Posts
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/4-aad
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Q/4-aad Dhinaca saadaasha waxa gun dhig u ah kala fadhiga meerayaasha uu ku curtay Sannadkan cusub ee 2018-ka, Kala wareega awooda buuxda ee meeraha Pluto ee ku jira burjiga hawaa’iga ah ee dallow Sannadka 2023-ka illaa iyo Sannadka 2024-ka, waxa la saadaalin jiray in la arko isbedel taageero oo dhinaca qaabka dabeecada isku-duubnida midnimada bulshadu si siman u helleen dhamaantood xogaha iyo khayraadka, taasoo codka go’aanadoodaasina ay waxyeelayn doonaan gabi-ahaanteen. Meeraha Mushtar iyo Jilboole ee ku kulmi doonaan burjiga aamin la’a ee xilliga dabayaaqada Deyrta 21-keeda sannadka 2020-ka, waxaynu heysanaa fursaddo aynu kuwada qabano hawlaha neefsasho wadajirta, ka hor billowga isbedelka caqabadaha badan ee sannadka 2019-ka illaa iyo sannadka 2020-ka. Waxaynu u baahanahay in la qiimeeyo is dhex-galka fikradaha waaweyn, talaabooyinka xag-jirnimada ah ...
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/3-aad
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Q/3-aad Nayruuska Sannadkan 2018-ka, waxa uu ku curtay Maalin Isniineed oo Maa’I ah, waxa la odhan jiray maalin Isniineed, waxa ay u wanaagsan tahay in la isticmaalo arrimaha haweenka, qoyka, la tacaalida haweenka, taranka, dareenka, caafimaadka, isbedelka, nabada, habaarka, horumarka maskaxda, shaqo-abuurka, sirta, bacriminta, guurguurka xiddigaha iyo riyooyinka. Sannadkan cusub ee 2018-ka , Dayaxu wuxuu ku curtay burji Arliya ah ee Baciidka, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaas dayaxu uu joogo Burji Arliya ah, qabow iyo kulayl abaar iyo barwaaqo midna lagama sheegi jirin, Waxa kale intaas sii dheer oo loo eegi jiray godka habeenkaa dayaxu fadhiyey, waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu joogo Burji maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada. Runtana Allaa Og. H...
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka. Q/2-aad
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Q/2-aad Bulshadu badankoodu waxay noqdaan kuwo qiimeynaya oo kuwada faraxsan isku duubnida lawada gaadhay, marka dib loo milicsado mugdigii ka turjumayey wakhtigii dagaalkii labaad ee aduunka, daacadnimo la’aantii, farshaxanimaddii lagaga soo horjeeday sharciga, xukunka, mabaadiida iyo ku takrifalkii hantida dadweynaha, dhamaan waxaas oo dhan waxa loogu yeedhi doonaa in aanay ahayn hantidoodii, ka dibna, nidaamkan lagu tirtirayo waxa uu sii socon doonaa illaa iyo horaanta sannadka 2020-ka . Shaqsiyaadka waxa la odhan jiray qofku kaligii inuu wax illaaliyo laguma gaadho ujeedada hatafka la hiigsanayo. Dhinaca horumarka dhaqaalaha: Waxa kordha Iskaashiga farsamamooyinka casriga, nidaamka dhaqaalahana hoos u dhac baa ku yimaada, rabashka ka dhasha dadka aan aqoonta isku lahayn ee haddana isku cadowga ahaa ayaa si wadajir ah dib-u dhis loogu sameyn doonaa iyo masiiboo...
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka Q/1-aad
- Get link
- X
- Other Apps
Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Q/1-aad Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, qadarkiis iyo maamulkiisa cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taasoo ...
MARADA CAS IYO LO'DA ISBAANISHKA
- Get link
- X
- Other Apps
Lo’da Isbaanishku xaqiiqdii maaha kuwo neceb, kana xanaaqa marada cas ama midabka casaanka ah, sababtoo ah, Lo’da isbaanishku waxay leeyihiin laba indhood, kuwaasoo unnugyada ay ka sameysan yihiina Afka-qalaad loogu yeedho ,“Rods and Cones. Kaasoo Unuga Rods’ka badanaaba ay masuuliyadiisu tahay dhinaca awood arraga inuu ku arki karo iftiinka iyo gudcurkaba, halka Unuga Cones’ka la yidhaahdaa uu awood u leeyahay inuu arki karo midabada kale ee ay ka mid yihiin Huruudda iyo Cagaarka. Laakiinse, haddana waxa ay rumeysan yihiin dad badan oo ku kala nool daafaha aduunku, in Lo’da Spainishku ka xanaaqaan midabka cas, iyagoo arrintaas u nisbeeyey marka ay indhaheenu arkaan midabka cas, markiiba waxay maskaxdeenu ka bixisaa jawaabo kala gadisan iyo sawiro kala duwan, sida,:- Gubashada, waxa calaamad u ah midabka cas qalabka lagula tacaalo dabka in lagu damiyo, Dhiiga oo midabkiisu yahay casaan iyo Xannaaqa, taasoo, marka uu qofku cadhaysan yahay ay indhuhu casaadaan. Mar la sameeye...
