Friday, August 9, 2019

Waxa jira niman carashada yaqaan oo aanay wax-kale u wehelin


Sannadkii 1999-kii bishii May, 30-keedii maalin  Axadeed ayuu u jeediyey Madax-weyne ciggaal (AHUN),  khudbad aad u qiimo badanayd, Ciidanka  Booliska Somaliland isla xarunta Taliska Booliska, qayb- Ciidanka ka tirsan;


khud-badaasi waxa uu ku bilaabay sidan:-  Maalin-dhaweyd oo halkan xil-lagula kala wareegayey, waxa ka hadlay rag-odayaal ah oo qiimo iyo qadarin kuligeen inaga wada mudan,  odayaashaasi eray kasta oo ay halkan ka yidhaahdeenba, waan ka markhaati kacayaa inuu runtood ahaa oo ay asiibeen.

laakiin anigu maanta warkayga wadadoodii la’marimaayo ee si kalaan rabaa in aan  wax idiin tuso dadkan iyo dalkan aynu xilka u hayno waad og’tihiin waxay ku sugan yihiin, waa dal og’aan iyo ula kac loo dumiyey, oo la baabiiyey oo aan dadaal loola hadhin , sidii loo tirtiri lahaa, khayraadkiisa loo aasi lahaa ee loo lunsan lahaa, dadkeena wuxuu cadowgii isku dayey, in la gumaado oo la tir-tiro xididkooda iyo xun-dhurtoodaba, shuhadadii dhimatay Allahooda ayaa u aaray (Inahu Kaana Mansuuraa).

Maanta meel dunida ka tageen ay kaga raysteen oo ay nimco u dhan tahay ayey ku sugan yihiin , inteenii ifka ku hadhay, ayey guul daro haysataa, oo ay tallo u eeg-tahay, tamar iyo tacabba laga sugayo, maanta inaguma haboona is Cajabin,Gunti-furasho iyo Is-amaantoona ,sidaa-daraadeed, ayaan annigu hadalkayga kula marayaa wado kale oo aan ahayn tii odayaasha.

Ciidanka aad madaxda u tihiin ragiinan halkan fadhiyaa, waa ka xudunta u ah dhismaha dalka iyo kal-kaalada iyo kobcinta bulsho-degan, oo is aaminsan, oo walaalnimo iyo wada jir kuwada nool, oo sinaan iyo cadaaladi xeer u tahay, wuxuu cadowgii inaga dhigay Bulsho-col ah oo xaasid iyo xiqdi xeer u yahay oo u kala saraysa oo u kala sida, sida loogu kala dhow-yahay daalinka xukunka gacanta ku haysta.

wuxuu cadowga inoo diiday, isku kal-soonaan iyo iimaankii diinta islaamka iyo Quraankii uu “Illaahay “ inagu beeray , wuxuu doonay inuu inaga dhigo xayawaan halkii la doono loo jeediyo, wixii la farana indho li’i iyo dhago li’i ku yeela ama dan ha ahaato ama yaanay u ahaanine.

oday maalin aanu faalaynaynay wixii ina soo maray, ayaa igu yidhi”ina siyaad iyo Faqash waxa ka nabad galay, dadkii intii ay nec-baayeen intii ka ag’dhaweyd ee la jirtay , dhaqan-guurka ay ku sameeyeen iyo anshax-xumida ay bareen boqol-sano kasoo kaban maayaan, xilka ina saaran ee la’inoo dhiibtay, waa mid aad u culus, waa in aynu bulshada is aaminsiinaa, waa in aynu beenta been ka dhignaa oo aan dib loo kala iibsan.

Waad xasuusan tihiin baarkii taleex, ee xal-qadaha waaweyn loo fadhiisan jiray ee boqol nin mid waliba been toocsan jiray, oo iyada oo nin waliba og’yahay in waxa lagu wada hadlayaa been tahay, aan hadana la iska hor iman jirin, ee nin walba markiisa Beenta xaaraanta ah toocsan jiray.

Bulsho aan Eray xalaala isu’sheegin been iyo nifaaq dhaqan ka dhigatay ma soo hoyn karto guul-siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid dhaqan-toona, waxay qodayeen waligood waxay ahayd xabaal -bilaash iyo dhalanteed aan faa’ido keenayn, waxa la inooga baahan yahay sidii wiilkii yaraa ee sixiroolaha ka-shifay, markuu yidhi:- “Alaa suldaanku waa qaawan yahay”.

In aynu beenta qaawino oo runta aynu caleemo saarno, oo nifaaqa qiimaha ka qaadano, intaas oodhan waxaynu ku gaadhi karnaa, inaynu inagu marka horeba nafteena ka adkaano oo nijaastii faqash ka may-dhano, ninka faqash caayey ee xukunkii siyaad wax-ka sheegaya isaguna sidoodii u dhaq-mayaa, isa’guunbaa is caayey, oo wax-iska sheegaya, waayo, dee waa iyagii oo waa ka mid hadduu la dhaqan yahay.

Taliyihii xilka laga wareejiyey waa saaxiibkay, waana nin aan qof-ahaan aan aad iyo aad u qiimeeyo oo aanu ilaa shirkii boorama wada jirnay,oo marar badan aanu duruufo adag soo wada marnay, oo aanu iskala kaashanay,oo aanu illaahay mahadii ku wada guuley-sanay, waxaan rajeynayaa inay saaxiibtinimadayadaasi  waarto, kolayba xagayga way ka waaraysaa.

Mudo-sanno iyo wa- xoogaa ah, ayey tayadii ciidanku soo liicday, sababuhu waa badan yihiin, ugu horeyn malaha aniga ayaa ka dhab-qiyey, Hogaaminta Ciidanka oo soo faro-galiyey “Maamulkii Taliska” Taas maanta ayaan balan cad kaaga qaadayaa, in aaney dib u dhicin oo aanu anigiyo Wasiirkuba kaaga danbeyn doonnin Maamulka Ciidanka.

Waxaa kaloo aan kuu cadeynayaa in saraakiisha waxa-yar oo kaliya ee lagu qiimeeyaa inay tahay, tayada shaqadooda iyo siday u hogaamiyaan, ciidanka madaxda u yihiin iyo waaxda ay xilka ka hayaan, waxa kale oo jira arin aan-tabanayo oo aan u maleynayo iyaduna iney saameysay taliyihii horena, waxa jira Niman Carrashada yaqaan, laakiin aaney wax- kale u wahelin, Magac’na wey ula-baxeen oo Goolaaftan eyey yidhaahdaan, Balse wax-ba ugama danbeeyaan.

Gu’gii markey Awrtu Geela ku qooqdo, haddii laba-geel Awrtoodu, isa-soo dhex-galo, labadda-awr ayaa isu-carta, oo mid waliba soo doobiyaa, oo dhirta agtiisa ah, qoorta ku walaaqaa oo uu bur-buriyaa, waa Fule-guul mid waliba ka kale ku baqo galinayo.

Ragaas carashada yaqaanaa waa in aaney ku Fule-guulin, adigiyo Ragaaga oo laga baqo, Baqahaas la idinka baqay ay dadka iyo dalkuba ku nabad galaan mooyaane, waa in aydaan idinku cid aan Illaaheena ahayn ka xeebanin, hadaad cid ka xeebato, dal iyo dowlad midna wax-ba uma tihid, adna waxaad dhaxashaa waa Ceeb iyo Cadho Eebe, waayo, waxaad noqonaysaa nin jihaad ka cararay, waxaan kugu ogahay odaynimo, dulqaad, iyo in had iyo jeer dowlada laga bursado, laakiin marka Alamtar la soo dhaafo waa in aan la mahadin ee laga shaleeyaa iyada oo mar walba sharciga Qaranka la dhowrayo, odhaahdii ahayd carabiga wuu idhir-baaxay, oo uu isagii ooyey, oo uu iga-dheereeyey,oo uu i’ashkateeyeey, ha u digiigaxanina Illaah iyo aadamuhuba wey arkayaan Ninkii gardaran.

Ugu danbeyn, waxaan adigiyo Madaxada-ciidanka oo dhan u soo jeedinayaa in aad ciidanka had iyo jeer ka war haysaan, oo aad tabashadooda ogaataan, oo aad Baahidda ka war-haysaan, oo aydaan ka wahsan la talintooda, waanadooda, iyo wacyigoodaba.

Waa in aad maskaxdooda ku abuurtaan in aan mid-koodna maanta ka tir-sanayn Beel iyo Qabiil toona ee ay bulshada  dhex- ka yihiin, Bulshadaas ayey Beeshii iyo qabiil-kiisiiba ka mid yihiin, wxii Bulshada u qabsooma oo qudha ayaa qabiilkiina u qabsoomayaa .

Ninkii is yidhaahda, Qabiilkaaga gooni wax-ugu qabo, wuxuu qabtay waa khasaare aan Qabiilkana wax u tarayn, Qarankana ka maqan ka Illaaliya Ciidanka shayaadiin- Al-Insiga beenta iyo balaayada la wareegaya, ka dhigo Taliye Ciidanka, Caruurtaadii oo aad jeceshahay, ka bukaa ilaa uu bogsanayo, ka maqan ilaa uu imnanayo, ka baahan inta aad baahi tirayso min dablaha ilaa Taliyaha waanu idiin ducaynaynaa waanaanu idinku seexanaynaa dee markaas Nin lagu seexdow ha seexan.

Intaas ayuu ku soo gunaanaday Madax-weyne Cigaal Khudbaddiisii uu u jeediyey Ciidamada Bilayska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti



No comments:

Post a Comment

Mahadsanid