Thursday, January 4, 2018

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/4-aad


Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/4-aad 



Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2018-ka,  Kala wareega awooda buuxda ee meeraha Pluto ee ku jira burjiga hawaa’iga ah ee dallow Sannadka 2023-ka illaa iyo Sannadka 2024-ka, waxa la saadaalin jiray in la arko isbedel taageero oo dhinaca qaabka dabeecada isku-duubnida midnimada bulshadu si siman u helleen dhamaantood xogaha iyo khayraadka, taasoo codka go’aanadoodaasina ay waxyeelayn doonaan gabi-ahaanteen.

Meeraha Mushtar iyo Jilboole ee ku kulmi doonaan burjiga aamin la’a ee xilliga dabayaaqada Deyrta 21-keeda sannadka 2020-ka, waxaynu heysanaa fursaddo aynu kuwada qabano hawlaha neefsasho wadajirta, ka hor billowga isbedelka caqabadaha badan ee sannadka 2019-ka illaa iyo sannadka 2020-ka.

Waxaynu u baahanahay in la qiimeeyo is dhex-galka fikradaha waaweyn, talaabooyinka xag-jirnimada ah iyo dibna loo jiheeyo tamartii hore loo xadiday dhaqdhaqaaqeeda, isla markaana la aqoonsado dhammaan heshiisyadii kala duwanaa ee laga wada xaalay, waana guul in si xor ah dib loo dhiso midnimo bulsho wada-jirta badhtamaha Sannadka 2020-ka.

Guullaha is daba-jooga ah iyo baadhitaanka kooxaha saameynta ku leh dheelitirka xukuumadaha, waxa la arki doonaa inay sii korodho rabashka, damaca hunguriga iyo  kala fogaanshaha fikradaha dadka. Runtana Allaa Og..

Meeraha Mushtar ee ku jira burjiga dib-qalooca bishii October, 10-keedii ee Sannadka 2017 –ka illaa iyo bisha November 8-deeda Sannadka 2018-ka, waxaynu fursad u u hellaynaa in aynu bedelno qaybaha hab-nololeed ee aynu ka tagnay ama aynu xallin kari weynay wakhtiyadii hore, dareenkuna wuxuu noqdaa mid xoogan, arragtida fikradaha iyo dareenadda dadka kale,  qaarna waxay dareemaan arragtida fikradaha iyo dareenadda fiican.

Wuxuu saameyn ku leeyahay xogaha qarsoon oo la muujiyo, danbiyada oo la soo bandhigo, la baadho xogaha qarsoon cida muujisay, waxaana baadhitaanaddaasi loo maleynayaa inay yihiin xabaalaha xasuuqyadii loogu geystay dadka rayidka ah, waxa kale oo la feydi doona gabood faladda, dhimashada, cashuuraha, caymiska, dawooyinka kala go’ay, waxyeelooyinka ka dhaca badaha, dhulka.

Ka dib markuu u socdaalo burjiga leebka iyo qaansada bisha November 08, 2018-ka, halkaas oo uu ku nagaan doono illaa iyo bisha December 2-da Sannadka 2019-ka, waxaynu fursad u yeelan doonaa in aynu xallin kari weyno qaybaha nolosha ee wakhtigaas.

Waxaanu khibrad u leeyahay la kulan jacaylka aan kalsoonida lahayn fikradahooda la rumeysto, la iskana hubiyo xaqiiqada dabeecada masuuliyiinta aan dulqaadka lahayn, lana sameeyo hubsashada qorshe ku saleysan mabaadiida dhabta ah ee dadka kale.

Maadaama ay suurtogal tahay in la hello tallo wanaagsan oo ku saabsan in wax la qabto, dabcan waxa xaqiiq ah in lagaa soo horjeedsado, waxaana suuragal ah in lagu marin habaabiyo, sidaa darteed, hubso inaad xaqiijiso saxsanaanta illo-wareedyada ka hor intaadan raacin talada la bixinayo. Runtana Allaa Og.

Meeraha Jilboole wuxuu fadhiyaa burjiga baciidka ah bisha  December 19, Sannadka 2017-ka illaa iyo Bisha December 17, Sannadka 2020-ka,   waxaanu fadhiyaa burji kasta  2.5 illa iyo 3-sannadood,  29.5 sannadoodba.

Waxa la helli doonaa fursadihii xalka lagu gaadhi lahaa ama lagu daweyn lahaa arrinkasta oo taagnaa wakhtiyadii hore ee la soo dhaafay, wuxuu ina siinayaa khibradaha, taxadirka, is dhexgalka, anshaxa iyo kala danbeynta, waxaana laga yaabaa inuu door ka qaato wax badan oo ah hab nolloleedka shaqsiyeed ee dhinaca dhaqanka, qaab-dhismeedka wax qabadka horumarka, arragtida shaqsiga, waxa kale oo laga yaabaa inuu diirada ku hayo wax badan oo ah dareenka masuuliyadda amniga.

Haba-yaraatee maaha wakhtigani wakhti laga niyad jabo hagaajinta nidaamka,  haloo duceeyo natiijada badan ee ka dhalatay tallaabooyinka dadku ay qaadeen,  waxaana jiri doona war-doon awood badan leh, hal-gamaa awood badan leh, dadku waxay isku dayi doonaan inay isku dayaan wax kasta oo ay u arkaan inay muhiim u tahay.

Ugu dambeyntiina, burburka nidaamkii dowladeed iyo nidaamkii iskaashi  ayaa la soo bandhigi doonaa, waxa la soo dhajin doonaa xeerarka shaqo ee isbadel doonka, dardar galinta qaabkan cusub wuxuu ku bilaabmi doonaan iyagoo xididada hoostooda marayaa, ka dib marka meeraha jilboole ka socdaalo burjiga Baciidka ah Sannadka 2020-ka, dadka waayeelka ah, barbaarta ayaa ku adkaan doonta halgankaa inay sii wadaan oo kabtu ay qaban doontaa.

Meeraha waa meeraha garsoorka iyo cadaaladda, waxaanu rabaa inay rabitaankiisu noqdaan natiijooyinka ka soo baxayaa, kuwo caddaaladda ah, gaar ahaan, arrimaha dhaqaalaha, miisaaniyadda,  iyo arrimaha siyaasadda, taasoo loola jeedo guuldarrada in lagu guuldareysto ama guusha in lagu guuleysto, dhiirrigelinta miisaaniyada waxa suurogal ah in ay saameyn ku yeelanayo, meeraha jilboole ee ka gudbaaya burjiga baciidka ah, haddii  dawladaha, iskaashiga shirkadaha iyo macaamiisha ay noqdaan kuwo iska bixiya kharashka badan ee deynta ah ee lagu leeyahay. Runtana Allaa Og.

Meeraha Raage wuxuu fadhiyaa burjiga Dibiga bisha 15-kii May, Sannadkan  2018-ka,  illaa iyo 25-ka bisha April , Sannadka 2026-ka,  isagoo joogi doona muddo 7-sannadood ah,  84-kii sannadoodba hal mar, waxaana ugu dambeeyay burjigan uu ku jiro laga soo bilaabo bishii March 27-keedii, Sannadkii 1935-ka illaa iyo bishii May 14-keedii, Sannadkii 1942-kii.

Meerahan wuxuu saameyn ku leeyahay qaababka sarifka lacagaha in si degdeg ah looga soo saari doonaa ee ugu dhakhsaha badan heer xadida, xasuusnow, nidaamkeenii maaliyadeed ee dib loo hagaajiyay muddadii lagu jiray marxaladdii ugu dambeysay oo ahayd mid heerkeedu aad u sareeyey Nidaamka Diiqada Badbaadada Bulshada, waxay bilaabmatay bishii August 14-keedii, sannadkii 1935-kii, billo ka dib, markii meeraha raage u guuray burjiga Dibiga.

Meerahan Raage ee ku jira burjigan, waxay dadku awood u yeelan doonaan inay wax ku raadsadaan qaab nabadgalyo oo aan qabyaalad lahayn, haddii ay tahay mid maaliyadeed, dareen caadifadeed iyo mid jidh-ahaaneedba, waxa la fulin doonaa dhaqdhaqaaqa farsamooyinka dhaqaale, waxaana dib u habeyn lagu sameyn doonaa bangiyadda keydka lacagaha iyo nidaamka maaliyadeed, dadku waxay khibrad ka korodhsadeen khasaarihii lacageed ee lagu takrifalay, arrimahaa maaliyadeed ayuu ka shaqeyn doonaa marka uu meerahani uu  saddex xagal muuqaal ah kula kulmi doono meeraha Mariikh, bilaha xagaaga ee Sannadka 2018-ka. Runtana Allaa Og.

Meeraha illi-maqabatiga ee Neptune wuxuu ku jiray burji maa’iga ah ee xuudka bishii  April 4-teedii sannadkii 2011-kii, halkaas oo uu ku sii nagaan donno illaa iyo 26- ka bisha January ee sannadka 2026-ka,  waxaanu ku jiraa burji kasta 14-15 Sannadood, 169-kii sannadoodba hal mar, waxa laga saadaalinayaa in dib u xallinta xiisaddaha wali dareenkoodu taagan yahay illaa iyo hadda ee u dhexeeya Waqooyiga iyo Koonfurta Maraykanka ayaa ugu dambeyntii natiijo midho dhal ah laga gaadhi doonaa  isdhexgalka bulshada illaa iyo Sannadka 2026-ka.

Sidoo kalena, in la xaddido dhaqanka iyo xuduudihii hore, gaar ahaan, kala qayb sanaant mabaa’diida u dhexeeya xornimo doonka iyo dhaqanka, isagoo siinaaya furitaanka fikradaha, wakhtiga, garashada iyo heerka qaabdhismeedka, waayo arragnimo badan oo xawaaraheedu aad sareeyo ayaa ka hor iman doonta qulqulka xogaha qalabka casriga, waxaaana la isku dayi doonaan in la sii hore mariyo nidaamka xidhiidhka dhulka iyo qaab-dhismeedka jidhka, dadku waxay qorsheynayaan xeeladdii ay kula tacaalilahaayeen xogaha  ku saabsan aflagaadada, ee aan ku xidhnayn xaqiiqada wararka wadajira, waxa kale oo la sheegi jiray innay kor u kacaan hawlaha biyaha, helida-awoodeed ee biyaha, hellitaanka biyo nadiifa, daadadka, dhibaatooyinka abaaraha,  Runtana Allaa Og.

Meeraha Pluto waxa uu ku jiray burjiga Arliyada ah ee baciidka bishii January 26, 2008- illaa iyo bisha November 19, 2024-ka, wuxuu ku wareegaa qoraxda qiyaas dhan 248-sannadood, meerahani waxa uu ku jiray burjigan sannadihii 1762-kii illaa iyo Sannadkii 1778-kii,  wakhtigaas dalka  America iyo Faransiiska waxa ka bilaabmay kacdoono, billowga qaab-dowlad cusub ah, run ahaantii, dawladda Maraykanku waxay ku jirtaa nidaamkii  burburka, waxaana loo baahan doonaa in dib loo habeeyo marka meerahan  uu ka baxo burjigaas sannadka 2024-kii, Ka dib wakhtigaas, waxa la arki doonaa sameynta qaabab badan oo isdabajoog ah,  kala baahsanaan iyo qaabab dowladeed oo isku mid ah. Runtana Allaa Og.

Bisha Janeury 31-keeda sannadka 2018-ka, waxa la fillan jiray Dayax madoobaad, waxaana la odhan jiray waxa laga yaabaa in wakhtigan qaboobaha ay keento xallinta iyo feejignaanta. Runtana Allaa Og.
Bisha February 15-keeda sannadka 2018-ka,  waxa kale oo la fillan jiray Qeyb ka mid ah Qoraxdu innay madoobaato, waxaana la odhan jiray waxa soo baxa in dib loo xalliyo wixii  maskaxda lagu hayey, waana billowga kacsanaanta. Runtana Allaa Og.
Bisha March 22-keeda illaa iyo Bisha April 15-keeda sannadka 2018-ka, meeraha Libdhe  oo saddex xagal kula kulmi doona burjiga fushade, wuxuu talaabo degdeg ah ka qaadi doonaa  jid-gooyooyinkii dhacay waxaanu bixin doonaa wakhti lagaga fikiro cawaaqibkeeda. Runtana Allaa Og.
Bisha June 26  illaa iyo August 27-keeda sannadka 2018-ka, Meeraha Mariikh ee ku jiray burjiga Dalow wuxuu  u kicitimi doonaa burji baciidka ah, waxa la odhan jiray tamarta shidaalka ayaa si degdeg ah loo muujin doonaa,  ka fikirka ka hor inta aanad qaadin talaabo ficil celin ah,  in la xakameeyo cadhada ayaa ah ta ugu ficil celinta wanaagsan. Runtana Allaa Og.
Bisha July 25-keeda illaa iyo bisha August 18-keeda sannadka 2018-ka , Meeraha Libdhe ee ku jira burjiga asadka, wuxuu tilmaamayaa in marka hore laga fikiro, marka labaadna laga hadalo, amarka iyo xukunka degdega ahi wuxuu horseedaa natiijo xumo. Runtana Allaa Og.
Bisha July 12-keeda sannadka 2018-ka,waxa la fillan jiray Qorax madoobaad, waxaana laga yaabaa in la dareemo waxoogaa dawakhaad ah. Runtana Allaa Og.
Bisha July 27-keeda sannadka 2018-ka, waxa la fillan jiray Dayax madoobaad,  waxaana la odhan jiray wakhtigan waa in la iska illaaliyo kuwa dib u dhigaya  nabadda iyo wada noolaanshaha, waxa haboon in la diyaariyo talaabooyin wax qabad dheeraad ah oo dhinca arrimaha guddaha. Runtana Allaa Og.
Bisha August 11-keeda sannadka 2018-ka, waxa la fillan jiray inay dhacdo Qorax madoobaad, waxa la dohan jiray dhageysiga awoodeed ayey saameyn ku yeelataa. Runtana Allaa Og.
Bisha August 27, 2018 – Meeraha Mariikh oo si toosa ah u gali doona burjiga baciidka, waxa haboon in la horumarka mashaariicda la xadiday si aanay u keenin dib u dhac ama aanay u xidhmin bisha June ee sannadka 2018-ka. Runtana Allaa Og.
Bisha October 5 illaa iyo November 16, 2018 – Meeraha Suhuura oo saddex xagal kula kulmi doona burjiga dib qalooca iyo burjiga asadka, waxa la odhan jiray wuxuu xidhiidh dhex maridoono asxaabtii hore, isla markaana uu xidhiidhintaas loo maro qaab wanaagsa iyo nafaqeyn, Bisha November 6, 2018 illaa iyo bisha  May 4, 2020-ka – Dayaxu wuxuu gali doonaa labada burji sardaan iyo baciidka, wuxuu ka shaqeyn doonaa Hoyga, qoyska iyo amniga gudaha in hoosta laga xariiqo. Runtana Allaa Og.

Maxamed Faarax Qoti
Astrologist




No comments:

Post a Comment

Mahadsanid