3rd /Dec/2018
Run ahaantii, waynu
wada ogsoonahay in qalinku aanu lahayn wax culeys ah, laakiise, ay
wax-yeeladdaasi ka timid muddadii
dheerayd ee qalinku saarnaa baabacadda dusheeda, haddaba, marka aynu
eegno, xanuunnada haggaasiya fahanka
nolosha ee inta badan hayey dad badan oo saarnaa markabkaas, waxa sabab u
ahayd mudaddii dheerayd ee ay ku jireen
cidhiidhiga iyo rajo la’aanta.
Nasiib
darrose, isagoo ka war qaba arintaas Naakhuuduhu, haddana waxa uu aad u xiiseyn
jiray in la weyneeyo magaciisa, laguna soo dhaweeyo sacab, mashaxarad iyo caleemo
qoyan, wakhti dadka markabka saaran ay la ildarnaayeen cidhiidhi iyo
rajo-la’aan muddo dhaaftay.
Laakiinse, dadkaas waxay ahaayeen dad hodan ku ahaa jiray hawraar ku
salaysnayd tix-suugaaneed, tiraab ku qotontay hiddo-samida dhaqankoodii
suubanaa, weedho iyo murti hal-muceedkeedu ku dhisan yahay nuxur ka hooseeya
tixaha la tiriyo, kana sareeya hadalka af-maalmeedka ee la yidhaahdo, sida, Odhaahda, Hal-ku-dhega, Hal-qabsiga, Hal-hayska,
Hal-muceedka,
Halxidhaale,
Googaalaysi, Carabjalqi, Sheekooyinka dhaqanka iyo Maahmaaho leh ereyo cuddoon oo ay ku dhidban yihiin tiraab
ku socota hannaan iyo hab-dhac toolmoon, sarbeeb humaag maldahan oo midhaha ku
duugani ay xambaarsanaayeen muuqaallo dhab ah, kuwaasoo u jeedooyinkooduna ay
ku sar iyo jaan go’naayeen, waayo-aragnimo aqooneed oo ay ka soo dhaxleen
geeddi-socodkii ged-gedoonka hayaanka waayihii nololeed ee ay soo mareen dadkii
saarnaa markabkii S-Dnal-Re.
Maahmaah kastaa waa
Murti, Laakiinse, Murti kastaa maaha maahmaah, waanay ka duwan murtida inteeda
kale, waxaanay leedahay tayo qaafiyadeed
oo leh hab-dhaca meeriska oo kale, mana
laha taran, miisaan iyo hal-raac sugan, sida,
·
Annigoo
taahaya ayeey weyli igu joogsatay
·
Garawshiiyo waa geel siin
·
Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug
·
Eydin
geel kolba waa ninkii ku danbeeya
·
Tol
yarraaday taffo naagood baa laga dayaa
·
Dad iyo duurba wax aanad ka filayn baa kaaga
soo baxa,
·
Illko
abeeso hoostay ka wada xidhiidhsan yihiin
·
Geel aan af-saar lahayn iyo adhi aan daleela
lahayni midna ma dhaqmo
·
Ayax teg eelna reeb
·
Hal libaax arkaysaa ma godlato
·
iyo
Aar qoyey dacawaa la
moodaa. Aarku marka uu roobku ku da’o ee uu qoyan
yahay, waxa la moodaa dacawo, balse, maahmaahdan waxa loola
jeedo, marka nin ragganimo badnaan jiray oo xoolo lahaan jiray wakhti hore, balse,
wakhti dambe uu waayuhu ku ciiro, dadka aan aqoonta u lahaynina way
da’lasanayaan, ka dibna, dadkii aqoonta dheer u lahaan jiray ayaa u soo qaata
maahmaahdaas.
Maahmaahdan “Dadku
hadalka ayey isku af-gartaan, xooluhuna urta,” waxa loola jeedaa in dadku ay isku af-gartaan
hadalka, halka xooluhuna ay isku af-gartaan urta iyo dhawaaq coded, inkastoo,
noollayaasha kale aanay awoodi karin in ay ku dhawaaqaan dhawr xaraf wax ka
badan, sida marka geellu uu reemayo ama uu ololayo ama uu dunuunucayo, Lo’duna
ay dinnaahinayso, Dacawadu ay wishiirrirayso, Adhiguna uu shalaadayo iyo haddii
libaaxu uu gurxamayo ama uu qawdhamayo.
Laakiinse,
dadku waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo leh onkod dhawaaq oo u gaar ah
una baahan hawo uu raaco,
isla markaana, haysta taxanne shaqallo
iyo shibbaneyaal, isku-xidha weedhaha macquulka ee aasaasska u ah
hadalka dhawaaqa afka-bani’aadamka, kaasoo
ah baadi-sooc ka kooban erayada ay…. La soco……
Qoraa/
Mohamed Farah Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid