Wednesday, July 4, 2018

Waa Fikrad Madhan, Kumana Dhisna Cilmi iyo Caqliyad



Waligeed dunnida kamay dhicin hawlaha wax-qabad iyo dadaalada ay muujiyaan Gollaha wasiiraddu in lagu kala saaro fikraddan madhan ee aan ku dhisneyn cilmiga iyo caqliyad-toona, xayeysiiskan ay ku  xardhan yihiin erayada qoraalka farta waaweyn leh  “ U codee wasiirka qaranka ugu wanaagsan ee qarankiisa kaabay” ee lagu dhajiyey wadooyinka caasimadda Hargeysa.

Arrintani maaha mid lagu caayayo garaadka dadweynaha oo kaliya, laakiinse, waa mid  ceeb ku ah oo innoo iftiimineysa heerka garashaddooda aqooneed gaadhsiisan yihiin Gollaha Wasiiradda uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse biixi Cabid .
Sababtoo ah, sumadda codeynta waxa lagu kala saaraa laba shay ama murashaxiin u tartamaysa jagada xubinnimada Gollayaasha iyo Madaxweynenimadda, kaasoo noqda dhawaaqa “ Haa ama Maya”,  gacan taag, warqad qarsoon oo lagu qoro cida aad u codeynayso iyo hadal lagu shaaciyo magacayada qofka codka aad siinayso,

Laakiinse, looma codeeyo wasiirada ee waxa la qiimeeyaa hawlaha wax-qabad ee ay ku hawlan yihiin, waxaanay leedahay hab iyo nidaam gaar u ah oo la raaco marka la sameynaayo baadhitaanka iyo qiimeynta, taasoo ay waajib ku tahay Gollaha Wakiiladdu iyo Hanti-dhowrka Guud inay qiimeyaan hawlaha wax-qabad ee ka socda wasaaraddaha, wixii u qabsoomay iyo hawlaha wax-qabada ee uu hakadku ku yimid.

Qiimeyntaas oo ka soo unkatay dhibaatooyinka iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jiray  dhamaan goobaha adeegyadda bulshaddu u baahan tahay hellitaankooda, hufnaantooda, tiraddooda iyo  tayaddooda, waana jihada ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo hadafkii la hiigsanaayey in la gaadhay iyo in kale.

Waxa kale oo lagu hagaajiyaa wakhtiga lagu guddo jiro hirgalinta hawlaha wax-qabad ee socdaa, in sidii loogu tallo-galay ee ugu fiicneyd loogu dhameystiray, isla markaana, waxay innoo sheegta wixii lagu kordhin lahaa ee lagu gaadhi kari lahaa hadafka himiladdii la  hiigsanayey, ama lagu tayeyn lahaa aqoonta xirfaddeed.

Sidoo kale, waxa lagu falan-qeeyaa xaaladdaha adag xogaha baadhitaanadda laga soo ururiyey hawlaha wax-qabadka, sida ay socdaan, astaamaha dabeedeedaha ay lahaayeen iyo natiijooyinkii ka dhalatay, kuwaasoo laga dheehan karo go’aamadii lagu sii wanaajin lahaa wax-tarka hadafkaas, iyadoo diiradda la saarayo xaaladda taagan.

Haddaba, run ahaantii shaki kuma jiro mashruucan inay wadaan oo ay dabada ka riixayaan Gollaha wasiiraddu, taasoo, haddii aanu talaabo ka qaadin Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Muddane, Muuse Biixi Cabdi, ay bar-maddow ku noqon doonto xukumaddiisa.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti



No comments:

Post a Comment

Mahadsanid