Posts

Waa Fikrad Madhan, Kumana Dhisna Cilmi iyo Caqliyad

Image
Waligeed dunnida kamay dhicin hawlaha wax-qabad iyo dadaalada ay muujiyaan Gollaha wasiiraddu in lagu kala saaro fikraddan madhan ee aan ku dhisneyn cilmiga iyo caqliyad-toona, xayeysiiskan ay ku   xardhan yihiin erayada qoraalka farta waaweyn leh   “ U codee wasiirka qaranka ugu wanaagsan ee qarankiisa kaabay” ee lagu dhajiyey wadooyinka caasimadda Hargeysa. Arrintani maaha mid lagu caayayo garaadka dadweynaha oo kaliya, laakiinse, waa mid   ceeb ku ah oo innoo iftiimineysa heerka garashaddooda aqooneed gaadhsiisan yihiin Gollaha Wasiiradda uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse biixi Cabid . Sababtoo ah, sumadda codeynta waxa lagu kala saaraa laba shay ama murashaxiin u tartamaysa jagada xubinnimada Gollayaasha iyo Madaxweynenimadda, kaasoo noqda dhawaaqa “ Haa ama Maya”,   gacan taag, warqad qarsoon oo lagu qoro cida aad u codeynayso iyo hadal lagu shaaciyo magacayada qofka codka aad siinayso, Laakiinse, looma ...

Cabashadda Madaxweynaha Maalinkaas, Maaha Fiicnaantii Madaxweynihii Shalay

Image
Cabashadda laga muujiyo Madaxweynaha xilka haya maalinkaas, waxa loo aaneeyaa fiicnaantii Madaxweynihii shalay, sirta halkaas ku jirtaa, waa faham la’aanta hab-dhaqanka dabeecadda hoggaamiyahaasi uu jecel yahay iyo qaabka hoggaamineed ee uu ku maareyn jiray xaaladdaha qaar ee la soo darsa, ama fahan la’aanta wanaagii lagu jiray maalinkaas. Haddii aynu dib u yara milicsano shalay abuuristii nabad-galyada iyo xasiloonidii ka dhalatay fahankii fiicanaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho dhalkiisa, kaasoo ahaysiisay maanta jawi degan iyo rajo fiican aynu ku guran doono maalmaha soo socda midhihii ay beereen Madaxweynayaashii hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, si aanay barri u wiiqmin kobacii is daba joogay midho dhalkaas, waa in wax laga bartaa   hab-dhaqanada dabeecadaha hoggaamineed iyo habkii hoggaamineed ee ay ku maareeyeen xaaladdihii kala duwanaa ee ay soo mareen muddadii ay hayeen xilka Madaxweynenimo. Marka aynu eegno   Madaxweyni...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha : Qaybtii : 3-aad

Image
Kuwaasoo sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo yaqaano   Encephalitis “ Eastern  equine encephalitis  virus (EEEV), Chikungunya,   Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis,  elephantiasis (Lugta Maroodiga) , Malaria. Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, taasoo aan ka akhriyey war-bixin ku saabsan cudurka kaneecada inay u dhinteen 429, 000 oo qof, una jiifaan qayb ka mid ah dadka dunida ku nool cudurada kaneecada sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2015-kii. Akhriste, muddadaasi waxaan ogaaday mid ka mid ah siraha Dahsoon ee ku duugan kitaabka quraanka kariimka ah, innay jirto Aayad aad kaga badbaadayso qaniinyada kaneecada, waxaan kulan la yeeshay qaar ka mid ah dadkii saarnaa markabkaasi, waxaanan ku wargaliyey, haddii ay akhriyaan suuratul Ibraahim Aayada 12-aad...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii : 2-aad

Image
Shaqaalihii diyaaradii   ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow,   suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka   cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii,   sidaa awgeed, waxa inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), nasiib darro markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee ashahaata oo tukada. Waxaanu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe soo baraarugay wadihii diyaaradaas (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo dajiyey gegida diyaaradaha ee Charles de Gaulle international Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska. Waxaan ka caagay in aan diyaarad danbe ku safro, waxaanan g...