Tuesday, December 4, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 7-aad


Laakiinse, dadku waxa ay leeyihiin doob codka sifaysa oo leh onkod dhawaaq oo u gaar ah una baahan hawo uu raaco, isla markaana, haysta taxanne shaqallo iyo shibbaneyaal, isku-xidha weedhaha macquulka ee aasaasska u ah hadalka dhawaaqa afka-bani’aadamka, kaasoo ah baadi-sooc ka kooban erayada ay ummadi isku af-garto ama ay isku fahmaan. Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa tiriyeytix maanso la yidhaahdo Tanaad sannadkii 1972-kii, waxaanay Tanaad tidhi;
“Caalinow, Ta’ iyo Woow
Bal tixraac halkaan maro
Tukayaasha duulaa
Warka waysu tebiyaan
Waa af-tahan qu dhaanjadu
Geeluna tawaawaca.

Kolka biyaha loo tubo
Ways tibaax yaqaannaa
Tigaaddaad arkaysaa
Kaftan ay taqaannay
Hoos-ka-tuur u leedahay
Taaha adhigu waa hadal
Urtu waysku tooy daa
Toggagiyo dabayluhu
Tookh bay la reemaan
Tinkir buu aboorkuba
Toos ugu xidhiidhaa
Daruuruhu tub gaadhay
Heesaha u tiriyaan;
Dhulku wuu tiraabaa;
Tuska roobka dayruhu
Onkod buu ku taamaa
Waxay hoga-tusaysaa
Afku nolosha waw tiir
La’aantiisna tuur iyo
Tulux lagama waayeen
Tayo may lahaateen
Dhaqan lama tallaaleen
Qaran lama tusmaysteen.

Nin kastaa ha tookhee
Far baa lagu tanaadaa.
Haddii qalinka loo tudho
Wax-qoraalka laga tago
Lama taabbaggeli karo
Waaq iyo Tinniix iyo
Bal Tin-caaro weyddii
Soo tiri ayaamaha
Taariikhda raacdee!
Afkaygow, tabaaliyo
Maxaad taws ku nooleyd!.

Maxaad belo u taagneyd!
Shisheeyuhu tab iyo xeel
Muxuu kugu tuntuunsaday
Tisqaadkaaga dhaawacay!
Maxaa gabay tilmaannaa
Maahmaaho toolmoon
Maalmuhu tireenoo
Qalbigaygu tebayaa!
Maxaa erey tafiir-go’ay!

Maxaan maanso teeri ah
Tacab ba’ay ka joogaa!
Sida ay u taxan tahay
Murtidaadu tabanaa
Teelteella badanaa!.

Maxaa sheeko taabud ah
Tawraadi faallayn
Weli nebina soo tebin
Kaa tasoobay oo lumay!

Ubadkaagu toos iyo
Maxay talada seegeen!
Maxaa taar mid soo diray
Ka kaleeto tuuroo
Laba tulud wadaagtaa
Turjubaan u baahdeen!.

Qoraalkaagu tacab iyo
Muxuu dhigay turxaannoo
Tartan ba’an aloosoo
Colba doc iska taageen!
Allaylehe tabtaan rabay
Haddaa lagu tixgeliyoo
Tacluustii wadeecada
Caawaba ka togatee
‘Taw wiif’ ka siiyoo
Taltallaabso maantoo,
Murtidaadu waa toge!
Taageer hiddaha oo
Sayidkii ku toosoo
Taabsii xogtaadoo
Ku tirow Balaayacas!
Soo toosi Haabiil!
Raage taranta gaadhsii!
U tukubi higgaaddoo,
Soddon tirada dhaafsii!
Toban shaqal ku geeraar!
Shibbannaha ku taakuli!
Hadal lama tasoobee
Guddigii ku tiirshee
Kugu taxay xuruufaha
Mahad iyo tahniyad sii!
Taalladay mutaysteen,
Ka dul-taag Cirjiidhyada.

Marka qof lagu sameeyo waxaanay sakaaro ka biiqsan, ee uu doonaayo in uu sameeyo xumaan ka weyn dhibtii fududeyd ee loo gaystay, ayaa loogu maahmaahaa, maahmaahdan, “Baroortu orgiga ka weyn, Ergo wixii la fa’rona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa, Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuma geyso, Geel duq baa loo tumaa, Dhibaabe nin leh baa leh,...........la soco.................

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid