaanna loo guuri doonaa hab kale oo horumarineed, la arkee gaadiid duulaya oo ku shaqeyna tamar, tamarta walxaha qarxa ee ka dhalasha xajmiga saliiddaha iyo gaasta dabiiciga ah, waa mid ka awood badan isku dheelitirka xajmiga dhulka, waxaannay sababi doontaa in ay keento qarax sababa dhul-gariir xoogan, taasoo ay ugu wacan tahay yaraanshaha isticmaalka walxaha dabiiciga ah, sida (saliida, gaasta iyo dhuxusha) oo waxtarkoodu badan yahay, waa sababta keentay in maanta Madaxweynaheenu (Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal) uu ku dhawaaqo mashruuca qodista shiidaalka iyo saliida qeydhin ee ku dihan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agabka: Qalabka Korontada iyo burburka shabakadda elektiroonigga ee dhulka hoostiisa mara ayaa sii socon doona, sida dayax-gacmeedka, Internetka iyo baahida korontada, taasoo ay sabab u tahay sirdoonka macmalka ah (AI). 

Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa;- In ay noqoto mid ku dhisan caddaalad, taas oo inta badan ka duwan aragtida dunida iyo inuu iimaanku ku soo laabto dadka, waxaana haboon in wax kasta lagu dhameeyo Isfaham iyo in la iska illaaliyo dhiiri-galinta shaqsiga ah iyo Nin jeclaysiga in la dhiirigaliyo, Runtana Allaa og

Bulshadu waxay ku sugan tahay: Dad badan ayaa muujin doona walaac ku saabsan xaaladdaha sii xumaanaya Adduunka, dad badan ayaa cabsi ka qaba Sirdoonka macmalka ah ee (AI), kaasoo dhalin yaradu kula xidhiidho wadahadal, si ay go'aammo muhiima uga gaadhaan nolloshooda, laakiinse, waxa muhiim in aad ogaataan in uu dib idiinku soo celinayo xoggihii lagu keydiyey habka cog ururinta, run ahaantii waa muraayad, inkastoo ay adag tahay.

Arrimaha gaarka ah: Wuxuu ka khuseeyaa iskashi-wanaagsan, ka fikirka maanta, khatarta isbiimeynta, tallo tayo ku saleysan daacadnimada iyo dareenka.

Wuxuu jecelyahay;- daacadnimada, waxyaabaha dabeeciga ah, xayawaanka, socdaalka, tacabirka, caddaaladda, murtida, weyneynta sharafka, kulanka iyo Quraanka.

Wuxuu neceb yahay : Wixii aan dabeeciga ahayn, iska yeelyeelida, macno darrada, dabeylaha, mowjadaha soo noqnoqonaya ee ujeeddadoodu hoosayso, quruxda soo jiidashada leh, dhaqanka xun iyo dhoobada.

Oogada jidhka wuxuu ku leeyahay xubnaha oogada iyo kuwa qarsoon sida;- Sambabada, uurku jirta, sanka, neefsashada, hawo-mareenka, xubnaha oogadana, labada gacmood, garbaha iyo guud ahaan jidhka.

Sannadkan Dayaxu wuxuu ku curtay Burji hawaaiga ah, waxa la odhan jiray dabeylaha, shimbiraha iyo ayaxuba way bataan, dhinaca awooddaha salaadiinta, ganacsiga iyo kalluunkuba wuu yaraadaa, waxaannu burjiganni ku farxaa qaabka bani’aadanimada, siyaasadda, sahaminta shiidaalka dhulka, seerayaasha, duur-joogta, qorayaasha, cilmi dhagoolka iyo in talaabo laga qaado wax-barashada, Runtana Allaa Og.

Waxa kale oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu uu fadhiyey, dayaxu wuxuu fadhiyey Burji Arliya ah, qabow, kulayl, abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin.

Waxa la odhan jiray hamiga iyo riyooyinkuba way adkaadaan, dumarka xoogsada dhaqaalahooda uma fiicna ayaa la odhan jiray, kibirka, sharafka hawada, damaca awoodda, aqoonsiga, dhaqaalaha, wuxuu u janjeedhaa dhinaca fulinta, maamulka, jagooyinka dadweynaha, ururada iyo hawlaha ganacsiga .

Waxa kale oo la odhan jiray wuxuu leeyahay darajooyinka ugu hooseeya, maareynta hadalka muhiimka, tacsiyeyn la’aanta dabeecadaha madaxda, shirqoolka, xanta, ka jawaabid degdeg maskaxeed, agnaaninimadda, heeganka, Is-mashquulinta, ku tiirsanaanta dareen masuuliyadeed.

Dadkuna waxay muujiyaan qadarin, daacadnimo, ka-fiirsasho, fikir-maskaxeed, firfircoonni, meel fog-wax ka arka, waxaannay leeyihiin sharaf, adkeysi iyo aragti dhabta ah ee ka jirta aduunka.

Habeenka curashada sannadka cusub ee 2026-ka, Dayaxu wuxuu ahaa Dayax Todobaad, waxaanna la odhan jiray waa xilli soo jiidasho leh, cibaaddada, dhinaca wanaagsana waxa is-bedel ku yimaadaa jaceylka, nasiibka wanaagsan, koritaanka, waana wakhti ay billaabmato fikraddo kala duwan.

Hawlaha wanaagsan: Xog-ururinta xoggaha, sameynta qorshayaal wax ku ool ah, aassaasska mashaariicaha hoose, dareenka, bilowga isbeddelada, waana xilli dib u dhalasho, wax-tar weyn buu u leedahay dhinaca jidhka, isla markaana, si dhib yar buu wax u soo nuugaa ha wanaagsanaato ama ha xumaatee,

Hadafkaliisuna:- Waa soo ururinta kheyraadka dabiiciga ah, ka midho dhalinta xogaha loo baahan yahay ee la xidhiidha ururinta iniinyahay cuntada la beerto, abuurida wax-qabadka iyo qorshayaasha, inkastoo inta badan ay dhacdo wax-yar oo bar billow ah.

Dhanka wanaagsan:- Gabood la’aanta, taranka, jinsiyadda, dhiiranaanta, dhiirigalinta, dib u cusboonaysiinta, saaxiibtinimada, Nasiibka, sii wadidda taranka cusub, dareenka rabbaaniga, dareenada fahamka ee dhinaca garashada, cadaadiska xad-dhaafka ah ee qorayaasha, waxa kale oo lala xidhiidhiyaa bilaabida abuurka biqilka curdinka ah, dadaalka koritaanka abuurida iniinyaha carrada madow, waana wakhtiga ugu fiican go’aanada, dheelitirka, taxadirka goobaha iyo albaabada laga baxo,

Dadka habeenkaas dhashaa waxa la odhan jiray, waa kuwo wax hillaadiya, naxariis badan, xeel-dheer, aragti fog, ama sidoo kale waxa ay noqdaan kuwo bood-bood badan, xamaasad badan, jiho-wareersan, hamo-been ah leh.

Qoraa maxamed Faarax Qoti


Comments

Popular posts from this blog

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta

Fanka