Posts

Digniinta uu Wasiirka Biyuhu uu Diray Waa Farriin Lagu Diirsaday

Image
Markii uu waagu baryey ee aan soo toosay aroornimadaas ayey indhahaygu halacsadeen war farxad leh oo lagu daabacay dusha sare ee bogga ugu horeeya wargeyska la yidhaahdo Dawan,  caddadka tirsigiisii 33470, oo ku taariikhaysnaa, 9-kii- April-2018-kii, Markii aan wada akhriyey warkii ku qornaa wargeyskaasi oo nuxurkiisu ahaa digniin loo diray gaadiidka booyadaha ee biyaha ka dhaamiya meelaha dooxyada ah ama biyo-fadhiisimaha ah aan caafimaadkoodu fiicnayn, ayaan yara showray, ka dibna, waxa aan jaleecay wiil dhallinyaro ah  oo ka qallin-jabiyey kulliyadda culuunta caafimaadka oo ku fadhiyey kursi hareertayda yaalay, waxaanan ku idhi; “Haddii aad xogogaal u noqon lahayd wax badan oo aan xogogaal u ahay ama aad akhiriyi lahayd warka lagu daabacay maanta wargeyska Dawan, sidaas umaad xiirateen ee waad murugoon lahayd.” Run ahaantii, markasta oo aan arko dad badan oo uu ku dhacay xannuunka kansarka ama wax yeelo ka soo gaadhay hab-dhiska xididada Neerfaha, beer-xannu...

Jaho-wareerka Guusha iyo Jirrabka Guul-darada

Image
                                                                                               Waxa ay ahayd goorsheegtu abaaro  7:00 AM ee subaxnimo, maalin Arbaca ah oo taariikhdu ahayd  24 January 2018, waana m arkii aan ka war helay in  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu kormeer shaqo ku imanayo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Isla markii aan maqlay kormeerkaasi Madaxweynaha, waxa maskaxdayda u sawirmay muuqaal yididiilo wanaagsan oo dib loogu soo nooleynayo rajadii luntay iyo hiigsigii lagu gaadhi lahaa himiladii ay lahayd Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Hasa yeeshee, markii aan soo galay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxa ay indhahaygu halacsadeen agab lagu sharxay barxadda wey...

Maxamed Faarax Qoti oo wareysi ka bixiyey shaqaalaha W.H.C oo albaabka l...

Image

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/4-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/4-aad  Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha  uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2018-ka,   Kala wareega awooda buuxda ee meeraha Pluto ee ku jira burjiga hawaa’iga ah ee dallow Sannadka 2023-ka illaa iyo Sannadka 2024-ka, waxa la saadaalin jiray in la arko isbedel taageero oo dhinaca qaabka dabeecada isku-duubnida midnimada bulshadu si siman u helleen dhamaantood xogaha iyo khayraadka, taasoo codka go’aanadoodaasina ay waxyeelayn doonaan gabi-ahaanteen. Meeraha Mushtar iyo Jilboole ee ku kulmi doonaan burjiga aamin la’a ee xilliga dabayaaqada Deyrta 21-keeda sannadka 2020-ka, waxaynu heysanaa fursaddo aynu kuwada qabano hawlaha neefsasho wadajirta, ka hor billowga isbedelka caqabadaha badan ee sannadka 2019-ka illaa iyo sannadka 2020-ka. Waxaynu u baahanahay in la qiimeeyo is dhex-galka fikradaha waaweyn, talaabooyinka xag-jirnimada ah ...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/3-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/3-aad  Nayruuska Sannadkan 2018-ka, waxa uu ku curtay Maalin Isniineed oo Maa’I ah,  waxa la odhan jiray maalin Isniineed, waxa ay u wanaagsan tahay in la isticmaalo arrimaha haweenka, qoyka, la tacaalida haweenka, taranka, dareenka, caafimaadka, isbedelka, nabada, habaarka, horumarka maskaxda, shaqo-abuurka, sirta, bacriminta, guurguurka xiddigaha iyo riyooyinka. Sannadkan cusub ee 2018-ka , Dayaxu wuxuu ku curtay burji Arliya ah ee Baciidka, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, Waxa kale intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji  maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada. Runtana Allaa Og. H...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/2-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/2-aad  Bulshadu badankoodu waxay noqdaan kuwo qiimeynaya oo kuwada faraxsan isku duubnida lawada gaadhay, marka dib loo milicsado mugdigii ka turjumayey wakhtigii dagaalkii labaad ee aduunka, daacadnimo la’aantii, farshaxanimaddii lagaga soo horjeeday sharciga, xukunka, mabaadiida iyo ku takrifalkii hantida dadweynaha, dhamaan waxaas oo dhan waxa loogu yeedhi doonaa in aanay ahayn hantidoodii, ka dibna, nidaamkan lagu tirtirayo waxa uu sii socon doonaa illaa iyo horaanta sannadka 2020-ka . Shaqsiyaadka waxa la odhan jiray qofku kaligii inuu wax illaaliyo laguma gaadho ujeedada hatafka la hiigsanayo. Dhinaca horumarka dhaqaalaha: Waxa kordha Iskaashiga farsamamooyinka casriga, nidaamka dhaqaalahana hoos u dhac baa ku yimaada, rabashka ka dhasha dadka aan aqoonta isku lahayn ee haddana isku cadowga ahaa ayaa si wadajir ah dib-u dhis loogu sameyn doonaa iyo masiiboo...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka Q/1-aad

Image
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)                 Q/1-aad  Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka  bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ...

MARADA CAS IYO LO'DA ISBAANISHKA

  Lo’da Isbaanishku xaqiiqdii maaha kuwo neceb, kana xanaaqa marada cas ama midabka casaanka ah, sababtoo ah, Lo’da isbaanishku waxay leeyihiin laba indhood, kuwaasoo unnugyada ay ka sameysan yihiina Afka-qalaad loogu yeedho ,“Rods and Cones. Kaasoo Unuga Rods’ka badanaaba ay masuuliyadiisu tahay dhinaca awood arraga inuu ku arki karo iftiinka iyo gudcurkaba, halka Unuga Cones’ka la yidhaahdaa uu awood u leeyahay inuu arki karo midabada kale ee ay ka mid yihiin Huruudda iyo Cagaarka. Laakiinse, haddana waxa ay rumeysan yihiin dad badan oo ku kala nool daafaha aduunku, in Lo’da Spainishku ka xanaaqaan midabka cas, iyagoo arrintaas u nisbeeyey marka ay indhaheenu arkaan midabka cas, markiiba waxay maskaxdeenu ka bixisaa jawaabo kala gadisan iyo sawiro kala duwan,  sida,:- Gubashada, waxa calaamad u ah midabka cas qalabka lagula tacaalo dabka in lagu damiyo, Dhiiga oo midabkiisu yahay casaan iyo Xannaaqa, taasoo, marka uu qofku cadhaysan yahay ay indhuhu casaadaan. Mar la sameeye...

QORAA MAXAMED FAARAX QOTI-OO HADA WAR CUSUB SHAACIYAY

Image

Codbixiyuhu Waa Siyaasiga Maqla Weedhaha Dhiifta Badan Iyo Weedhaha Dheefta Leh.

Image
Hoggaamintu waa farshaxan-dhigaya waxa aynu doonayno in sida saxda ah ee ku haboon la innoogu qabto, mana’aha wax la taaban karo, balse, waa mid wax laga barrankaro , sidaa awgeed ayeynu   Dimuquraaddiyada uga soo qaadanay habka loogu tartamo siyaasadda awoodda talada dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiyihii ku hoggaamin lahaa nidaamka siyaasaddeed ee u dejisan dalkeena, iyadoo loo maraayo   awooddaa siyaasaddeed   iyo nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay uu ku baddelo xukuumadda hab-doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxa maanta Aduunka ka jira Madaxweyneyaal amma hoggaamiyayaal badan, balse aad bay u yar yihiin inta hoggaamiye ahi, inkastoo haddana lagu tilmaamo dhabbadii guusha ay ku gaadheen hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ay ahaayeen kuwo dadkooda u muujinayey qadarin, iyagoo tusayey halka loo socdo ee bar-tilmaameedku uu ahaa, xeel-dheeri, xullasho sare, oo aan waligood is dhiibin, korna u hadla,  taasi maaha macnaheedu , lam...