Boqor Suul wuxuu ka mid ahaa boqorradii ugu samirka
iyo dulqaadka badnaa ee ka soo taliyey dunidan aynu ku noolnahay qarnigii 9-aad
ee la soo dhaafnay, kaasoo ahaa Boqor daacad ah, aragti fog,
fahmo badan, wax akhriya, waxna dersi jiray, isla markaana raadin jiray waxa
khaldan, si uu u saxo, waxna ka beddeli jiray malihiisa, qorshihiisa iyo
fikradihiisii uu ku xalin jiray dhibaatooyinka soo waajaha maamulkiisa.
Ninkan Boqorka ah, waxa uu aaminsanaa in boqortooyadiisu
ay ahaato mid ku dhisan xukun aammin ah oo ay xeer u yihiin sinnaan iyo
caddaalad, taasna lagu gaadhi karo guusha lagaga midho-dhalinayo himilooyinka
waxqabadka ah ee ay xukumadiisu hiigsanayso iyo
in uu si siman dadkiisa uga wada daaweeyo dhammaan waxyaabihii ay
dareensannaayeen ee ka soconayey hareeraha xayn-daabka ay ku xeernaayeen
cabsidii khatarta badnaa ee kicinayey dareenka bulshadiisu, isla markaana ay ka
bogsan doonto werwerkii, walaacii, walbahaarkii diifta iyo daalka badnaa ee ay
soo mareen.
Inkastoo Boqorku aannu lahayn madad iyo mirqaan,
haddana waxa uu xiiseyn jiray dhegaysiga sheekooyinka xikmadaha iyo qosolka
badan, waxaannu rumeysnaa in qosolku yahay dawada ugu wanaagsan caafimaadka
jidhka ee la dagaalanta walaaca, werwerka iyo wal-bahaarka, isla markaana hoos
u dhigta dheecaanada keena walaaca ee loo yaqaano kortisolka “cortisol”, iyo
inuu soo saaro dheecaanada dareenada
farxadda leh ee loo yaqaano dobamin “dopamine” oo uu u fiican yahay caafimaadka
jidhka, gubana walaxda loo yaqaano
kalooriska “Calories” ee ku kaydsan
muruqyada jidhka aadamaha.
Mar uu Boqor Suul hadal ka jeediyey xaflad xadhigga lagaga jarayey
tartanka La-dagaalanka walaaca iyo werwerka, waxa uu yidhi; “Waxa maanta magac,
milgo iyo maamuusba ii ah in aynu isugu
nimaadno xafladdan taariikhiga ah ee ku suntan iskaashiga la-dagaalanka walaaca
ee sheekooyinka aan dhammaadka lahayn, maanta inuu si rasmi ah innoogu bilaabmo
tartanka lagu guulaysanayo magacaabista
jagooyinka ugu sareeya xukuumadda aan gadh-wadeenka ahay, dhammaanteen waxay u
tahay farxad iyo yididiilo wanaagsan, waxaan aaminsannahay ciddii ku
guuleysataa ay qaranka u horseedi doonaan, curin hal-abuur wax-ku-ool ah oo uu
saldhig u yahay waxqabad toosan, tacab iyo tallo-wadaag.”
Waxa tartankaas ka qaybgalay aqoonyahanno badan oo iskugu jiray
xeel-dheerayaal, xidaariyiin, qorayaal iyo abwaano, kuwaasoo ka sheekeeyey
sheekooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin;
·
Riyadii sac-maalada
·
Gabadha mise shabeelka
·
Wankii la lumay baraarka
·
Tuuggii daacadda ahaa
·
Ileyn geel didisna kama daro
·
Ma boorbaa mise waa dhiin?
·
Ma Y-dii aan ogaa ayuu laba dhibcoodna ugu daray
·
Shimbirkii ku noolaa beedka shimbiraha
·
Haddii calafku kugu dhaco u beddelo midho macaan
·
Boqorkii siddeedaad iyo qaar kale oo badan.
Inkastoo sheekooyinkaasi ay ahaayeen kuwo aad u xikmad iyo
xiiso badnaa, haddana mid kasta oo sheekooyinkan ka mid ah waxa ay ahaayeen
kuwo lahaa bar-bilow iyo dhammaad, laakiinse,
waxa ku guuleystay kuwii soo bandhigay sheekooyinkii ay ka mid ka ahayd,
sheekadii Qudhaanjada, kaasoo yidhi”, Waxa
na soo maray toddoba sannadood oo abaar ah, waxaana noogu xigtay toddoba
sannadood oo barwaaqo ahayd, toddobadaa
sannadood ee barwaaqadaha ahaa beerihii la beertay midhihii ka soo go’ayey,
markii ay buuxsameen boholihii aanu ku keydanaynay midhihii ka soo go’ay
beerahaas, ayaanu ku tuulnay goobo banaan oo isku badelay tubullo ama buuro
dhaadheer.
Maalin maalmaha ka mid ah ayey soo gashay tunbull
ka mid ah tunbullihii hadhuuhdka ahaa, “dakhala namle wakhdat xabbatu waaxidat
minal qamac wakhrajat,” taasoo macnaheedu yahay; “Waxa soo gashay midh
qudhaanjo ah, waxaanay qaadatay xabbed hadhuudha, waanay baxday, mid labaadbaa soo
gashay waxaanay qaadatay xabbed hadhuudh ah, waanay baxday, mid saddexaad ayaa
soo gashay, afraad, shanaad, illaa iyo qudhaajadii 712- aad, maalinkii dambe
ayuu halkii ka sii anba qaaday sheekadiisii, waxaanu yidhi: waxa soo gashay
qudhaajadii 713-aad illaa uu gaadhsiiyey qudhaajadii 1,596-aad, maalinkii
saddexaadna, halkii buu ka sii anbaqaaday sheekadiisii qudhaanjada, maalinkii
7-aad marka uu marinaayey qudhaanjadii 7,652-aad ee qaadatay xabbeda hadhuudhka,
ee baxday.
Boqorkana ay maskaxdiisu ka dhex guuxayso, dakhala
namle wakhdat xabatu waaxidat minal qamac wakhrajat oo ah; waxa soo gashay midh
qudhaanjo ah xabbed hadhuudha bay qaadatay, waanay baxday, ayuu hoos isku
weydiiyey maxaa kaa khaldan, ileyn waxani maaha wax xil lagu bixiyo iyo wax la
sii dhegeysan karayo midnaba, maxaad yeeshaa?
Markii uu aroornimadii dambe uu ku soo kalahay
ninkii, boqorka ayaa weydiiyey ninkii oo ku yidh” waar miyaanay sheekadaadani dhammaaneyn, ninkii
baa ugu jawaabay; “Saracii aannu beeranaynay midhihii ka soo go’ay toddobadaa
sannadood, markii ay buuxsameen boholihii midhaha aannu keydsanaynay ee ay noqotay
tunbullahaa waaweyn ee hadhuudhka ah iyo qudhaajaduba, midna ma dhammaanayaan.
Ka dibna, sidaas baanu ugu magacaabay xilalkii
Golaha xukuumaddiisa boqorkaas, gollahaas oo intooda badan ay ahaayeen kuwo ku
cakis ahaa hab-dhaqanka iyo dabeecadiihii uu lahaa boqorkaas, waxaana loo
aaneeyaa habkii ma’lihiisa ahayd ee uu ku xushay gollihiisa ay sabab u ahayd,
innay ba’do beertii uu beerayey ee midhuhu ka soo bixi lahaayeen.
Qoraa: Maxamed Faarax
Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid