Sidaa darteed,
waxa aynu halkan ku eegi doonaa Beel ama qabiil xeer-dhaqan soo jireen ah u
lahaan jiray inay ku soo xushaan hab-doorasho gadh-wadeenka reerka marka uu
geeriyoodo ama uu hawl-gab noqdo,
waxaana ka fadhiisan jiray xubno ka mid ah guddi hoosaadyo ay beeshaasi
lahayd, kuwaasoo ka soo dhex-xullan
jiray beesha ninka caaqilnimada reerka u noqonaya.
Ka dibna, waxa ay
guddidaasi u eegi jireen, Diinta, sharafta, karaamadda iyo daacadnimada uu
leeyahay, iyagoo ku qiimeyn jiray dhinaca, Dhaqanka, Codkarnimo, Garyaqaannimo,
Hawl-karnimada, Caqliga, Aqoonta, Xikmadda, Da’da iyo waayo-aragnimada uu
leeyahay ninka gadh-wadeenka reerka u noqonayaa.
Waxa dhacday inay
sameysteen Suldaankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan, kaasoo ay ku soo xusheen
sidii uu dhigaayey xeerka dhaqanka beeshu ee ahayd habka xulashada,
isla-wakhtigaas, waxa xafladii caleemo saarka suldaanka lagaga dhawaaqay in
aanay ahayn sandaladani mid ku timid dhaxal ama aanay noqon doonin mid la kala
dhaxlo, balse, suldaanku cusub ee ka danbeeyaa uu ku iman doono habka-xulashada
rabitaanka aqlabiyada reerku ninka ay u soo doortaan suldaannimada.
Muddo toban
sannadood ah ka dib, markii uu geeriyooday suldaankaas (AHU), waxa la isku
khilaafay oo la siku qabtay in loo caleemo saaro wiil uu dhalay, taasoo aan
waafaqsanay sidii uu dhigayey xeerka dhaqanka beesha uga yaalay marka ay
banaanaato jagada caaqilnimada iyo suldaannimadu.
Nasiib darro’se,
xaajadaas kumay dhamaanin guul iyo is-afgarad, waxa taasi sabab u ahaa ka dib,
markii faro-galin kaga timid, suldaanno ka mid ah 14- suldaan oo ay isku
beel-wadaag ahaayeen, kana mid ahaa 71-ka suldaan ee ka jiray deegaankaas, kuwaasoo sandaladoodu ay ahayd mid ku timid
dhaxal iyo arrimo siyaasadeed oo kale, balse, aan ku iman habka xulashada
doonista rabitaanka beelaha ay matalaan.
Waxa kale oo arrintaasi ku abuurtay
cabsi, ku dhalisay inay sas ka qaadaan habka xulashada dimuquraadiyada ku
dhisan caqliyadda ee lagu soo xulanayey suldaannimaddu ay wiiqi doonto
sandalada dhaxaltooyada ah, waa haddiiba ay maqlaan beelaha ay ka soo jeedaan,
isla-markaana, iyagoo ka duulaaya siyaasadda ay ku illaashadaan sandalada
dhaxalka ah, waxa ay isku dayeen sidii ay u sii hurin lahaayeen khilaafkii
yaraa ee beeshaasi soo kala dhex-galay, waxaanay qayb laxaad leh kaga qayb
qaateen kala jabinta beel xoog ku lahayd wada jirka iyo walaaltinimada,
isla-markaana, xeer -dhaqan u lahayd habka-xulashada rabitaanka beesha aqlabiyada ugu badan inuu ku soo baxo gadhwadeenka reerku.
Ka dib, waxa la caleemo saaray laba suldaan, oo mid ka mid ahi ku yimid,
habkii iyo xeerkii dhaqanka beesha u yaalay marka ay dooranayaan caaqil ama
suldaan.
Sidaa darteed, habkan xulashada sandaladan dimuquraadiyada ku dhisan
caqliga ayaa ah wakhtigan mida ugu qiimaha iyo sharafta badan marka loo eego
sandaladda dhaxaltooyada ah, haddii ay ku dhaqmi lahaayeen beelaha reer
Somaliland habkan xulashada ee hanaankeedu wanaagsan yahay, wax-weyn ka tari
lahayd dhaqan doorsoonkan ku dhacay suldaanada dhaqanka ee ku milmay siyaasada.
Sababtoo ah, waxa aad arkaysaa inay maanta tahay sudlaannimadu magac iyo
darajo lagu danaysanayo, taasoo dantii
reerku ay lahaayeen ku keentay laf jab iyo cadaawad, waxa kale oo
reeraha ay ka soo jeedaan u soo jiideen magac xumo iyo sumcad xumo-weyn, isla-markaana ku noqotay canbaar iyo naaneys
xumo aan ka hadhi doonin, mararka qaarkoodna, waxa aad moodaa inay cadow ku
yihiin beelihii ay ka soo jeedaan, Murti soomaaliyeed baa tidhaahda “ Madax
aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro”.
Marka aynu arrimahaas oo dhan ka soo gudubno, Xanaanka waxa la
yidhaahdaa kama tagana dhaqanka diinteena suuban ee Furqaan, waana waxtarka la
is taro, sida, abaal-gudka, baadida oo la siku celiyo, in laga fogaado sameynta
waxyaalaha meelka dhaca ah, af-xumada, af-lagaadada, cayda, dhir-baaxada,
xabada, lana xaq-dhowro dhowro dhamaan dumarka sharafkooda iyo milgahooda.
Balse, marka ay arrimahaas oo dhami ay dhacaan, labadii dhinac ee ay
wax-kala gaadheen haddii aanay dhameysnin oo aanay isku dulqaadan, waxa dhici
jirtay in qofka wax loo tirinayo la golle keeno ee lagu soo cadeysto, waxa
jirta xeer ciqaabeed la mariyo qofkaas oo in xaal lagu xukumo, xaalkaas oo ah
xoolo qofka wax trisanaya lagu dhaahiyo, iyadoo wixii uu trisanayey lagaga
bogsiinayo, waxa kale oo uu xaalku noqon karaa
gabadh la siiyo qofka wax tirsaday.”
Waxa kale oo iyana jirta Ergo, waa dad si toos ah ugu taga cida ay wax u
sheeganayaan , waxaanay noqotaaa ergadu mid la ajiibo (La yeelo) iyo mid la
diido oo la yidhaahdo, “ waxa aad wadataan gar iyo garow toona kama
ogolin”, soomaaliduna waxa ay ku
maahmaahdaa “Ergo wixii La farona way
geysaa, wixii la siiyana way cuntaa”.
Maganta: Dhaqanka Somalida waxa ka reebban in maganta la laayo, maganta waxa look ala saaraa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timid, Magan kula joogta, Magan kaa tagtay iyo Magan kugu soo socota.
Laakiinse, marka maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad
xeer leedihiin waxa ka timaadda dhibaato badan oo sababta in la isku dilo,
masalan ninka gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo
ee illaa saddex awoow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo)
kaa doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo magan kugu soo socota ah,
la dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa
nin kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu qaldmay, sidaas ayey u kala
kiis culus yihiin.
Oday la odhan jiray Axmed Ilkacase oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaamada gobolka togdheer ayaa la siiyey gabadh reer garaad ah oo ka soo jeeda deegaanka badhan, ka dibna maalin maalmaha ka mid ah iyagoo wada-ciyaaraaya shax nin gabadha uu qabay ay kala jilib yihiin ayaa ku yidhi “Waar bal Inan gumeedkan xun eega”, ka dibna, Shaabuug uu sitay ayuu damcay in uu shan ku dhufto, laakiinse, seedigay ayaa ku soo booday oo qabtay, wuxuuna ku yidhi “Waar Axmedow nin fiican baan ku moodaayey, balse ma tihid, wax baan ku waydiinayaaye ma taqaan ninka haddii la dhirbaaxo shanta qaalmood ee xaalka ah laga qaato, haddii la dilo oo Toorray lagu dilona ay kii Toorayda ku dhuftay iyo kii dhirbaaxada xaalka ka qaadan lahaa ay Tooridii lagu dilay hilibka ku wada cunaan”, ka dibna isagoo cadhaysan ayuu ku idhi “Maya ee ma’aqaan”, ka dibna wuxuu ugu jawaabay “waa adiga oo kale”, markii uu hadalkaa loogu jawaabay, ayuu maalintaa illaaway wixii tolkii uu kaga soo kudaalay ee uu ka tirsanayey, waanu iskaga soo guuray.
Xaal : Haddii aad maqasho arrintaa xaal baa ku waajibay ama hebel xaal hala siiyo, waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, isla-markaana, wixii lagu sameeyey isna samayn kara ayaa lagu dhaahiyaa xoolo, si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan), xoolahaas ayaa la yidhaahdaa “Xaal”.

Bal aynu tuducan gabayga ah eegno “Calow maqal cantuugad badhkeed waa
calool melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal
ciyaar iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu
ninka wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.
Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha xaalka la isu siiyo garowshiiyo la siiyo qofka xumaanta loo geystay oo laga raali-galiyo qaladka lagu sameeyey, sidoo kalena waxa ka mid ah Faras xaal la isku siiyo iyo gabdhahana oo xaal la isu siiyo marka ay aflagaado jirto, laakiin haddii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.
Waxa haboon in la isku dulqaato, haddiise uu qofku dulqaadan kari waayo waxa haboon inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa, ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka ahayn waxaas iyo waxaas ayuu igu sameeye, taasoo inta badan lagu dhameeyo raali-galin, balse, haddii ay intaasi ku dhamaan weydo waa inuu naqaa ninkii cabanayey, naquna waa guhaan.

Dhinaca kale, marka ninka wax laga tirsanayaa uu yidhaahdo waan ku
garmarinayaa, waa inuu ninkii wax tirsanayey uu garnaqsado, haddiise uu ninkii
laga cabanayey garaabi-waayo, waxa haboon inuu ka ergoodo oo uu kaga eerto
cidda xidhihiisa ah, waayo haddii aanad odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga
qabto oo aad wax sameyso arrintaas waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay, waxaad
lumisay migihii iyo sharaftii aad lahayd, cidina hadhow kuu garaabimayso,
waxaana kugu filan miyaad nagu sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid