Nin 22-sannadood Tuug ahaa oo dalbaday in la cafiyo
(Mucjisadii Wariye Kalshaale ka qabsatayTuuggii xariifka ahaa ee uu wareystay)
Waa dhacdo aad u ciiso badan oo aanad mar'naba jeclaysaneyn inay indhahaagu ka sii jeedsadaan taxanaha qormadan.
Goor caweysnimo ah ayuu wiil dhalin yaro ah oo ku labisnaa shaadh iyo surwaal uu ka soo galay kadinka hore ee xaruntii Wargeyska Jamhuuriya, hilaaddii bishii Deyr-habis (Octoobar) 8-deedii sannadkii 2016.
Salaan ka dib, wuxuu u soo kicitimay dhankii aan fadhiyey, waannu i'soo garab fadhiistay, waxaannu igu yidhi:, Waxaan idiinku imid in aan idinla wadaago dhibaato igu kaliyeysatay in Wargeyska Jamhuuriya uu iga wareysto, waxaan ahaa Tuug muddo 22-sannadood ahayd, waxaan noqday Tuug caan ah, inkastoo gashigaan xadi jiray aan ugu deeqi jiray dadka dan-yarta ah, dadka buka iyo darbi jiifka, balse, waxaan go'aansaday in aan shaqadaas iska casilo muddo haatan laga joogo siddeed bilood ah.
Nasiib daro'se, marka meherad ama qof wax laga xado ciidanka nabad-galyadu qofka ugu horeeya ee la tuhmaa waa aniga, waxaanna la iga soo qabtaa anigoo gurigaya jooga, markaan laba-caanno maal xidhnaado, waxba waa la igu waayaa ama waxa la helaa raadka cidii fal-danbiyeedkaa sameysay, waanna la isii daayaa, kuuli baan noqday markaan saddex caanno-maal ka shaqeeyo shaqadaas, hor-joogaha shaqaalaha dhismuhu markuu ogaado in aan Tuug ahaan jiray, shaqaduu iga joojiyaa, xataa haddii aan Masaajid galo, waa la isku kay tilmaamaa, waxa loo qaataa in aan Masaajidka kabaha ka xaday, waxa taas iigaga sii daran markaan dhex maraayo goobaha ganacsiga ee ku yaala badhtamaha suuqa caasimadda Hargeysa, farta ayaa la igu fiiqaa iyagoo leh alla awrka-awrka.
Maanta waxa korkayga ku yaala nabaro badan oo ka dhashay intii aan ku hawlannaa shaqadaas, markaa waxaan doonayaa inaad iga qortaan in aan shaqadaas iska casilay muddo siddeed bilood ah ka hor, bulshaduna ay iska kay cafiso.
Fariintaas oo ahayd mid uu walaac-weyn ka qabay Ciidanka Nabad-galyada iyo bulshada uu ku dhex noollaa.
Waxa dhanka midig iga xigay Wariye Saleebaan Kalshaale, waxaan ku idhi, Anigu Qoraa ayaan ahay, laakiinse, Ninkaa Wariyaha ah u tag oo u waran.
Inta aynaan u guda galin sheekadan xiisaha badan, waxaan halkan idin kula wadaagayaa dareen shaki igu dhaliyey, kaasoo ahaa in Ninkan cid kale soo adeegsatay ama in uu soo akhristay maqaal aan ku qoray Wargeyska Madaxabannaan ee Jamhuuriya, maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa TUUGGII DAACADDA AHAA, kaasoo la daabacay 12-kii bishii samo-laho (September) isla sannadkaas.
Waxaannay ku beegnayd xilligii Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada-galeen heshiiskii dekedda Berbera, waxaanna ka hadlay heshiiskaas oo wareysigii siiyey warbaahinta muuqaal araga, Nin ka mid ahaa Golihii Wasiiradda ee xukumada, waxaannu yidhi, Waxaannu qaadanay Hal Milyan iyo Shan Boqol oo dollar, oo xaqul qalin ah, ka dib, waxaan male'awaalay sheeko gaaban oo lagu daabacay wargeyska Jamhuuriya, kaasoo ciwaankiisu ahaa, Tuuggii Daacadda ahaa,.
"Boqorkii Jillaaga ahaa ee ka midka noqday Boqoraddii ka soo taliyey aduunka qarnigii 18-aad ee aynu soo dhaafnay, Boqorkaasi inkastoo uu ahaa Nin wacan oo aad u murti badnaa, haddana, waxa caado u ahaan jirtay si uu u soo dhego-dhegeeyo wararka lagu xamanayo isaga iyo Golihiisa Wasiirada, inta uu go’weyn soo hilaabto ayuu iman jiray goobaha ay ku kulmi jireen bulshada caasimaddu.
Waxa kale oo uu inta badan jeclaa, kuna taami jiray, wax ka ogaanshaha fikraddaha ay dadkiisu ka aaminsan yihiin xukunkiisa iyo qaabka uu ugu talliyo bulshada, taasoo ahayd dariiqa kaliyaata ee ka caawin jirtay dib u sixidda khaladdaadka xukumaddiisu ay sameyso.
Boqorku waxa uu aaminsanaa in ay ahaato Boqortooyo ku dhisan xukun caadil ah iyo maamul wanaag, oo ay sinnaan iyo caddaalad xeer u tahay, in taasi lagu gaadhi karro guusha himiladda la hiigsanayo, isla-markaana ay bulshadiisu noqon doonto bulsho caafimaad qabta oo ka fayow dhamaan xanuunnadda xassadka iyo xiqdiga, oo ay xeer u tahay isjeclaysi iyo isku tudhid.
Boqorka Golihiisa Wasiirada waxa ku jiray Nin nidar ku marray in aanu waligii sheegi doonin been inta ka hadhay cimrigiisa, habeen habeenada ka mid ah iyo Afar Wasiir oo kale oo qorsheynaya, sidii ay u dhaci lahaayeen dahab ku jiray sanduuqa keydka maalliyadda Boqortooyadda.
Goor caweys ahayd ayey ku kulmeen barxad banaan oo dhanka galbeed kaga toosneyd boqortooyadda, shantii tuug iyo Boqorkii oo isna ka yimid hawshiisii kormeerka ahayd ee uu xanta ku soo dhageysan jiray, salaan ka dibna, wuxuu Boqorku ku yidhi;- Waa kuwama?.
Tuuggii daacadda ahaa ayaa ugu jawaabay;- waxaanu nahay Niman tuug ah, jawaabtaasoo Boqorka ku noqotay fajac iyo amakaag, waxaanu mar-labaad weydiiyey, ;- Xageebaad ku socoteen?
Waxaannu doonaynaa in aanu soo dhacno dahabka ku jira sanduuqa keydka maalliyadda ee Boqortooyadda, ayuu ugu jawaabay:- Tuuggii daacadda ahaa.
Boqorku, waxoogaa ayuu ka fikiray, oo maskaxdiisu is weydiinaysay, in ninkani uu u eegyahay, oo uu noqon karo shaqsi naxariis leh oo wanaagsan, waayo, marnaba lagama yaabo, in erayaddan oo kale uu ka soo yeedho tuugta dhabta ah, waxaannu markiiba go’aansaday, oo uu yidhi;- Anniguba waxaan ahay tuug xariif ah, ee inna mariya si wada jir ah aynu u soo dhacno dahabkaas.
Markii ay gaadheen, kadinkii hore ee dayrka Boqortooyadda, ciidankii illaaladda ayaa joojiyey oo ku yidhi, ;- Waa kuwama,? Tuugii daacadda ahaa ayaa ugu jawaanbay;- Waxaanu nahay Tuug.
Illaaladdii waxa ay maskaxdoodu is weydiisay, in aanay ahayn kuwani Tuugg, waayo, suuro-gal maaha, horena ummay dhicin, in niman tuug ah oo doonaaya in ay wax dhacaan ay u soo mari-lahaayeen dariiqan oo kale, sidoo kalena, may-sheegteen tuugonimadda, laakiinse, waxa laga yaabaa, in ay dadkani ay yihiin qaar war-bixino u sida Boqortooyadda.
Markii ay dhaafeen illaaladda, waxa ay weydiiyey mid ka mid ahaa illaaladdii ku sugnayd guddaha Boqortooyadda, furre ka mid ah furrayaasha kadinka xafiisyadda, gacantaana laga galiyey furayaashaas.
Ka dib, waxa ay nimmankii tuugta ahaa oo uu Boqorkiina la socdo ay jabiyeen qasnadii ay ku jireen10-dhagax oo dahab ah, waxaanay ka qaateen 6-dhagax oo ka mid ahaa 10-kii dhagax ee dahabka ahaa, dabadeedna, sideedii bay u xidheen qasnaddii, isla-markaana, waxa ay ka baxeen xaruntii boqortooyadda, iaydoo ninkii Boqorka ahaana u raacay gurigii ay seexanayeen shanta Tuug, isagoo markii danbana ku soo laabtay hoygiisii uu seexan lahaa.
Markii ay soo baxday libidhadu, Taliyihii illaaladdii Boqortooyadda ayaa sameeyey baadhid ku taxa-luqday, inuu ogaado kuwa ay ahaayeen, wasiiraddii soo galay madax-tooyadda xallay, markii uu ku guuleysan waayey, waxa uu ku qancay in ay arrintaasi ay ahayd arrin khiyaamo ahayd, waxaanu go’aansaday in uu war-bixintaasi u gudbiyo Boqorka.
Isla-wakhtigaasi, waxa uu Boqorku ammar ku siiyey Dhuwan, oo ahaa wasiirkiisa maaliyadda in uu soo hello waxa ay nimankaasi ay ka qaateen Boqortooyadda, wasiirku waxa uu baadhis ku sameeyey qasnaddii kaydka maaliyadda oo ay ku jireen 10-ban dhagax oo dahab ah, waxaanu ugu tagay 4-dhagax oo kaliya, ka dib, markii uu ku soo noqday boqorka, waxa uu u sheegay in la qaatay 10-kii dhaqax ee dahabka ahaa ee ku jiray qasnadda kaydka maalliyadda, isagoo isla-markaas qorshaystay in uu isagunna inta ku hadhay qasnadda kala baxo oo uu qaato, markii uu la baxay 4-tii dhagaxna, waxa uu dhigtay gurrigiisii.
Inkastoo, Boqorku uu ammar ku siiyey Wasiirka in uu soo hello shaqsiyaaddkii fuliyey xaddida dahabka kaydka maalliyadda boqortooyadda ku jiray, may suuro-galin in wasiirku ku guuleysto arrintaasi.
Muddo ka dib, waxa uu Boqorku uu iclaamiyey, kuna sheegay shir jaraa’id, shaqsiyaadkii xadday dahabkii ku jiray qasnadda kaydka maalliyadda ay iska soo xaadiriyaan boqortooyadda barritoole saacaddu marka ay tahay 12:00 Duhurnimo.
Wakhtigii ballanku ahaa, ayuu u yimid Tuuggii daacadda ahaa, Boqorkii wuxuu iskugu yeedhay Gollihiisii wasiirada, waxaannu boqorku ku yidhi Ninkii Tuugga ahaa;- waxaynu ahayn Lix-tuug oo halkan u yimid in ay xaddaan wax la xafiday” markaas waxaan ku weydiiyey, Imisa dhagax oo dahab ah ayaad qaadatay? waxaanu ugu jawaabay Tuuggii daacadda ahaa , mudane:- waxaanu qaadanay Lix-dhagax, ka dibna Boqorku waxa uu ku yidhi;- wasiirkiisii maalliyadda ee la odhan jiray, Dhuwad, halkee bay mareen 4-tii dhagax ee dahabka ahaa?
Waxaanu kaga jawaabay wasiirku su’aashaasi;-” Mudane, Tuuggani waa beenaale, haddaba, maadaama uu ogaa Boqorku oo uu la socday shanta tuug, waa uu ogaa intii ay qaateen, waxaanu ciidankii illaaladiisa amar ku siiyey in hadda la soo baadho gurriga uu degan yahay wasiirka maalliyaddu, markii lagu sameeyey baadhitaan qaatay dhowr saacadood ayaa lagu guulaystay in laga hello 4-tii dhagax ee dahabka ahaa gurigii uu deganaa wasiirka maalliyaddu, taasoo wasiirka ku keentay in uu ku dhaco qalbi gariir.
Boqorku waxa uu ku yidhi;- “ Addigu waxa aad tahay tuuga dhabta ah, laakiin, tuugani runtii waa daacad, waxaanu ku baaqay, in uu tuuga daacadda ah iyo Dhuwanba uu ku ridi doono jeel gaboobay.
Isagoo haddalkiisii sii wata, waxa uu yidhi;- Dadka ku nool, nollol leh akhlaaq iyo daacadnimo, waxa ay Alle agtiisa ka helli doonaan abaal marrin-weyn, kuwa khiyaamadda badan iyo hawl-wadeenadda khiyaamadda badan ee sida Dhuwan oo kalena, waxa ay Alle agtiisa ka yihiin kuwo khasaaray.
Marka aynu ka nimaadno tamanigaas, Wariye Saleebaan Kalshaale wuxuu hubinayey muddo saddex habeen ahayd in arrintanni ay dhab ka tahay iyo in kale, ka dibna, wuxuu ka qaaday Wareysi lagu daabacay Wargeyska Jamhuuriya, kaasoo ciwaankiisu uu ahaa, Nin 22-sannadood Tuug ahaa oo dalbaday in la cafiyo.
Tuuggii xariifka inta uu iibsaday Wargeyskii ayuu nuqul ka mid ahaa u geeyey Saldhiga dhexe ee Ciidanka Nabad-galyada, si ay u ogaadaan in uu iska casilay shaqaddii Tuugnimada ahayd, isla markaana aan mar danbe loo xidhin,.
Sidoo kale, wuxuu la wadaagay Wargeyskii oo uu tusay saaxiibadii, isagoo ku yidhi:, Sow hore u maydaan maqal ama maydaan ka akhrisan Wargeysyada Jamhuuriya in koox ka mid ahayd Golihiisii Wasiiradda inay iska casileen xilkii Wasiirnimo, waxay ugu hal-celiyeen, Haa, haddaba, waxaad maanta ogaataan, in aan Aniguna maanta iska casilay Tuugganimadii oo aan ku qorannahay bogga hore ee Wargeyska Jamhuuriya, markaa waa inaad sidaas ula socotaan buu ku yidhi.
Muddo ka dib, Wariye Kalshaale gaadhigiisii oo yaalay goob ka weecsan waddada u dhow fooqa Bis ee suuqa hoose ee caasimadda Hargeysa, Tuuggii xariifka ahaa ayaa inta uu furay uu ka dhex qaatay Laab topkii, qalabkii uu wax ku sawirayey iyo qalabkii uu wax ku duubayey ee muuqaal araga, laakiinse, Wariye Saleebaan ma'oga in uu yahay Tuuggan xaday Ninkii warkiisa uu baahiyey, waxaannu isla isagii uu ka dalbaday in uu ka caawiyo helitaanka cida ka xaday agabkii uu shaqeynayey, waxaannu u diray kharashkii uu ku hawl-galayey.
Wuxuu la soo hadlay habeen haneenada ka mid ah, waxaannu u sheegay sheegay in uu soo helay guri la dhigo Laab too toobyada la xaddo, Wariye Kalshaale wuxuu kaxaystay Laba Askari oo goobtii ugu tegay 12-xabo oo Laab toobyo ah, nasiib daro'se aanu ku jirin Laab toobkiisii, waxaannay ku wareejiyeen agabkii saldhiga New Hargeysa.
Dhowr maalmood ka dib, Tuuggii xariifka ahaa ayaa taar kula soo xidhiidhay Wariye Kalshaale, isagoo u sheegay dhowr sumaddood oo uu lahaa Laab toobkiisu iyo laba qalab ee la socdayba, waxaannu ku yidhi, waxaan galay hawl aad u adag oo aan naftayda ay halis ku gashay, waannan ku guulaystay Laab toobkii gacantaanan ku hayaa, Adigana wax kale kaagama baahni, aan ahayn, koofiyad cad, cumaamad cad, shaadh cad, macows cad, sandal cad oo aan bukshada ku dhex galo mooyaane.
Wariye Kalshaale anagoo wada-socona ayuu macadlaha uga iibiyey hu'gaa uu codsaday, ka dibna, waxaannu ugu tagnay xaafadda Maxamed Mooge qeybta baro-kaca ee (B), markii aanu gaadhay goobtii uu ku sugnaa, ayuu nooyimid, waddaha gaadhigu waa Wariye Kalshaale, Aniga iyo Nin kalena waxaannu saaranahay shidhka danbe, wuxuu soo joogsaday daaqada waddaha gaadhiga ku beegnayd.
Markiiba indhihiisu waxay halacsadeen alaabtii uu ka dalbaday oo shidhka hore saarneyd, waxaannu ku yidhi, gabadhaa kolayga haysata toban-dolar u dir, ka dibna, tirsiga taarkeeda ayuu u yeedhiyey, Anagoo u qaadanay in Laab toobku meeshan yaalo, laakiinse, shidhka hore ayuu soo fuulay, waxaannu yidhi, ina mariya waxaan dhigan tukaan, sidii uu noo soo waday ayaanu nimid xaafadda daami.
Waxaannu nagu yidhi, Gaadhiga hadhkaan inoo dhiga, tukaankaa, tukaanka ka sii jeeda ayaan ka soo qaadayaaye, intii uu sii socday ayuu wiil yar oo aan da'diisa ku qiyaasay 12-jir oo goobtaas joogay, inta uu garabka sii qabsaday ayuu sakadii kala wareegay.
Wariye Kalshaale, ayaa igu yidhi, bal ka waran, waxaan ugu hal-celiyey, waxa aynu nasiib leenahay, inta wiilkaa yar ee uu garabka sii qabsaday fariinta uu inoo soo fari doono ee aynu ka dhur-sugno, waxaannay nagu qaadatay hal-saac iyo badh in aanu sugno, ka dibna, wiilkii yaraa oo xiiqsan oo cararaya ayaa noo yimid, waxaannu noo sheegay In hebel uunu galay guri ay rag ku jireen, ka dibna, ay nabaro gaadhsiiyeen oo ay eryadeen, waxaannu idinku yidhi, dawaarlihii iigu kaalaya, inta aan aad qoslay, ayaan ku idhi, wax kaleba, maanaan sugey, waxaannu u taagney fariintaadan, adeer aad baad u mahadsan tahay.
Maalmo ka dib, Wariye kalshaale dalka ayuu ka baxay, isagoo dalka ka maqan, ayuu Tuuggii xariifka ahaa noogu yimid, Xarunta Wargeyska Jamhuuriya anigoo fadhiya, markii hore maan arkayn oo qoraal ayaan ku fooraray, waxaannu yidhi, Wariye Kalshaale ma joogaa, Nin oday ah ayaa u jawaabay oo yidhi, Maya
Mar labaad ayuu haddana yidhi, ma'joogaan Wariyayaashii kale ee Wargeyska Jamhuuriya, kol hadday markii hore ay iga qoreen in aan Tuuganimadii aan iska casilay, imikana ha'iga qoreen in aan ku soo noqday Tuuganimadiiye, intaas, markaan maqlay, ayaan gartay oo aan ku kacay, anigoo leh, ma'anagaad caqligayaga caayeysaa, ka dibna, wuu iga fakaday, illeyn Tuug waa Tuug uun.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments
Post a Comment
Mahadsanid