Fanka
Fankii ugu horeeyey Somaliland waxa la odhan jiray Walaallo Hargeysa, hilaaddii sannadkii 1940-kii. Cabdi deeqsi warfaa waxa uu ahaa Ninkii ugu horeeyey ee curiyey dhawaaqa laxanka heesaha ee heeseeyey heesaha Balwo'da, heeladda iyo qaraamiga, sannadkii 1930-kii. Inantii ugu horeysay ee ku luuqaysa heesaha balwada waxa ay ahayd Qadiija Cige Dharaar (Qadiija balwo), Inantii ugu horeysay ee idaacad ka qaada heesna waxa ay ahayd Shamis Abokor (Guduudo Carwo) hilaaddii 1954-kii, Inantii ugu horeysay ee goob fagaare ah soo fuushay ee Ruwaayad ka heestana waxa ay ahayd Sahra Iftin hilaaddii1958-kii. Ninkii ugu horeeyey ee ruwaayad ku matala ruux dumar ahna waxa uu ahaa, Cumar Carte Qaalib, waxaanna ku xigay, Cumar Dhuule, waxaanna ku sii xigay, Maxamed Yuusuf, Alle ha u naxariisto dhaamaantood. Afartii Nin ee ugu horeeyey ee tuma qalabka dhawaaqa dananka leh ee qoob ka ciyaarka ee laga baahiyey Radio, waxa ay ahaayeen Laba Yamaniya, mid Hindiya iyo Mid Somaliland u dhashay, waxaannay ka...