Shaqaalihii diyaaradii ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo
xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo marwooyinba, rakaabka
sharafta muddanow, suumanka amaanka adkeysta,
wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada, heerkulka cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii, sidaa awgeed, waxa inala soo dersay dhibaato
yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo
wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka
soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), nasiib darro markii aanu isku
daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan ee ashahaata
oo tukada.
Waxaanu ashaahaadanaba habeenkaasi ayuu xilli danbe
soo baraarugay wadihii diyaaradaas (Pilot), kaasoo si nabad galyo ah u soo
dajiyey gegida diyaaradaha ee Charles de Gaulle
international Airport ee caasimada Paris ee dalka Fransiiska.
Waxaan ka caagay in
aan diyaarad danbe ku safro, waxaanan go’aansaday safarkaygii afaraad in aan
raaco mid ka mid ah maraakiibta u kala gooshta daafaha dunida, wakhtigaasi waxa
aan ogaaday, in sirta
noloshu ay tahay habka fahamka maskaxda aadamuhu wax u fahamto nolosha iyo
qaabka ay kaga fal-celiso wax ka qabashadeeda.
Isla markaana ay tahay qaybta hore ee maskaxada
Aadamuhu (Conscious brain), sida naakhuudaha haga maraabkiibta badda gooshta,
halka shaqaalaha markabkuna ay yihiin sida qaybta labaad ee maskaxda Aadamaha
(Subconscious brain), marka naakhuuduhu jiheeyo markabkaasi, waxa uu amaro u
kala diraa shaqaalaha ku jira qolka hoose ee uu yaalo mishiinka markabka,
kuwaasoo, ka illaaliya mishiinka markabku inuu kululaado, kuna leexiya jihada
ama ku kordhiya ama ka hakiya xawaaraha uu ku socdo markabku.
Dhamaan dadkaasi kama war-hayaan meel alla meel ay
marayaan, waxa ay la socdaan oo kaliya amarada uu faro naakhuudaha, laakiinse,
haddii uu ka khaldamo dariiqii naakhuudaha markabkaasi ama uu ka khaldamo
naakhuudaha qaabkii uu u raacay xagasha jihada qalabka jihaayahaasi, kana soo
hor baxo dhagaxaanta loo yaqaano shacaabiga, haddana, dadkaasi waxa ay wada
aaminsan yihiin naakhuudahoodaas, sababtoo ah, waa horjoogahoodii markabka,
waxa khasab ku ah hoggaamiyahaasi oo la gudboon in uu ogaado waxa uu
qabanaayaa waxa ay tahay.
Nasiib darro’se, waxay iigu naxdin badneyd, markii
aan arkay naakhuudihii wadey markabkii aanu saarneyn oo ka soo degay guradii markabkii aanu saarnayn,
isagoo hoos ugu soo dhaadhacay khanankii ugu hooseeyey ee markabkaasi, taasoo
ay sabab u ahayd, ka dib, markii shaqaalihiisii ay qaadan waayeen fariimihii
iyo amaradii naakhuudaha markabkii aannu saarnayn.
Haddaba, waxa isweydiin mudan, waa haddii
naakhuudahaasi uu sii joogteeyo inuu ka soo dego gurada sare ee markabkaasi, in
aynu halis ugu jiro in uu jiidho shacaabi ama uu ka lumo jihadii uu ku socday
markabkaasi, waxa muhiim ah marka aynu
dooneyno wax ka badelka xaaladda jirta,
waa in aynu wax ka badelnaa wixii sababay xaladdaasi.
Muddo yar ka dib, waxa nala’soo daristay hurdo
yaraan ay sabab u ahayd ciy’da mashxaradda ay nagu raali-galinaysay markay naga
fusho kaneecadii ku noolayd markabkii aanu saarnayn, waxay lahayd lix-lugood,
af-dheer iyo in ka badan boqol (100) indhood, taasoo, ku duuleysay duulimaad
hoose oo gaadhayey illaa iyo 18- joog sare (Feet), inkastoo, cimrigeedu uu gaabnaa, haddana,
miisaanka culeyskeedu uu ahaa laba milligaram (2mg), kaasoo
keeda lab uu quudanayey geedaha Ubaxa leh ee saarnaa markabkaas, halka
dhadigeeduna ay quudanaysay dhiigayaga.
Waxa lagu qiyaasaa qabiilada ay ka kooban tahay
kaneecadu Laba kun iyo todoba boqol (2,700) oo qabiil, sida, Culiseta mosquito,
Mansonia mosquito, Psorophora mosquito, Toxorhynchites mosquito, Wyeomyia
mosquito, Uranotaenia mosquito, Orthopodomyia mosquito, Deinocerites mosquito,
oxorhynchites mosquito , haemagogus mosquito, asian tiger mosquito,
psorophora ciliate mosquito, Marsh mosquito, balse, waxa dhibaato soo gaadhsiiya aadamaha,
teeda dhadiga saddexda qabiil ee kala ah,
Aedes mosquito, Anopheles mosquito iyo Culex mosquito.
Kuwaasoo
sabab u ah inay u kala gudbiyaan cudurada kala duwan ee halista ku
ah aadamaha, cuduradaas oo ay ka mid yihiin, kuwa ku dhaca maskaxada ee loo
yaqaano Encephalitis “ Eastern equine encephalitis virus (EEEV) , Chikungunya, Dengue fever, yellow fever, lymphatic filariasis, elephantiasis
(Lugta Maroodiga), Malaria.
Ka dib, waxaan isku dayey in aan war-bixin ka hello
mareegaha wararka ay ku baahiso Ha’yada caafimaadka aduunka, …………. La soco………
Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid