
Ka
dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello mareegaha wararka ay ku
baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, taasoo aan ka akhriyey war-bixin ku
saabsan cudurka kaneecada inay u dhinteen 429, 000 oo qof, una jiifaan qayb ka
mid ah dadka dunida ku nool cudurada kaneecada sannadkii aynu soo dhaafnay ee
2015-kii.
Akhriste, muddadaasi waxaan ogaaday mid ka mid ah siraha Dahsoon ee ku
duugan kitaabka quraanka kariimka ah, innay jirto Aayad
aad kaga badbaadayso qaniinyada kaneecada, waxaan kulan la yeeshay qaar ka mid
ah dadkii saarnaa markabkaasi, waxaanan ku wargaliyey, haddii ay akhriyaan
suuratul Ibraahim Aayada 12-aad, 7-jeer kuna tuftaan biyo nadiif ah, isla
markaana ay ku rusheeyaan goobta ay ku jiraan, iyagoo isticmaalaya erayga idamka Alle (SW) nagu
nabad gali, aynu kaga badbaadayno
ciy’deeda iyo qaniinyadeeda kaneecadan aynu ka seexan kari weynay,
taasoo dadka qaar ay u arkayeen inay tahay khurufaad, haddana dadka intooda
badan markii ay tijaabiyeen way ka
nabad-galeen qaniinyadii kaneecadaas.
Waxa kale oo aad u layaab badnaa todoba (7)
su’aalood oo ay ka xannaaqi jireen, shaqaalihii (Cruise) markabkii aanu
saarneyn haddii la weydiiyo, waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi, korontadii maxaa ku dhacay? Isgaadhsiintii
maxaa ku dhacay? Qolkaygu malaha biyo?
Maceeshadii maxaa qaaliyeeyey? Miyaanu markabku lahayn adeeg caafimaad
oo bilaasha? Miyaanu jirin hudheel lagu iibiyo cuntada badda? Maxaad u hagaajin
weydeen suuliyada Markabka uu leeyahay? taasoo ay sabab u ahayd in aanay
intooda badan gacanta ugu jirin shaqaalihii (Cruise) ee markabkaasi S-Dnal-Re.
Markii uu dhamaaday caymiskii uu kula jiray dowlada
Ingriiska, qarnigii 19-aad, waxa uu markabkaas hormood ka noqday bilowga
shirkad cusub oo lagu yagleelayey caymiska maraakiibta
mandaqada geeska Africa, kaasoo noqday
mid lagu guul-dareystay hirgalinta himiladdii laga lahaa shirkada caymiska
maraakiibta.
ka dib, waxa aanu ku soo beeganay xuska dabaaldeg
lagu xusayey sannad-guurada maalintii ugu horeysay ee markabka S-Dnal-Re uu u
kala gooshay daafaha dunida, taasoo aan ka xasuusto midhihii luuqda erayada
dhawaaqa codka dananka lahaa ee jiibta iyo jaanta ay isla helayeen shaqaalihii
(Cruise) markabkaas, waxa ka mid ahaa.
Sidii
dayax soo baxoo
Intuu
sagal roob dhex-galay
Cadeeda
sagootiyaay
Siraad
ii nuurayaay
Adaa
sadrigayga galay
Wadnaha
ku dulseexdayoo
Naftiiba
adaa sitee
Waxaan
sugayaa annigu
Inuu
Alle innagu simo
Aroos
loo sacab tumee
Kalsooni
naftaada sii .
Aduunyadu
waa silsilad
Salaamo
wareegayoo
Subaxba
waabaa baryoo
Saadaal
kheyrlaan arkaa
Sursuur
waa laga baxaa
Sabool
waa laga dhaqdaa
Sedkaagu
hadduu yar yahay
Iimaanbaa
lagu sedkaa
Hadday
inna seegtay tallo
Sideed
Saddex iyo Todoba
Khaldkii
waataan saxnee
Allow
samo nooga yeel.
Maalinkaas annigoo ku hamiyaya in aan ku wareego
markab uu lahaa Ingiriisku, ayaan kula
kulmay nin la socon jiray markab uu
Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga
sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay,
isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto
in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan
geeyo tuulada xaraf. …………. La
soco………
Qalinkii/
Mohamed Farah Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid