Thursday, January 4, 2018

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/3-aad


Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/3-aad 


Nayruuska Sannadkan 2018-ka, waxa uu ku curtay Maalin Isniineed oo Maa’I ah,  waxa la odhan jiray maalin Isniineed, waxa ay u wanaagsan tahay in la isticmaalo arrimaha haweenka, qoyka, la tacaalida haweenka, taranka, dareenka, caafimaadka, isbedelka, nabada, habaarka, horumarka maskaxda, shaqo-abuurka, sirta, bacriminta, guurguurka xiddigaha iyo riyooyinka.

Sannadkan cusub ee 2018-ka, Dayaxu wuxuu ku curtay burji Arliya ah ee Baciidka, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, Waxa kale intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji  maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada. Runtana Allaa Og.


Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2018,  Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga  Maa’I ah ee sardaan, waxaanu leeyahay wajiyo badan oo khuseeya, dhinaca Xaaladdaha ku lug leh qoyska iyo guriga  ayuu ku faraxsan yahay muddada uu ku jiro dayaxu burjigan, Waxaa jira rabitaankaaga innay kaa taageeraan dadka kale oo ay dareemaan taageerada saami qeybsiga,  Waxaan ku faraxsan yahay in la fahamno oo la dhiiri galiyo wax soo saarka dabeecadaha dadka kale, damqashada iyo kobcinta waa dareenka ugu muhiimsan, Isticmaalka wixii khuseeya digtoonida marka la eego niyadsamida illaalinta-shaqsiyeed ee dhaq-dhaqaaqyada hawlaha socda, sida, raashinka badan iyo cabitaanka.

Waxa kale oo lala xidhiidhiyaa, naxariisashada, maryo-dhigashada, damqashada, ababinta, dareenka, khayaalka, dareenka cadhadaleh, fahamka qalbiyadda, nolosha hoyga, ku xidhnaanshaha dadka caanka ah, xididada dareenka, hooyada, waxa loo baahdaa kalinimada, waxaana la filan jiray kalsooni darro, cabsi qarsoon, xadhig, difaacidda, amni darro, dilka cabudhinta ah, ku tiirsanaanta dadka kale. Runtana Allaa Og.

Dayax shan iyo tobnaad: Waa billowga qabowga da’da dhexe, waana wakhtiga midhihii la beeray ay dhashaan marka dayaxu uu buuxsamo, dabadeedna wixii ka soo go’ay si naxariis leh loogu qaybiyo si ay u quutaan dadka kale.

Noloshan aduunyadu waa mid ku meel gaadh ah, haddana dhamaanteen waxa aynu nahay kuwo ay ku jirto isla-weyni, waxa kaliyaata ee ugu haboon uguna wanaagsan, Madaxweyne waa inaad ka tagto dhaxal wanaagsan oo laguugu xasuusto, deeqsinimada iyo deeqaha aad dadka siisaa waa wajiyada khayraadku ka soo baxo, waxaana haboon in la qiimeeyo dhaqaalaha sii yaraanayaa, rajadda, xikmadda, waxa kale oo uu tilmaamaa dhinaca hadhka ah in uu qadhaadh yahay. F.G: (Mudane Madaxweyne yaanay kuu muuqanin dhinca iftiinka qoraxdu uu hayo ee dhinaca hadhku hayana eeg, Aniga, Axmed iyo Cabdirashiid Caydiidba tayga iskama saarno, habeenkii waanu ku seexanaa)


Hawlaha wanaagsan: Waa xilli dareen badan, khaasatan dhalmada, taranka, khiyaalka, riyooyinka, dhex-dhexaadinta, jaceylka, hooyga, quruxda, lacagta, hal-abuurka, awoodaha sharciyada, xilligan waa xilli dareenku aad u sareeyo, mana  wanaagsana xilligan mushkiladaha waaweyni, waxaanay noqdaan midabada kiciya qalbiyada ee burburiya, ha raadinina dawooyinka la isku daweeyo iyo talaalkaba, hawl-galadoodu waxay noqdaan kuwo ay farxadoodu yar tahay, dhaawacyaduna inta badan way dhiigaan, qaabka nabarada maqaarkuna aad baa loogaga hadlaa xilligan.

Hadafka:- Xilligan shaqooyin badan oo la waawey ama la waayo ayaa qabsooma, dayaxu waxa uu awood u leeyahay inuu fahmo duufaanta cadaanka ee la xidhiidha koritaanka siidhka midhaha lagu beero dhulka hoostiisa.

Dadka habeenkaa dhasha: Waxa la odhan jiray,  waa kuwo leh dareen xamaasadeed, miyir qab la’aan, cadho-badan, kacsanaan, caadifad, jaceyl iyo kal-gacal badan, waxaanay dareensan yihiin in aanay dadka kale dareemin, hellitaankooda nololeedna wuxuu ku xidhan yahay dareenkooda, waxaanay  leeyihiin arragtidda dareenada macquulka ah iyo dareenada la taaban karo ee shakiga badan.

Waxa kale oo ay isticmaalaan qiiro aan ku dhisnayn caqliyad, faham iyo qiimeyn, laakiinse, waa kuwo kor u qaada mustaqbalka farxadeed ee dadka kale, lagama yaabo in ay quus gaadhaan, inkastoo ay aad u yar tahay in ay arrimahoodu noqdaan maqaar-saar, haddana, waxay awood u leeyihiin in ay nafaqeeyaan qoyskooda iyo qaraabadooda, waxa intaas sii dheer oo ay leeyihiin  fikraddo joogta ah, waxaanay wax ku gudbiyaan dariiqa xidhiidhinka afgarashada, qiirada, iyagoo u maraya qaab-dhismeedka  farshaxanka sawirka iyo dhawaaqa codka ciyaaraha. Runtana Allaa Og.

Dhanka wanaagsan:- Waxay noqdaan dad masuulla oo muxtarim ah, ku fiican ka war-heynta nafaqada qoyska, oo leh taxadir badan iyo dareen garasho.


Dhanka mugdiga ahna:- Waxay noqdaan kuwo leh dareen jaceyl, diidmo badan, gooni socod, hubsasho la’aan, oo aan qaadi karin talaabo horusocod ah. Runtana Allaa Og.


La soco........

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid