Cunto-Kariyihii Ka Fakaday Xabsiga Mandheera
Mudane, Douglas Basil Hall markii uu la wareegay maamulka xukunka talada
dalka British Protectorate of Somaliland, taariikhdu markay ahayd 11 July 1959 illaa
iyo 26 June 1960.
Wakhtigaas oo ay socotay dabaylihii xornimo doonka ay ku
raadinayeen dalalkii ay guumeysanayeen wadamadii reer Yurub, wakhtigaas waxa
jray cunto-kariye ka fakaday xabsiga mandheera, oo ahaa nin aamin ah, lagana dheehan karayey karti, hufnaan,
firfircooni iyo deganaansho badan, kaasoo markii danbena shaqo ka hellay xafiiska cunto karinta Qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland ee Maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Ingiriiska.
Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo gudanaaya hawl-maalmeedkiisii shaqo, waxa
looga yeedhay xafiiskii ugu sareeyey ee uu fadhiyey Mudane. Douglas, markii uu soo galay
xafiiskaas waxa uu arkay cunto-kariyihii, mudane, Douglas oo taagan oo wajigiisa ay
ka muuqato waji adag oo haddana dabacsanaa, waxaanu ku yidhi Douglas:- fadlan soo
fadhiiso, isla markaana, waxa uu weydiiyey, waa maxay sababta keentay dhawaanahan
in ay cuntadu wakhtigeedii ka daahdo iyo waxa sababay in dhadhanka cuntada is
bedesho labadii todobaad ee ugu danbeeyey?.
Cunto kariyihii waxa uu ugu jawaabay,”- Meertada Nolosha
Aadamuhu waxay soo martaa afar-nollolood oo lababa ay isku eeg yihiin hab-nololeedkoodu,
waana Nolosha uurka iyo Nolosha iilka
(Barsakha), halka labada nololood ee kalena ay yihiin, Nolosha ifka iyo Nolosha
ugu danbeysa ee Janada iyo Cadaabta , laakiinse, waxaan kale oo aan soo arkay laba
nololood oo kale oo u eeg mid ka mid ah labadaa nololood ee ugu danbeeya, Labadaa
nololood oo ah Cusbitaalada lagu daweeyo dadka caadeysta danbiyada (Xabsiyada)
iyo Cusbitaalada kale ee lagu dabiibo dadka jiran ee Bukaan jiifka ah, labadaa nololood
ee aan soo arkay xusuusashadoodu waxay igu reebeen raad igu keenay xannuunka loo yaqaano Maqanaha-jooga.
Waxaan cunto kariye u ahaa xabsi ay ku jireen kumanaan kun oo maxaabiis
ah, waxaan arkay kuwo caafimaad qabay markii xabsiga la keenay oo uu ku dhacay xannuunka
afka-qalaad loogu yeedho, Post traumatic stress disorders (PTSD), kuwo maskaxda
ka jiran, kuwo kale oo qaba cudurada la kala qaado iyo kuwo badan oo caafimaad
qaba oo kuwada jira makhsin kaliyaata, marka ay hadlaana waxa lagu tilmaamaa in
ay yihiin wax loogu yeedho Jidh-diid, waxaana lagu abaal mariyaa ciqaab lagu
ogolaysiinaayo qofkii qabay cudurkaas ee garab jiifay, waxaana ku dhaca
xannuunada shakiga ee afka-qalaad loogu yeedho, “ Pathophobia, Mysophobi, ” .
Isagoo hadalkiisii wata waxa uu yidhi cunto-kariyihii,” Marka aanu u qaybinayno cuntada maxaabiistaasi
iyo marka ay xaajo qabatadaba waxay u gali jireen kayuu-dheer.
Mudane, Douglas,
waxa uu yidhi:- kayuuyaa?
Waxa uu ugu jawaabay Cunto-kariyihii, iskaba daaba taasoo, markay ay afka
galiyaan cuntadadaas way tufi jireen, sababtoo
ah waxa ka buuxay cuntadaas saxar iyo ciid.
Mudane, Douglas
ayaa
mar-labaad yidhi:- Ciiddaa?
Waxa uu ugu jawaabay Cunto-kariyihii, iska daaba taasoo, marka mid ka mid
ah maxaabiistaas ku timaado xaalad caafimaad daro ee loo geeyo dhakhtarka ku
qoran goobtaas, waxa uu yidhaahdaa ma
kanbaa xannuunsanaya, ka dibna, laag ayuu ku dhuftaa, bukaankii oo dhagaha
nabaya ayaa toos u gala makhsinkii laga soo saaray.
Mudane, Douglas Basil Hall ayaa haddana yidhi:- Laaggaa ?
Waxa uu ugu jawaabay cunto kariyihii, iska daaba
taasoo, marka mid ka mid ah maxaabiistaas ku timaado geeridu ee ay u soo galaan
askartu, isla markiiba katiinad ayey ku xidhaan qofkii dhintay ee maydka ahaa.
Mudane, Douglas Basil Hall ayaa haddana yidhi:- Katiinaddaa?
waa in aan sameeyaa hayada kormeerka iyo Illaalinta Xuquuqda Maxaabiista, iyo Hayada
Kormeerka iyo Illaalinta Xquuqda Dadka Jiran, isla maalintii uu qorsheystay in uu
la qadeeyo maxaabiista ku jirta xabsiyada, illeyn waa riyo-beenoo markaas uun
baan soo baraarugay.
Qoraa:
Maxamed Faarax Qoti
Hargeysa/
Somaliland
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid