Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Q/2-aad
Bulshadu badankoodu waxay noqdaan kuwo qiimeynaya oo kuwada faraxsan
isku duubnida lawada gaadhay, marka dib loo milicsado mugdigii ka turjumayey
wakhtigii dagaalkii labaad ee aduunka, daacadnimo la’aantii, farshaxanimaddii
lagaga soo horjeeday sharciga, xukunka, mabaadiida iyo ku takrifalkii hantida
dadweynaha, dhamaan waxaas oo dhan waxa loogu yeedhi doonaa in aanay ahayn
hantidoodii, ka dibna, nidaamkan lagu tirtirayo waxa uu sii socon doonaa illaa
iyo horaanta sannadka 2020-ka.
Shaqsiyaadka waxa la
odhan jiray qofku kaligii inuu wax illaaliyo laguma gaadho ujeedada hatafka la
hiigsanayo.
Dhinaca horumarka dhaqaalaha: Waxa
kordha Iskaashiga farsamamooyinka casriga,
nidaamka dhaqaalahana hoos u dhac
baa ku yimaada, rabashka ka dhasha dadka aan aqoonta isku lahayn ee haddana
isku cadowga ahaa ayaa si wadajir ah dib-u dhis loogu sameyn doonaa iyo
masiibooyinkii dhacay, shaqaaluhuna sida qofka leebka iyo qaansada wax ku toogtaa
uu u soo qaado qaantiisa, ayey ugu kala awood badanaan doonaan abaal marinta
lagu siin doono, toosnaanta, dheeraynta iyo weeraryahanimada,
Waa
wakhtigii la badbaadin lahaa qalabka isagaadhsiinta casriga ah ee inoo
fududeeya nolosha, waxaana caawin doona dowaladaha iyagoo yeelan doona
iskaashiga wada-shaqeyn wax ku’ool ah, laakiinse, waxay u muuqataa in
nidaamkaas uu fashilmo si lama filaan
ahna loo jabsado xogta dahsoon oo la isdaba marin xogaha dahsoon iyo warar been
abuura oo xad-dhaaf ah, taasoo la arki
doono dhacdooyinka ay hoggaaminayaan arrimahaas aad ka u sareeyaa. Runtana Allaa Og..
Faraxa Dayaxa
burjigan waxa loo eegaa shanta waji ee
kala ah:-
wajiga koowaad:
Beeraha, isbedelka, hooyonimada, haweenka, qoysaska, dhalmada, dareenka,
hibada-dareenka, fahamka-deg-dega ah ee
dareenka bulshada, fikradaha-guud ee dadweynaha, caafimaadka, bani
aadanimada, Bad-maaxyadda, farsamo-yaqaanada qasabadaha, jawaabaha, lacagta,
ilmada, dadka caadiga ah, baaxa-dega,
heerarka uu maro liska caanuhu,
taranka, koritaanka, wax-soosaarka, Khamiirinta, dareerayaasha,
dareenkiisa, hooyo, kalkaalinta, boorashka, biyaha.
Wajiga labaad :-
Cilmiga Beeraha, cilmiga raadraaca isirka, xasiloonida,
maamulka,amarka,miinooyinka, dhimashada, caqabadaha, qirashada xadeysan,
xakameynta nafta, waayo-araga, nashqadaha, lafaha, xoolaha, adeegga arrimaha
bulshada, saldanada, wakhtiga, gabal-dhaca, taariikhda, xiliga da’da aabaha,
dhaqanka, dhulka, dhulka hoostiisa,
carmasha, daal-badan, saanta, xakamaynta nafta.
Wajiga
saddexaadna:-
Shuuciyadda, Dabaaldegyada, Kuliyadaha, sharciga maxkamadaha, cadaalada,
Deeqsinimada, weyneynta sharciga, Diinta, wadaaddada Sharciga Diinta, Muuqaalka
guusha, Damaca-badan, codka dheer,
Safarka, Runta,Safarka dibada, Xikmadda,faa'iidada, baayac mushtarka ,
daabacaadda, Tijaarada, Rajada, Wacyigalinta, Horumarka, Ammaanta, Sharafka,
Mudnaanta, Nasiibka, kaftanka, kaftanka
wanaagsan, Qosolka fiican, Wadarta guud,
Maraakiibta,Lugaha, Bawdyaha, Falsafada, Aqoonyahanada, Khudbadaha,
dabiibka, sixirka, xerooyinka xoolaha ee dalalka shisheeyaha, cilmiga barashada
xayawaanka, xoolaha iyo dhirta,
Wajiga
Afaraadna :-
Mucjisooyinka, Hantiwadaagga, Sirta,
Jahwareerka, Xasilooni-darradda, Xadeynta, Xijaabka, Debecsanaanta, Isbedelka,
Hadafyada, Himiladda, Hillowga, Dib u habaynta, kala-diridda, riyada,
qallafsanaanta, muqaddasnimada, , khayaalka, Farshaxanimadda, Fakashada,
Fikradaha, Jabka, Musuq-maasuq, khiyaamada qotoda dheer leh, cabitaanka,
daroogada, dareeraha Alcoholka, biyaha,
badaha, qiiqa, qalabka dhawaaqa codka qoom ka ciyaarka iyo Sumowga badaha.
Wajiga
Shanaad:- Ciidammada,
hiliblayaasha budhcad badeeda, dagaalka, dilka, dhiigga, muranka, tamarta,
gaadiidka, farsamo-yaqaanka
dhismayaasha, halyeeyga, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka,
madadaalada, cayaaraha, qalliinka,
tubaakada, toonta, fooxa, qoryaha, cuduradda, caabuqa, birta, mindiyaha,
qufulada, qalabka wax lagu kuleyliyo, tuubooyinka qasabadaha, qalabka lagu jaro timaha,
Dhinaca
Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa:
Raasamaalka,
hawl-gabka, waxay u eegtahay caqabadihii inna horyaalay muddadii dheerayd ee
aynu soo dhaafnay xuquuqdoodii innaynu si dhib yar hellitaankeedii uu ku
dhamaado
Arrimaha
Gaarka ahna: Waa
in laga fogaado
la joogitaanka jacaylka.
Wuxuu jecel yahay: Guriga, wabiyadda, baddaha,
xiiseynta waxyaabaha muhiimka ah, fursaddaha,
ku hadaaqida nolosha
Wuxuu neceb yahay:- Qabowga, waxshinimada, kibirka, jees-jeeska,
dhaqanka xun, faragelinta dadka kale noloshooda gaarka ah.
Dhinaca
shaqada waxa loo nisbeeyaa: Marka
hore in la fahmo wax-yaabihiin inta badan lagu jahwareeray, lana ogaado innay
dadku aqbalaan, In la horumariyo maskaxaha lumay iyo qaan-gaadhnimadda.
Xirfaddaha:-
Waxa lala xidhiidhiyaa cunto karinta, ganacsiga hudheelada, hantida
ganacsadeyaasha iibiya wax-yaabihii hore, banii’aadanimadda iwm.
Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay: Jidhka waxa lala xidhiidhiyaa uurku jirta iyo naasaha.
Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay: Jidhka waxa lala xidhiidhiyaa uurku jirta iyo naasaha.
Cudurada: Xanuunada
ku dhaca caloosha, laabta, caylka, boogaha.
Midabkana: Wuxuu ku leeyahay cadaan, madowga
iyo akhtarka.
Macdantana: Macdanta dareeraha ah, luulka,
lacagta, Dhagaxana: birta,
cusbada nuuradda.
Mandaqadana wuxuu ku
leeyahay wadamada: Holland, Scotland, Waqooyiga iyo Galbeedka
Afrika, New Zealand-, Paraguay, Algeria, South
Korea. Cities:
Amsterdam, Manchester, Tokyo, New York, Istanbul, Stockholm, Milan,
barakiciyay, Genoa, Cadix, Alger, Tunis, Bern, Magdeburg.
Xayawaanka:
Casaanyada, xayawaanka qolfta leh
Cuntadana: Caanaha, kalluunka, khudaarta
midho-biyoodkata, midhaha faa’iidada leh ee hadhuudhka, galayda, cuntadana waxa
ugu fiican in la cuno cuntooyinka
faa'iidada leh sida, xab xabka iyo cabida caanaha
Geedahana:
Dhir iyo beeyada, xawaashka, ubaxyada kuwa cadaanka, casaanka. Runtana
Allaa Og.
La soco........
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid