Gebo-gabadii Guusha Hiil la Eeday Baa Jiray .
Nolosha reer miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo unkatay nolosha aadamuhu, N in reer Caydaroosh ahaan jiray oo ku soo koray Gobolka Ogaadeeniya, ayaa u soo safray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Mar uu cago-gashi ka baayacayey meherad ka mid ahayd meheraddaha lagu iibiyo cago-gashiga oo ku yaalay suuqa waaheen, ayaa ugu jawaabay”, Ma caagan. Ninkii reer miyiga ahaa oo farta ku tilmaamaya ayaa yidhi”, Ma’ya ee cago-gashigaas iga gad, ka dibna, Wiilkii oo cago-gashigii uu farta ku tilmaamayey kor u qaaday yidhi ”, Ma’kuwan baad sheegaysaa, Ninkii reer miyiga ahaa, ugu jawaabay”, Haa. Markii uu iibsaday Cago-gashigaas ee uu xidhay, kuwii u xidhnaana uu halkii ku dhilliyey, isla markaana, markii uu u soo dhamaaday safarkii uu ku joogay magaalada, ayuu ka ambabaxay una socdaalay dhankaa iyo reerkiisii, isagoo hoggaaminaya awrkii uu ku soo safray oo uu ku raran yahay raashin, ...