Posts

SIRTA NOLOSHU WAA FAHAMKA NOLOSHA Q/1-aad

Image
Dadka bir-labta ahi waa kuwo leh   isku kalsooni iyo iimaan, oo ka war-qaba in   guusha lagu guuleystaana ay ku timaado dhalasho ahaan,   halka, kuwa aan bir-labta ahaynina qalbiyadooda ay ka buuxaan cabsi iyo shaki badan, marka ay fursadu u timaado. Mar aan la kulmay   Dhakhtar ku takhakhusay cilmiga barashada daaweynta iyo cudurada guud ee ku dhaca ilkaha,   ayaa ii sheegay in naakhuude markab uu saarnaa u eekaa hoggaamintii asxaabigii Cumar Binu khidaab oo kale, taasoo uu ku suureeyey, mar uu daawaday war lagu baahiyey war-baahinta muuqaal araga,   naakhuudihii markabkaasi majaraha u hayey oo ka qayb-qaadanayey   gurmad lagu samoto bixinayey qasabad biyo ah oo ku soo fatahday goor caweysnimo ah qoys degenaa qol ka mid ah khananka ugu hooseeya ee markabkaas. Dhacdadaasi waxay ixasuusisay safarkii iigu horeeyey ee aan u raaco diyaarad nooca rakaabka qaada caasimadda London ee dalka Ingiriiska, ka dib, markii aanu ku soo dhawaanay gegida di...

Digniinta uu Wasiirka Biyuhu uu Diray Waa Farriin Lagu Diirsaday

Image
Markii uu waagu baryey ee aan soo toosay aroornimadaas ayey indhahaygu halacsadeen war farxad leh oo lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo Dawan,  caddadka tirsigiisii 33470, oo ku taariikhaysnaa, 9-kii- April-2018-kii, Markii aan wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi oo nuxurkiisu ahaa digniin loo diray gaadiidka booyadaha ee biyaha ka dhaamiya meelaha dooxyada ah ama biyo-fadhiisimaha ah aan caafimaadkoodu fiicnayn, ayaan yara showray, ka dibna, waxa aan jaleecay wiil dhallinyaro ah  oo ka qallin-jabiyey kulliyadda culuunta caafimaadka oo ku fadhiyey kursi hareertayda yaalay, waxaanan ku idhi; “Haddii aad xogogaal u noqon lahayd wax badan oo aan xogogaal u ahay ama aad akhiriyi lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska Dawan, sidaas umaad xiirateen ee waad murugoon lahayd.” Run ahaantii, markasta oo aan arko dad badan oo uu ku dhacay xannuunka kansarka ama wax yeelo ka soo gaadhay hab-dhiska xididada Neerfaha, beer-xannu...

Jaho-wareerka Guusha iyo Jirrabka Guul-darada

Image
                                                                                               Waxa ay ahayd goorsheegtu abaaro  7:00 AM ee subaxnimo, maalin Arbaca ah oo taariikhdu ahayd  24 January 2018, waana m arkii aan ka war helay in  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu kormeer shaqo ku imanayo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Isla markii aan maqlay kormeerkaasi Madaxweynaha, waxa maskaxdayda u sawirmay muuqaal yididiilo wanaagsan oo dib loogu soo nooleynayo rajadii luntay iyo hiigsigii lagu gaadhi lahaa himiladii ay lahayd Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Hasa yeeshee, markii aan soo galay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxa ay indhahaygu halacsadeen agab lagu sharxay barxadda wey...

Maxamed Faarax Qoti oo wareysi ka bixiyey shaqaalaha W.H.C oo albaabka l...

Image

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/4-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/4-aad  Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2018-ka,   Kala wareega awooda buuxda ee meeraha Pluto ee ku jira burjiga hawaa’iga ah ee dallow Sannadka 2023-ka illaa iyo Sannadka 2024-ka, waxa la saadaalin jiray in la arko isbedel taageero oo dhinaca qaabka dabeecada isku-duubnida midnimada bulshadu si siman u helleen dhamaantood xogaha iyo khayraadka, taasoo codka go’aanadoodaasina ay waxyeelayn doonaan gabi-ahaanteen. Meeraha Mushtar iyo Jilboole ee ku kulmi doonaan burjiga aamin la’a ee xilliga dabayaaqada Deyrta 21-keeda sannadka 2020-ka, waxaynu heysanaa fursaddo aynu kuwada qabano hawlaha neefsasho wadajirta, ka hor billowga isbedelka caqabadaha badan ee sannadka 2019-ka illaa iyo sannadka 2020-ka. Waxaynu u baahanahay in la qiimeeyo is dhex-galka fikradaha waaweyn, talaabooyinka xag-jirnimada ah ...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/3-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/3-aad  Nayruuska Sannadkan 2018-ka, waxa uu ku curtay Maalin Isniineed oo Maa’I ah,  waxa la odhan jiray maalin Isniineed, waxa ay u wanaagsan tahay in la isticmaalo arrimaha haweenka, qoyka, la tacaalida haweenka, taranka, dareenka, caafimaadka, isbedelka, nabada, habaarka, horumarka maskaxda, shaqo-abuurka, sirta, bacriminta, guurguurka xiddigaha iyo riyooyinka. Sannadkan cusub ee 2018-ka , Dayaxu wuxuu ku curtay burji Arliya ah ee Baciidka, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, Waxa kale intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji  maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada. Runtana Allaa Og. H...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/2-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/2-aad  Bulshadu badankoodu waxay noqdaan kuwo qiimeynaya oo kuwada faraxsan isku duubnida lawada gaadhay, marka dib loo milicsado mugdigii ka turjumayey wakhtigii dagaalkii labaad ee aduunka, daacadnimo la’aantii, farshaxanimaddii lagaga soo horjeeday sharciga, xukunka, mabaadiida iyo ku takrifalkii hantida dadweynaha, dhamaan waxaas oo dhan waxa loogu yeedhi doonaa in aanay ahayn hantidoodii, ka dibna, nidaamkan lagu tirtirayo waxa uu sii socon doonaa illaa iyo horaanta sannadka 2020-ka . Shaqsiyaadka waxa la odhan jiray qofku kaligii inuu wax illaaliyo laguma gaadho ujeedada hatafka la hiigsanayo. Dhinaca horumarka dhaqaalaha: Waxa kordha Iskaashiga farsamamooyinka casriga, nidaamka dhaqaalahana hoos u dhac baa ku yimaada, rabashka ka dhasha dadka aan aqoonta isku lahayn ee haddana isku cadowga ahaa ayaa si wadajir ah dib-u dhis loogu sameyn doonaa iyo masiiboo...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka Q/1-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/1-aad  Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ...