Posts

Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera

Image
Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera Markii ay socotay dabaylihii xornimo doonka ay ku raadinayeen dalalkii ay guumeysanayeen wadamadii reer Yurub,  wakhtigaas oo uu la wareegay maamulka xukunka talada dalka British Protectorate of Somaliland, Mudane, Douglas Basil Hall, hilaaddii 11 July 1959 illaa iyo 26 June 1960. Waxa jray cunto-kariye ka fakaday xabsiga mandheera, cunto kariyahaas oo ahaa  nin aamin ah, lagana dheehan karayey karti, hufnaan, firfircooni iyo deganaansho badan, waxaannu markii danbe shaqo ka hellay   xafiiska cunto karinta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Ingiriiska. Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii shaqo, waxa looga yeedhay xafiiskii ugu sareeyey ee uu fadhiyey Mudane.  Douglas,  markii uu soo galay xafiiskaas waxa uu arkay mudane,  Douglas oo taagan oo wajigiisa ay ka muuqato waji adag oo haddana dabacsanaa, waxaannu ku yidhi Doug...

Warbaa Jira Aan La Baahin, Waxbaa Jira Aan La Sheegin

Image
Mudo haatan laga joogo 28-Sannadood iyo waxoogaa war baa jiray aan la baahin, waxbaa jiray aan la sheegin, heeso ayaa jiray ay ka xishoon jireen baahintooda wariyayaasha ka hawl-gala barnaamijyada   Dalabaadka Heesaha warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, sababo jiray awgood. Markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, M.X.I. Eggal lagama baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heestan tidhaahda, Waadigan’se liitee, leexadu ku sidatee had ba laan cugsanayee. Markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa jiray laba heesood oo aan laga baahin jirin warbaahinta Maqalka-Baahiyaha ee Radio Hargeysa, heesta tidhaahda, Daahir, aramadaadiidii waxay uurka jiifataba afka aan ka dhowraba ka adkeysan waayee, iyo heesta tidhaahda Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa. Ka dib, markii uu ku guuleysatay hoggaaminta talada dalka Mudane, Axmed Maxamed Maxa...

Waxa jira niman carashada yaqaan oo aanay wax-kale u wehelin

Image
Sannadkii 1999-kii bishii May, 30-keedii maalin   Axadeed ayuu u jeediyey Madax-weyne ciggaal (AHUN),   khudbad aad u qiimo badanayd, Ciidanka   Booliska Somaliland isla xarunta Taliska Booliska, qayb- Ciidanka ka tirsan; khud-badaasi waxa uu ku bilaabay sidan:-  Maalin-dhaweyd oo halkan xil-lagula kala wareegayey, waxa ka hadlay rag-odayaal ah oo qiimo iyo qadarin kuligeen inaga wada mudan,  odayaashaasi eray kasta oo ay halkan ka yidhaahdeenba, waan ka markhaati kacayaa inuu runtood ahaa oo ay asiibeen. laakiin anigu maanta warkayga wadadoodii la’marimaayo ee si kalaan rabaa in aan   wax idiin tuso dadkan iyo dalkan aynu xilka u hayno waad og’tihiin waxay ku sugan yihiin, waa dal og’aan iyo ula kac loo dumiyey, oo la baabiiyey oo aan dadaal loola hadhin , sidii loo tirtiri lahaa, khayraadkiisa loo aasi lahaa ee loo lunsan lahaa, dadkeena wuxuu cadowgii isku dayey, in la gumaado oo la tir-tiro xididkooda iyo xun-dhurtoodaba, shuhadadii dhimata...

Maxamed Faarax Qoti oo hadal ka jeediyey xafladii caleemo saarka suldaanka

Maxamed Faarax Qoti oo hadal ka jeediyey xafladii caleemo saarka suldaanka

A country is not recognized twice

Image
The major powers that were competing for the division of the countries of the world in the 18th century, although they differed in their views, ideas and political systems, they believed in two methods, the colonial method "Colony" (ruling and managing a country) and directly ruled by another country) and the protected political system "Protectorate (agreement to protect a country and control it from other countries, while they are growing), the British Protectorate of Somaliland was one of the 7 countries It was a protectorate of the British Empire from 1841 to 1960, which was one of the 21 countries directly ruled by the British Empire. In the 19th century, in the 1960s, the British Protectorate of Somaliland became one of the 21 countries that gained their independence from the British Empire, namely, Cameroon,Togo, Somaliland British protectorate, Madafascara, Mali Federation, Union of Senegal, French Sudan, Congo, Republic of Dahomey, Niger, Upper Volta (Burkina Fas...

Madaxweyne Cigaal Oo U Jawaabay Muuse Biixi

Image
  Muddo haatan laga joogo dhowr todobaada ka hor ayey hadal haynteedu ku badatay bulshada dhexdeeda,   jawaab uu ka bixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, su’aal lagu weydiiyey eedaymo uu u jeediyey Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed X. I Cigaal ( AHUN ) Sannadkii 2001-dii. Wakhtigaa waxaan halkan idinku soo gudbinayaa jawaabtii uu ka bixiyey Madax-weynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, “Alle ha u naxariistee” M.X.I Cigaal, oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Madax-tooyada, taasoo uu kaga hadlaayey xaaladda ergada dhex-dhexaadinaysa, Xukuummada iyo Kooxda salaadiinta Guriga ku jirta” M/weyne Cigaal wuxuu hadalkiisii ku bilaabay:-   “Shalay qoraalkii (Statement) aan soo saaray si fiican ayaa looga sheegay war-baahinta, wargays’yadeena, iyo BBC daba, hase-ahaatee arin yar baa la balbalaadhiyey oo si kale loo dhigay, oo laga dhigay nimakii dhex-dhexaatinta waday ama odayaasha ahaa khilaaf na dhex-mar...

Wadan Laba Goor Lama Aqoonsado!

Image
Quwaddihii ugu waaweynaa ee tartanka ugu jiray kala qaybsashada wadamada aduunka Qarnigii  18-aad , inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca aragtida, fikirka iyo nidaamka qorshahoodii siyaasadeed, haddana waxay  aaminsanaayeen laba hab oo kala ahaa,  habka guumaysiga ah “ Colony” (xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah uu u xukumo dal-kale)  iyo nidaamkii siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo ka xakameynta  wadamada kale, inta ay  soo korayaan),   British Protectorate of Somaliland  waxa ay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u  ahaa boqortooyadii ingriiska  sannadihii 1841-kii illaa iyo 1960-kii, kuwaasoo ka mid ahaa 21-kii dal ee sida tooska ah ay u xukumayeen Boqortooyadii Ingiriisku.  Qarnigii 19-aad ged-gedoonkii iyo dabeylihii xornimo doonka ee ka socday dunida  sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British P...

Dr Maxamed Faarax Qoti Oo Ka Hadlay Aafada Xashiishadu Ku Hyso Dhalinyarada

Image

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka. Q/6aad

Image
Sidaa darteed, waxa aynu halkan ku eegi doonaa Beel ama qabiil xeer-dhaqan soo jireen ah u lahaan jiray inay ku soo xushaan hab-doorasho gadh-wadeenka reerka marka uu geeriyoodo ama uu hawl-gab noqdo,   waxaana ka fadhiisan jiray xubno ka mid ah guddi hoosaadyo ay beeshaasi lahayd, kuwaasoo ka soo dhex-xullan   jiray beesha ninka caaqilnimada reerka u noqonaya. Ka dibna, waxa ay guddidaasi u eegi jireen, Diinta, sharafta, karaamadda iyo daacadnimada uu leeyahay, iyagoo ku qiimeyn jiray dhinaca, Dhaqanka, Codkarnimo, Garyaqaannimo, Hawl-karnimada, Caqliga, Aqoonta, Xikmadda, Da’da iyo waayo-aragnimada uu leeyahay ninka gadh-wadeenka reerka u noqonayaa. Waxa dhacday inay sameysteen Suldaankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan, kaasoo ay ku soo xusheen sidii uu dhigaayey xeerka dhaqanka beeshu ee ahayd habka xulashada, isla-wakhtigaas, waxa xafladii caleemo saarka suldaanka lagaga dhawaaqay in aanay ahayn sandaladani mid ku timid dhaxal ama aanay noqon doonin mid la kala dhax...