Posts

Gebo-gabadii Guusha Hiil la Eeday Baa Jiray .

Image
Nolosha reer miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo unkatay nolosha aadamuhu,   N in reer     Caydaroosh ahaan jiray oo ku soo koray   Gobolka Ogaadeeniya, ayaa u   soo   safray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Mar uu cago-gashi ka baayacayey meherad ka mid ahayd meheraddaha lagu iibiyo cago-gashiga oo ku yaalay suuqa waaheen, ayaa ugu jawaabay”, Ma caagan. Ninkii reer miyiga ahaa oo farta ku tilmaamaya ayaa yidhi”,   Ma’ya ee cago-gashigaas iga gad, ka dibna, Wiilkii oo cago-gashigii uu farta ku tilmaamayey kor u qaaday yidhi ”, Ma’kuwan baad sheegaysaa,   Ninkii reer miyiga ahaa, ugu jawaabay”, Haa. Markii uu iibsaday Cago-gashigaas ee uu xidhay, kuwii u xidhnaana uu halkii ku dhilliyey, isla markaana, markii uu u soo dhamaaday safarkii uu ku joogay magaalada, ayuu ka ambabaxay una socdaalay dhankaa iyo reerkiisii, isagoo hoggaaminaya awrkii uu ku soo safray oo uu ku raran yahay raashin, ...

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 7-aad

Image
Laakiinse, dadku waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo leh onkod dhawaaq oo u gaar ah una baahan hawo uu raaco, isla markaana, haysta taxanne shaqallo iyo shibbaneyaal, isku-xidha weedhaha macquulka ee aasaasska u ah hadalka dhawaaqa afka-bani’aadamka, kaasoo ah baadi-sooc ka kooban erayada ay ummadi isku af-garto ama ay isku fahmaan. Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa tiriyeytix maanso la yidhaahdo Tanaad sannadkii 1972-kii, waxaanay Tanaad tidhi; “Caalinow, Ta’ iyo Woow Bal tixraac halkaan maro Tukayaasha duulaa Warka waysu tebiyaan Waa af-tahan qu dhaanjadu Geeluna tawaawaca. Kolka biyaha loo tubo Ways tibaax yaqaannaa Tigaaddaad arkaysaa Kaftan ay taqaannay Hoos-ka-tuur u leedahay Taaha adhigu waa hadal Urtu waysku tooy daa Toggagiyo dabayluhu Tookh bay la reemaan Tinkir buu aboorkuba Toos ugu xidhiidhaa Daruuruhu tub gaadhay Heesaha u tiriyaan; Dhulku wuu tiraabaa; Tuska roobka dayruhu Onkod buu k...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha: Q/ 6-aad

Image
                                                                                             3rd /Dec/2018    Run ahaantii, waynu   wada ogsoonahay in qalinku aanu lahayn wax culeys ah, laakiise, ay wax-yeeladdaasi   ka timid muddadii dheerayd ee qalinku saarnaa baabacadda dusheeda, haddaba, marka aynu eegno,   xanuunnada haggaasiya fahanka nolosha ee inta badan hayey dad badan oo saarnaa markabkaas, waxa sabab u ahayd   mudaddii dheerayd ee ay ku jireen cidhiidhiga iyo rajo la’aanta. Nasiib darrose, isagoo ka war qaba arintaas Naakhuuduhu, haddana waxa uu aad u xiiseyn jiray in la weyneeyo magaciisa, laguna soo dhaweeyo sacab, mashaxarad iyo caleemo qoyan, wakhti dadka markabka saaran ay la ildarnaayeen cidhiidhi iyo ...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha: Q/ 5-aad

Image
                                                                                                                                   2 nd /Dec/2018 Sidoo kalena, waxa in badan dhagahayaga soo gaadhayey hadallo xanaf leh, kuwaasoo ujeedooyinkoodu abuuraysay, tacluus, taws, cunfi   iyo xumaan, waxaana muhiim ahayd inay illaaliyaan ficiladda ay qaadayeen dareenadda maskaxdoodu, isla markaana, waxa haboon in tamarta hadalladaas ay u isticmaalaan inay ku baabiiyaan awoodaha dadaaladda aan faa’iidadda inoo lahayn ee ay isku dayayeen dunidu,   taasoo, wax weyn ka tari lahayd inay u hoggaasanaadaan qawaaniinta iyo himiladda uu hiigsanaynayey markabka...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii : 4-aad

Image
                                                                                                                                            1 th /Dec/ 2018 Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan  kula kulmay nin la socon jiray  markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf. Anigoo la yaaban ...

Sheeko gaaban : Kol haddaanan mar-labaad arkaynin tuur oo laba jir ah, oo darbi jiifa, iska daaya wax kasta ha igu yidhaahdee."

Image
Kol haddaanan mar-labaad arkaynin tuur oo laba jir ah, oo darbi jiifa, iska daaya wax kasta ha igu yidhaahdee." Waxa la yidhi”, Sheekh baa tuf-lahaa oo dadka bukaanka ah ee loo geeyo ay markiiba ku bogsan jireen dabiibkiisa, ayaa maalin la kulmay, isagoo salaad subax ka soo baxay, wiil yar, oo tuur leh, oo laba jir ah, oo darbi jiifa, oo diif iyo diihaal badanina uu ka muuqdo,waxa sheekhu uu go’aansaday in uu wiilkaa yar gurigiisa geeyo oo uu korsado, ka dib, markii uu qaangaadhay wiilkii yaraa, waxa uu gacan yare u noqday oo uu u ururin jiray lacagta ujuurada ah ee laga qaado dadka bukaanka ah ee uu sheekhu dabiibi jiray. Wiilkii yaraa markii uu muddo dheer la shaqeynaayey aabihiisii labaad ee soo korsaday, ayuu xadday lacagtii ujuuradda ahayd ee laga qaadi dadka bukaanka ah ee uu sheekhu dabiibi jiray, markii uu isku hubsaday in uu waxoogaa lacag ah haysto, waxa uu ku hamiyey in uu shaqadii iskaga tago, isla markaana, uu cid kale kula shuraakoobo cilaaj dadka lagu da...

Mid Waan Fahmay, Walise Mid-baanan Fahmin

Image
Mid waan fahmay, waa su’aal aan isweydiin jiray oo ku saabsanayd, ma dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa ku badnaa? Waa maxayse xikmadda ku jirtay in Boqortooyada Ingriisku ay   magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ka dhisto cusbitaal qudha oo lagu daryeelo caafimaadka dadka qaba xannuunka dhimirka 70 sannadood ka hor? Sida ay xaqiiqdu tahay magaalada Berbera may ahayn goob ay ku badnaayeen dadka qaba xannuunka dhimirka, laakiinse iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo loo adeegayaasha iyo la daryeelayaasha, ayaa markii la diyaarinayey hindisaha qorshaha loogu tallogalay cusbitaalkaas, lagu ogaaday xoggo tibaaxaya in dadka dhimirka qabaa ay intooda badan iska saaraan maryaha ay gashan yihiin, isla markaana ay ku keeni karto xannuun labaad oo uu weheliya bukaankii laga daaweynayey xannuunka dhimirka xilliyada qaboobaha, iyadoo la eegayey dhinaca cimilada saameynta toggan ku yeelanayso dadka qaba xannuunka dhimirka, ayaa sabab u ahayd in laga binneeyo cusbitaalka waalida mag...

Ma’lihii BOQOR SUUL Iyo Beertii Ba’day

Image
Boqor Suul wuxuu ka mid ahaa boqorradii ugu samirka iyo dulqaadka badnaa ee ka soo taliyey dunidan aynu ku noolnahay qarnigii 9-aad ee la soo dhaafnay, kaasoo ahaa Boqor daacad ah, aragti fog, fahmo badan, wax akhriya, waxna dersi jiray, isla markaana raadin jiray waxa khaldan, si uu u saxo, waxna ka beddeli jiray malihiisa, qorshihiisa iyo fikradihiisii uu ku xalin jiray dhibaatooyinka soo waajaha maamulkiisa.   Ninkan Boqorka ah, waxa uu aaminsanaa in boqortooyadiisu ay ahaato mid ku dhisan xukun aammin ah oo ay xeer u yihiin sinnaan iyo caddaalad, taasna lagu gaadhi karo guusha lagaga midho-dhalinayo himilooyinka waxqabadka ah ee ay xukumadiisu hiigsanayso iyo   in uu si siman dadkiisa uga wada daaweeyo dhammaan waxyaabihii ay dareensannaayeen ee ka soconayey hareeraha xayn-daabka ay ku xeernaayeen cabsidii khatarta badnaa ee kicinayey dareenka bulshadiisu, isla markaana ay ka bogsan doonto werwerkii, walaacii, walbahaarkii diifta iyo daalka badnaa ee ay soo mareen....