Muddo
haatan laga joogo dhowr todobaada ka hor ayey hadal haynteedu ku badatay
bulshada dhexdeeda, jawaab uu ka bixiyey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, su’aal lagu
weydiiyey eedaymo uu u jeediyey Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda
Somaliland Maxamed X. I Cigaal (AHUN) Sannadkii 2001-dii.
Wakhtigaa waxaan
halkan idinku soo gudbinayaa jawaabtii uu ka bixiyey Madax-weynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland,
“Alle ha u naxariistee” M.X.I Cigaal, oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa
Madax-tooyada, taasoo uu kaga hadlaayey xaaladda ergada dhex-dhexaadinaysa,
Xukuummada iyo Kooxda salaadiinta Guriga ku jirta”
M/weyne Cigaal wuxuu hadalkiisii ku bilaabay:- “Shalay qoraalkii (Statement) aan soo saaray si fiican ayaa looga
sheegay war-baahinta, wargays’yadeena, iyo BBC daba, hase-ahaatee arin yar baa
la balbalaadhiyey oo si kale loo dhigay, oo laga dhigay nimakii dhex-dhexaatinta
waday ama odayaasha ahaa khilaaf na dhex-maray, rayiguunbaanu ku kala baydhnay,
oo isku kaaya qaban-waayey, oo iyaguna halkoodii ayey ku adkaysteen , anniguna
halkaygii, laakiin wax-laf -jab ah oo aanu ku kala tagnay ma jirto.
Markaa arrinku halkiisii ayuu noo joogaa,
tallo-wanaagii aanu lahaan jirnayna dib-baanu u lahaanaynaa, waanu
wada-lahaanaynaa waligayo, carab iyo labadiisa-daan baa isku dhow oo waa ay
isqaniinaan, ayey somalidu ku maah-maahdaa.
Mudo dheer ayaanu nimankan shir-guddoonku aanu
tallo-wadaaga lahayn, oo saddexda Gole aanu talo wanaag ku lahayn, maanta uguma
horeyso in rayigayagu kala maan noqdo, maanta wuu soo shaac baxay uun, oo
war-baahintii uun baa gaadhay mooyaane, mar la isla aqbalo, oo rayigu meel raga
uga wada muuqdo iyo mar-uu-ragba gees
ugala muuqdaba, labadaba waanu lahaan jirnay, laakiin wax sida loo dhigayo kalo
go’ah oo ku yimid xidhiidhkii sadexda golle
ka dhaxeeyey ama Gudoomada saddexda-golle ku jiray, wax kala go’ah oo ku
yimid ma jiro, intaas ayaan ka balan
qaaday oo aan idhi.
Waxaan fadhiisanayaa gollaha wasiirada, markaa
waxaan ka soo saarayaa talaabadii danbe halkii laga qaadi lahaa, sidaad
ogtihiin xalay-toole rag odayaal ah oo Alle barkeeyey, oo wadaado ah iyo rag
wasiiro ah, ayaa isugu tagay, markaa maantaba waxa aad moodaa, intaan anagaba
nalaga dhur-sugin in arinkii waan-waantiisiiba la bilaabay.
Madax-weynuhu isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi: - “Anagu shan qodob ayaanu u qornay nimanka meesha
sheeganaya, shantaa qodob waxay ahaayeen.
Qodobka
1aad:
In aan urur-dhaqameed wax la yidhaahdaa aanu caado u ahayn dalka kana
jiri-jirin, haddana milgo u banaani aanu jirin, haddiise odayaasha
Madax-dhaqameedka ahi ay yidhaahdaan, waxaan u baahanahay, urur aanu talada
dalka aanu kaga dhiibano, Tallo iyo tamarba, waa laga fikiri karaa, oo
abuurkiisa laga sasimaayo, laakiin 16-nin oo sida aad ogtihiin sheeganaya
wakiil suldaan iyaga oo reerka ay ka socdaan aanu-sul’daanba lahayn, wuxuu ku
fadhiyaa meesha wax kale oo aad ogtihiiin 12-kii Sul’daan ee soo jireenka ahaa-
ee dalka ayaa baaq soo saaray, oo waliba ragaasi intooda badani afar iyo shan
jeer ay ku abtirsadaan Sul’daan Hebel, Sul’daan Hebel oo arinka nimankan ka soo
horjeeda oo koox-yar oo sheegato ahi ma
sameyn karto urur-dhaqameed haddii ay yidhaahdaan koox baanu nahay M/dhaqameed
ah oo iyagu urur-sameysanayaan anaga aqoonsi noogama baahna.
Dalka Dimuquraadiyad baa ka jirta laakiin wax-aanad
ahayn ha sheegan haddii aad tidhaahdo annigaa rayigayga dhiibanayaa, cid kuu
diidaysaa ma-jirto.
Laakiin, hadaad tidhaahdo cigaal-baan u hadlayaa oo
rayiga cigaalbaan u bixinayaa dee xaq-uma lihid, markaas ta la isku hayaa waxay
tahay, yaad u tahay Madax-dhaqameed ama Urur-dhaqameed haddii guudka la iska
saaro oo layidhaahdo Madax-dhaqameed ama Urur-dhaqameed dee markaa inta ka
maqan ee diidan ee waliba soo jireenka ah ma madax-dhaqameedkiibaa laga
taxaabayaa.
Markaa waxa anniga rayigayga ama mabda’aygu yahay
urur-dhaqameed haddii la sameynayo, waa inuu yahay mid loo wada dhan yahay,
arin cusub-weeye, wax caado dalkeena u ahaan jirtay ma’aha, markaa wax-cusub oo
abuurmaya weeye haddii uu cusub yahayna waxaa waa in loo wada dhan-yahay oo
dadka magacaa lihi waa inay u wada dhan yahay, oo dadka magacaa lihi waa inay u
wada dhan yihiin, 12 ka sul’daan ee aan sheegay ee baaqa soo saaray waxa
weheliya rag kaloo dalka dibadiisa iyo
gudihiisa Fax’syo iiga soo diray oo iyaguna xagaa soo jireeno ka ah oo shan nin
ah oo iyaguna yidhi, hana-lagu darro liiska raga baaqa soo saaray iyaga ayaanu
baaqa la qabnaaye, markaas sidaas baanu M/dhaqameedkaas u leenahay
Qodobka
2aad: Ee ay sheegeen ee ay distoorka ka soo jeediyeen ee ay yidhaahdeen far’qada-saddexaad ee
kooxdu u cuskatay Ururkooda waxa weeye, Qodobka ka hadlaya, in muwaadiniinta
Somaliland inay xor-u yihiin inay sameystaan, urur-dhaqameed waxa weeye, waa (Culture Organization) iyagu waxay u
qaateen meesha dhaqameed la sheeagaba, in iyaguun la sheegayo, maaha kani iyaga
urur-dhaqan waa culture organization, sida fanaaniinta urur ay sameystaan raga
gabyaaga ahi ha sameysteen, ama nimanka ruwaayadaha dhigaa hasa-meysteen maaha
urur-dhaqameed meesha ay sheegayaan,
markaa waa kaas oo ururkii xirfadayaasha ayaa la sameysan karaa, Ururkii
Ganacsiga (Trade-Union) ayaa ku jira
qodobkaa, si khalad ah ayey usoo ogaadeen laakiin sida uu yahay waa sidaa.
Qodobka
3aad:
ka saddeexaad hore ayaanu uga hadalnay, waxa weeye,
Ururka salaadiinta ama cuqaashu, wuxuu sameysmi karaa marka loo dhan yahay, ee
dadka magacaa sheegtaa u dhan yihiin, laalkiin haddii in yari sameeysato waa in
ay koox isku sheegaan, waa sida xisbiyada oo kale, xisbi-leh anigaa Somaliland
oo dhan u wada hadlaa ma jirto ee kolba intii doorashada, siisa ayuu u hadlaa.
Qodobka
4aad:
Hawsha salaadiinta dee sida aynu ku naqiin
dhaqan-keena iyo hab-nololeedkeena, hawsha salaadiintu waxay ku kooban tahay,
sidii ay beelihii ay sul’daanka u ahaayeen dantooda, Nabadooda iyo wixii cid
kale gaadha, sidii ay ugu talin lahaayeen ee ay u maamuli lahaayeen arinkooda
ayey leeyihiin.
Qodobka
5aad: Go’aankoodii shirkooda ee ay yidhaahdeen, xisbi lama furi karo, kii
la-furayaana waa in laga noqdaa oo afartan-cisho lagu baa’biiyaa, doorashooyinkana ha la iska dhaafo oo
shir-beeleed ha laqabto, Qodobkaana waa in lagu noqdaa, waayo, Dastuurkeenii
ayuu boqolkiiba 97% aynu ku taageernay, ayuu duminayaa,
Isagoo qodobkaa sii shar-xaya, waxaa uu yidhi; - Annagu
shantaa qodob ayaanu u dirnay nimankaa, maanta, nimankii culimada ahaa ayaa
qaaday iyagii ayey u geynayaan, jawaabtii ayaanu ka sugaynaa 10: 00 subaxnimo
ayey balansanaayeen.
Shantaa qodob hadday soo saxeexaan oo ay
yidhaahdaan waanu aqbalnay, dee arinkii waa dhamaaday, fidnadiina wey soo
afjarmaysaa, ana u awali-maayo oo dhan maayo haddii ay aqbali waayaan waxaas
iyo waxaas ayaanu yeelaynaa, waxay noqonaysaa tadiib iyo hadal aan meesha ku
jirin, nimankii sidaas ayaan u diray culimadiina waa ay qaadeen, isla-xalay
ayey u geeyeen si ay u akhristaan, maanta wixii ay is odhanayaan, ha is
yidhaahdaan, markaa iyagii ayaanu jawaab ka sugaynaa.
Annagu waxaanu leenahay haddii ay intaas yeelaan oo
war-qadaas soo saxeexaan xagayaga fidnanimo kama jirto, Nabigu (SCW) waxaanu
yidhi:- fidnadu waa hurudaaye wixii toosiya Illaahay ha naclado, markaas annagu
sidaas ayaanu qabnaa markaa fidno doon-manihin.
Waxaan ku soo khatimayaa, shacbiga Hargeisa, Buroa,
Berbera, Laascaanood, Ceerigaabo, Boorama, lixda-Gobol oo dhanba, waxaan
keeyahay waxoogaagii shalay aan yara cawday, ee aan fagadh-fagadh ka siiyey,
dadkii wixii qaranka nasteex u ahaayow maxaad la hurudaan, haddaan annigu
shalay idhi; in maanta laga banaan baxay ama laga jawaabay, dadka aad baan ugu
mahad naqayaa, waxaan leeyahay hala dhowro waxoogaa fidno raba ayaa idinku
dhex-dhumanayee, oo wax tuu-rtuuraya oo mabda aad wadaan ka soo horjeeda
aqlabiyadiinu boqolkiiba (97%) ayey ahayd, saddexdii dhinaa ayaa idinku
dhex-dhuumanaya, aad baad u mahadsan
tihiin, shacbiga Somaliland iyo qaranka Somaliland.
Ninbaa shalay laga sheegayey oo halkan is
baac-baacinaayey oo hadal uu ka dhigayo in uu aniga iila jeedo, laakiin aanu aniga iila jeedine,
saaxiibadii oo baryahan ka shakisnaa ayuu ku raali-galinaayey, oo taqo kaga
doonaayey, wuxuu yidhi;- yuu isku halaynayaa?
Sagaashan iyo Todobadaa 97% ayaan muusow isku
halaynayaa, qabiil isku halayn maayo, cid kalana isku halayn mayo, horena iskuma
kaan halayn ee 97% Qaranka Somaliland
ayaan isku halaynaya.
Qoraa/ Maxamed Faarax
Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid