Cabashadda
laga muujiyo Madaxweynaha xilka haya maalinkaas, waxa loo aaneeyaa fiicnaantii
Madaxweynihii shalay, sirta halkaas ku jirtaa, waa faham la’aanta hab-dhaqanka
dabeecadda hoggaamiyahaasi uu jecel yahay iyo qaabka hoggaamineed ee uu ku
maareyn jiray xaaladdaha qaar ee la soo darsa, ama fahan la’aanta wanaagii lagu
jiray maalinkaas.
Haddii
aynu dib u yara milicsano shalay abuuristii nabad-galyada iyo xasiloonidii ka
dhalatay fahankii fiicanaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho dhalkiisa,
kaasoo ahaysiisay maanta jawi degan iyo rajo fiican aynu ku guran doono
maalmaha soo socda midhihii ay beereen Madaxweynayaashii hore ee dalka
Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba,
si aanay barri u wiiqmin kobacii is daba joogay midho dhalkaas, waa in wax laga
bartaa hab-dhaqanada dabeecadaha
hoggaamineed iyo habkii hoggaamineed ee ay ku maareeyeen xaaladdihii kala
duwanaa ee ay soo mareen muddadii ay hayeen xilka Madaxweynenimo.
Marka
aynu eegno Madaxweynihii ugu horeeyey
Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Aw-Cali oo aanan maanta jili
karin muuqaalka hab-dhaqankiisii hoggaamineed ee uu ku soo maareeyey, wakhtigii
uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Halka Madaxweynihii
Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalna uu
lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta Hillaadinta (Visionary Leadership), taas oo uu u sii marin jiray dhamaan
dadka talaabooyinka iyo nidaamka geedi socodkiisii hoggaaminneed wakhtigii uu
Madaxweynaha ka ahaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hoggaamiyayaasha ugu
muhiimsan ee ku guuleystaana waa kuwa leh arragti fog iyo jiho hillaadineed,
kuwaasoo badanaaba kaga dhabbeeya himmiladii ay hiigsanayeen.
Waxa ka mid ahaa hab-dhaqankiisii Hoggaamineed, Hoggaaminta Sinaanta (Laissez-faire
Leadership) waxaanu awood siin jiray shaqaalaha ka hawl-gala xarumaha dhexe
ee dawladda, taasoo lagu ogaaday cilmibaadhis qaadatay muddo dheer in ay tahay
habka ugu wax-tarka badan ee ay kuwada
wada-qanacsan yihiin aduunkoo dhami.
Waxa kale oo ka mid ahaa hab-dhaqankiisii Hoggaamineed, Tababare hoggaamiye (Coach Leadership), taasoo
ahayd mid ay shaqadeedu aad u sareysay, isla markaana fadhiyey goobta natiijada
laga hagaajinaayey ee hawlaha waxqabad
ee loo baahnaa laga fulinaayey, run ahaantii, sida aynu wada-xasuusan nahay, Madaxweyne
Cigaal hoggaamintiisii waxa gacan weyn ka geystay taageerayaashiisii oo soo
saaray horumarinta xirfaddiisii, taasoo siinaysay
Niyad, Dardar-galin iyo Dhiirigalin dheeraad ah.
Waxa intaasi uu sii dheeraa abuurista sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaamin Kooxeed ( Team Leadership),
oo lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga lagu
gaadhayey himiladdiisa ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo iyo
jiho hillaanideed.
Waxa ay ka shaqeysiinaysay dhamaan wixii ku lug lahaa wadnaha iyo
maskaxda xukuumadii uu hoggaamiyaha ka ahaa, sida la wada-garowsan nahay kumay
lug yeelanin wadashaqeyntiisii aaminaada iskaashigii saaxiibtinimo, waxaana
laga fillaayey caqabadihii ugu badnaana ee ka hor yimid in uu ku guuleysan
doono, inkastoo, laga yaabaa guuldarrada ku timaado hoggaamintani ay keento
tayada hoggaamineed ee liidata, balse,
waxay ahayd mid ay sareyso tayadeeda hoggaamineed.
Waxa
sidoo kalena uu u isticmaali jiray xaaladda qaarkood Hoggaaminta sharciga
(Autocratic Leadership), taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla markaana uu gacanta ku hayey dhamaan
masuuliyadda xukunka dowlada, oo gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la
taliyayaashiisa, iyadoo aan laga doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg
ah loogu fuliyo hawlihii loo baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto, manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo hoggaamintan
inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.
Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo
dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga
ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, inkastoo ay yar tahay taageeridoodu.
Madaxweynihii
Saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir
Rayaale Kaahin’na uu lahaa
sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta
sharciga (Autocratic Leadership), taasoo uu dhex u ahaa maamulka, isla
markaana, gacanta uu ku hayen jiray dhamaan masuuliyadda xukunka dowlada, oo
gaadhi jiray go’aano aanu kala tashanin la taliyayaashiisa, iyadoo aan laga
doodin go’aamadaasna uu rajeyn jiray in si degdeg ah loogu fuliyo hawlihii loo
baahnaa inay sidii loogu tallo galay y qabsoonto, manay lahayn wax dabacsanaan ah, inkastoo
hoggaamintan inteeda badan aanay ka shaqeynin deegaamadda qaarkood.
Run ahaantii, hagayaasha, habraacyada iyo
dhamaan siyaasadda hoggaamineed, waxa lagu xidhiidhiyaa dabeecadaha dabiiciga
ah ee hoggaamiyayaasha madax-bannaan ay leeyihiin, laakiinse, ay yar tahay taageeridoodu.
Halka, uu ka isticmaali jiray abuurista
sawir muuqaaleedka hillaadinta Hoggaaminta
Kooxeed ( Team Leadership), taasoo
lahayd ujeedo, bar bilow iyo meel ay u socoto, dhiirigalinta hiigsiga
himiladdiisa lagu gaadhayey ayaa ahayd mid bixinaysay dareen adag oo leh ujeedo
iyo jiho hillaanideed.
Madaxweynihii
Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
uu lahaa sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha hoggaaminta go'aan qaadashada awoodeedu hooseyso ee Hoggaaminta tallo-wadaaga ah (Democratic Leadership),
manaanu jeclaysan jiray in uu
gacanta ku dhigo dhamaan masuuliyada
xukunka dowlada, inkastoo uu lahaa go’aan mas'uuliyadeed oo kama dambeys
ah, inkastoo lagu yaqaano hoggaamiyaha tallo-wadaaga ah in uu awooda xukunka dowlada u wakiisho dadka
kale, ka go'aamiyaan mashaariicda shaqo.
Haddana, muuqaalka gaarka ah hoggaamintiiisii
ee ugu muhiimsaneyd, ayaa ahayd mid leh xidhiidhin firfircoon oo aad u sareysay,
ama ugu hooseysay, kaasoo tixgalinaayey hab-xisaabeedka, waxaanay ka mid tahay kuwa
la doorbido, laakiise, waxay u baahataa caddaalad, karti, hal-abuur, geesinimo,
daacadnimo iyo aqoon xirfaddeed.
Waxa kale oo uu lahaa Hoggaaminta Curinta Isbeddeldoonka (Transformational Leadership), taasoo ku dhiiri-galinaysay
dadku inay sameeyaan qorshayaal ka badan sidii markii hore loogu tallo-galay qorsheyaasha,
iyadoo waliba in badan laga fikiray suurto-galnimaddeeda, isla markaana laga
filan karo qorsheyaashaas in lagu gaadhi karo wax-yaabo badan oo aad u sareeya wax-qabadkeedu.
Xoggogaal ahaan, hoggaaminta waxay u eeg tahay mid haysata go’aano badan
iyo taageerayaal badan oo leh awood aad u sareysa.
Halka
uu ka isticmaali jiray xaaladdaha qaar Hoggaaminta Ganacsi (Transactional Leadership), ee lala
xidhiidhiyo dayactirka is bedelka geedi-socodka hawlaha, oo siinaysay abaal
marino degdeg ah taageerayaashiisii raacsanaa, iyadoo lagu fulinaayo amarka hoggaamiyahaas,
taasoo noqon karta dhawaaqyada heshiisyada aassaassiga ah ee diiradda lagu
saarayo wax is-dhaafsiga.
Halka,
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi’na uu leeyahay sifaha hab-dhaqanka dabeecadaha
hoggaamin muujinaysa kacdoon
awoodeed ee Hoggaaminta Socodka (Charismatic
Leadership) taas macnaheedu maaha isbeddel anshaxeed, xaqiiqdii waxay
astaan u tahay isbeddelka ay aaminsan yihiin taageerayaashiisii,
hoggaamiyayaasha hoggaamintan ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid madax-bannaan
oo ka soo jeeda asal ahaan hoggaamiyeyaashii hore,
Laakiinse, haddii aanu u diyaarsaneyn in uu wax ka beddelo wixii
sababaya hab-dhaqanka iyo dabeecadaha oo uu talaabo sharciya ka qaado, gaar
ahaan, qaab-dhismeedka dabeecadaha, waxa
laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan
dabeecadaha gaarka ah ee ay kala duwan yihiin ujeedooyinkoodu.
Waxa kale oo uu leeyaahay sifaha Hoggaamin xeeladdeed, (Strategic Leadership)
marka
loo eego bilowga cusub iyo in baahi
loo qabo wixii suuro-gal ah dhameystirkeeda, iyadoo loo maraayo hab-qoraaleed
xulasho sare leh oo tifatiran, wax-tarkeeduna waxay keentaa koboc dhaqaale, marka loo eego dabeecadaha
laga fisho inay ku yimaadaan ururada xilliyada isbedelka hoggaamineed, taasoo ku lug yeelata fikradahaa
xeeladdeysani boqolkiiba shan iyo koton (55%) .