QORAA MAXAMED FAARAX QOTI-OO HADA WAR CUSUB SHAACIYAY
- Get link
- X
- Other Apps
Codbixiyuhu Waa Siyaasiga Maqla Weedhaha Dhiifta Badan Iyo Weedhaha Dheefta Leh.
- Get link
- X
- Other Apps
Hoggaamintu waa farshaxan-dhigaya waxa aynu doonayno in sida saxda ah ee ku haboon la innoogu qabto, mana’aha wax la taaban karo, balse, waa mid wax laga barrankaro , sidaa awgeed ayeynu Dimuquraaddiyada uga soo qaadanay habka loogu tartamo siyaasadda awoodda talada dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiyihii ku hoggaamin lahaa nidaamka siyaasaddeed ee u dejisan dalkeena, iyadoo loo maraayo awooddaa siyaasaddeed iyo nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay uu ku baddelo xukuumadda hab-doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxa maanta Aduunka ka jira Madaxweyneyaal amma hoggaamiyayaal badan, balse aad bay u yar yihiin inta hoggaamiye ahi, inkastoo haddana lagu tilmaamo dhabbadii guusha ay ku gaadheen hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ay ahaayeen kuwo dadkooda u muujinayey qadarin, iyagoo tusayey halka loo socdo ee bar-tilmaameedku uu ahaa, xeel-dheeri, xullasho sare, oo aan waligood is dhiibin, korna u hadla, taasi maaha macnaheedu , lam...
WANKII LA LUMAY BARAARKA
- Get link
- X
- Other Apps
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsan nahay dhaqaalahooda, caanahooda, haragooda iyo hilibkoodaba. Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha xoolaha nool ayey ku sargooyeen habkii ay u maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, inkastoo, haddana iduhu gaar ahaan wanka qoodha ahi uu ka duwan yahay baar-qabka ama qoodha xoolaha kale. Haddana, dhinaca taranka xoolo-dhaqatadu wanka sumalka ah kuma daraan laxaha, waanay u kal-tiriyaan habeenka sumalka laxaha ay ku sii daynayaan, marka uu rimiyo’na way ka soocaan wanka qoodha ah (Sumalka), waxaanay ku daraan baraarka iyagoo ka taxadiraaya si aanay u dhicin oo aanu u rimin laxahii seegay iyo sabeenaha hanaqaaday. Sidaas bay dadka aqoonta u leh cilmiga saadaalinta gedgedoonka cimilada iyo guurguurka xidiguhu ugu mooreyn jireen, si aanay ugu beegmin naylaha dhalanayaa xili abaareed, isla-markaana, ay u...
Muuse Ma Boorbaa Mise Waa Dhiin?
- Get link
- X
- Other Apps
SHEEKO GAABAN: Boor iyo Dhiin Waagii hore waxa la odhan jiray Lo’jirku wuu ka xadaarisanaa Geel-jiraha iyo Adhi jirka, wakhtigaas waxa arrintaas loo sababayn jiray dhinaca garnaqsiga, garraha iyo wada-xaajoodka, taasoo ay ku dabaqi jireen marka ay cid wax iska soo galaan, ka hor inta aanay u tegin ayey wax iska weydiin jireen, oo ay odhan jireen, waar horta Ninku ma’Boor baa mise waa Dhiin? Haddaba, labadan calaamadood, waa laba calaamadood oo ay leeyihiin Lo’da “Dab-joogta ah” ee la dhaqdaa, mid waliba waxa ay leedahay dabeecad iyo hab-nololeed u gaar ah, waxaana la odhan jiray, Saca Boorka ah waa neef geesa gaagaaban oo saan quruxsan, dhogor yar, midabkiisuna waa boor, cimri dherer, dherer xoogan, dareen xoogan, taran badan, cag weyn, socod badan, fahmo badan, orod dheer, calool yar, naaso yar, naas jilicsan, caano yar, caano macaan oo nafaqo badan, xigisin dhow, gorof lagad yar, codka “ ololkiisu” waa dhawaaq dhuuban oo aan x...
Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…”
- Get link
- X
- Other Apps
Sheeko Gaaban: - Saddexdii Beerwale. Beeruhu waa jiritaanka aassaasska noloshada aadamaha, xoolaha iyo xayaawanada, wax-beeristuna waa habka abuurida, taranka, korintaanka, xanaaneynta iyo soo saarida dhirta laga helo cuntada, daawada, dharka iyo hoyga ay ku tiirsan tahay nolosha dadku. Wakhti hore waxa jiray nin beeralay ah oo ku noolaa Tuulo yar oo aan aad uga fogayn caasimada dalka Jamhuuriyada Somaliland, inkastoo ninkaasi uu ahaa nin karti iyo dadaal badan dhinaca tacabka beeraha, haddana waxa uu ahaa nin aan daryeeli jirin beertii uu tacabka galiyey, waxaana beertaas cuni jiray shimbiraha, cayayaanadaa, xamaaratada iyo xayawaanada k ale. Xillli ka mida ah xilliyada, waxa dalaga beertii uu ku tabcay ka soo go’day midho aad u tiro yaraa oo aanay ka muuqan dadaalkii badnaa ee ay galiyeen qoyskiisu, ka dibna, waxa uu abaal marin ugaga dhigay inuu ku wareejiyo wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa oo ku dhashay beer-falida. Wiilkaas wa...