Sunday, December 2, 2018

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha: Q/ 5-aad

                                                                                                                                  
2nd /Dec/2018
Sidoo kalena, waxa in badan dhagahayaga soo gaadhayey hadallo xanaf leh, kuwaasoo ujeedooyinkoodu abuuraysay, tacluus, taws, cunfi  iyo xumaan, waxaana muhiim ahayd inay illaaliyaan ficiladda ay qaadayeen dareenadda maskaxdoodu, isla markaana, waxa haboon in tamarta hadalladaas ay u isticmaalaan inay ku baabiiyaan awoodaha dadaaladda aan faa’iidadda inoo lahayn ee ay isku dayayeen dunidu,  taasoo, wax weyn ka tari lahayd inay u hoggaasanaadaan qawaaniinta iyo himiladda uu hiigsanaynayey markabkaas aanu saarneyn.

Inkastoo ay fiican yihiin dadka aaminsan fikraddaha caqli galka ah ee ujeedadoodu wanaagsan tahay, haddana,  waxa ka sii fiican dadka anshaxa iyo akhlaaqada leh, sababtoo ah, hadallada  wacani waxay kobciyaan oo ay wanaajinta iskaashiga xidhiidhka bulshada iyo qalbiyadda aadamaha.

Hadalku waa farshaxan u baahan in laga fiirsado heerka miisaanka erayadda fariimaha uu xanbaarsan yahay in ay yihiin, kuwo run ah, wax-tar leh, lagana dheehan karo kal-gacal ay ku la’dhan yihiin fikrado wanaagsan, isla markaana loo meel dayey goobtii ay ku haboonaayeen iyo wakhtigii ay ku haboonaayeen.

Wakhti, ay neefsasho mooyaane aanay jirin wax sanqadh ah, oo ay wada aamusan yihiin dhamaan dadkii saarnaa markabkaas,  ayaanu maqalnay dhawaaq cod khafiifa oo  ka soo baxaya sida, god biyo ay ku dhex jiifaan oo kale,  oo aad  moodo codka taaha,  dadka qaba xanuunnada haggaasiya fahanka nolosha,  ee ay keenaan, cidhiidhiga iyo rajo la;aanta muddo dhaaftay.

Haddaba, si aynu  taasi u fahamno,  waxa tusaale inoogu fillan, haddii  aynu si toos ah labadeena gacmood baabacaddooda mid ka mid ah u dul saarno qalin, muddo 5-daqiiqadood ah,  dhibaato ah ma’laha, laakiinse, haddii aynu ku hayno in uu dul saarnaado qalinku baabacadda, muddo 48-saacaddood ah,  shaki kuma jiro taasi, in aynu  dareemi doono kabuubyo iyo xanuun badan, isla markaana, gacantii qalinku dul saarnaa muddada dheeri ay qalali doonto.

Run ahaantii, waynu  wada ogsoonahay in qalinku aanu lahayn wax culeys ah, laakiise, ay wax-yeeladdaasi  ka timid muddadii dheerayd ee qalinku saarnaa baabacadda dusheeda, haddaba, marka aynu eegno,  xanuunnada haggaasiya fahanka nolosha ee inta badan hayey dad badan oo saarnaa markabkaas, waxa sabab u ahayd  mudaddii dheerayd ee ay ku jireen cidhiidhiga iyo rajo la’aantu. …… la soco ..

Qalinkii/ Qoraa: Maxamed  Faarah Qoti


No comments:

Post a Comment

Mahadsanid