Halka uu ka isticmaalo Habka Hogaaminta
Fududeynta (Facilitative Leadership) ee ku tiirsan hadba natiijada cabirka
qiyaaseedka baahid ka jirta dalka, run ahaantii, maaha xirfad, laakiinse, waxay
dhalisaa xirfad aad u sareeysa, wax-tarkeeduna wuxuu toos ula xidhiidhaa sida
ay u socdaan hawlaha wax-qabad, haddii ay kooxdu tahay mid ay aad u sareeyso
shaqadeedu, waxa uu u isticmaalaa gacan iftiimaysa habka geeddi-socodka
hawlaha, laakiinse, haddii uu hoos u
dhac ku yimaado shaqadana, wuxuu noqdaa hoggaamiyahaasi mid
siinaaya dardar-galin dheeraada
kooxdiisa, kana caawiya sidii ay u hirgalin lahaayeen hawlaha ay
qabanayaan.
Wax-tarkeedu waa mid ku lug leh habka kormeerida dhaqdhaqaaqa kooxdiisa,
kaasoo bixinaaya tallooyin ku saabsan qaabka nidaamka hawluhu ay u socon
lahaayeen iyo talaabooyin ka caawinaaya, sidii ay u sii jiri lahaayeen hawlaha
waxqabadka ee ay ku hawlan yihiin.
Haddii
aynu dib u milicsano luuqadii dublamaasiyadeed ee uu ku sii sagootiyey
kumanaankii kun ee ku sii sagootiyey gegida diyaaradaha London International
Airport, ka dib, markii ay u soo dhamaatay booqashadii gaabneyd ee uu ku joogay
dalka Ingiriiska (UK), Madaxweynihii hore ee dalka koonfur Africa, Nelson
Mandela, bishii July, 9-keedii
sannadkii 1996-kii.
Madaxweyne
Nelson Mandela, oo la hadlaayey qurbo joogtii ku sugnayd dalka Ingiriiska, waxa
uu ku yidhi: “Haddii maanta aan xidhnaan lahaa koodh weyn oo jeebado waaweyn
leh, waxa aan idinku guri lahaa jeebadahaa waaweyn, ka dibna, waxaan idinla
raaci lahaa diyaaradda illaa iyo dalkeenii”
hadalkaas oo dad badan ku kiciyey ladhkii xiisaha iyo xamaasada badnaa
ee ay u hayeen, kaasoo, markii danbena isku badaley inay ilmo ka tibiq layso
indhaha dadkii sii sagootiyayey Madaxweyne Nelson Mandela.
Inkastoo
laga dheehan karo hadalka Madaxweyne Nelson Mandela in uu ku abuuray
rajooyinkii ay ku gaadhi lahaayeen guushii ay ku soo hooyn lahaayeen
hadafkiisii uu ku horumarin lahaa dadka iyo dalka koonfur Africa.
Halka,
Madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi’na uu ku sii sagootiyey khudbad uu ula jeeday
shaqsiyaad qurbo joog ah oo ka mid ahaa taageerayaashii Xisbiga Midnimadda iyo
Horumarka ee Kulmiye, kuwaasoo
quuddareynaayey xilalka dowlada cusub ee uu soo magaacibi doono, markii uu ku
guuleysatay jagada Madaxweynenimada
Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi:
“Waxaydun eersan doontaan fartiina”,
Fariintaas
oo ku abuurtay niyad jab boqolaal kun oo aan iyaga loola jeedin oo ka mid ahaa
taageerayaashii Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo filanaayey dheggahooda inay soo
gaadhaan hadalo dublamaasiyadeed oo aan xanaf lahayn, oo ku abuurta niyad fiican iyo ididiilo
wanaagsan.
Dhacdadaas
oo ay bwaanadu ka curiyeen midhaha heestan la magac baxday Teyga oo ay ku luuqeyn
doonaan hobolo aan wali magacyadooda la shaacin.
Magaalooyinkaan
tegay
Iyotuulo
waxaan maray
Gaadhiga
taraarsani
Wuxuu
tiiro illa koray
Ama
taayir ii baxay
Anoo
tiigso idhi meel
Wuxuu
turusku ii go’ay
Dhul
aan laydhku wali tegin
Anoon
haysan tellefoon
Waxaan taar ka soo diray
Iyo
tellekas laga baxay
Sidii
aad u tagi lahayd
Taashkiyo
kursiga dheer
Waxaan
tacab u soo maray
Kolkaad
gaadhay taadii
Haddii
aan xil la ii tirin
Sow
la iguma tacadiyin
Haddii
aan xil loo tirin
Sow
laguuma tacadiyin
Waxaan
tiriyey heesaha
Saarleyda
loo tumo
Tubta
waxaan ku soo riday
Kumanyaalo
kaa tagay
Waxaan teeyo iibsaday
Iyo suudhadh lay tolay
Anigoon ku talo galin
Waligay inaan tago
Wixii aan tog iyo dhagax
Tafay buuro dhaadheer
Tabca iyo ka baxay dow
Sidii
aad u tagi lahayd
Taashkiyo
kursiga dheer
Waxaan
tacab u soo maray
Kolkaad
gaadhay taadii
Haddii
aan xil la ii tirin
Sow
la iguma tacadiyin
Haddii
aan xil loo tirin
Sow
laguuma tacadiyin
akhriste bal fahan
maanta aad barri garatide
Qoraa Maxamed Faarax
Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid