Posts

Waa dhacdo la yaab leh

Image
Nooc ka mid ah diyaaraddaha hawada sare haada oo ay saarnaayeen siyaasiyiin tiro badan ayaa ku burburtay beer u dhaweyd tuulada malawle oo 15-km u jirta Caasimadda Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Markii ciidamada amnigu ay gaadheen goobtii shilku ka dhacay, waxay weydiiyeen siday wax u dhaceen mid ka mid ahaa goob joogayaashii arkaayey markay diyaaraddu dhacaysay, waxaannu yidhi, Beer-falihii, Beertayda agteeda ayey shil ku galeen, ka dibna, waxaannu ku wada-aasnay xabaal-wadareed, mid ka mid ahaa ciidamadii amniga ee goobta soo gaadhay oo naxsan ayaa weydiiyey, in uu hubo inay dhamaantood wada-dhinteen"?. Beer-falihii ayaa ugu hal celiyey, mid ka mid ahaa Wasiirkii hawada iibiyey iyo kuwo kaleba, waxay ku qeylinayeen markii aanu aasaynay "Weli waannu nool-nahay",   Laakiinse waannu rumaysan kari weynay, idinkuba waad garanaysaan siyaasiyiintu inay been sheegi karaan. Illayn waa riyo beenoo, markaas uun baan soo baraad-rogay. Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka Q-2aad.

Image
                                        Q/2aad . Warsidaha Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka  Doorashooyinka: Dhinaca Doorashooyinku waxay xal u noqdeen walaacii laga qabay in uu burbur ku yimaado Adduunka, dhalashada cusub ee ku dhisan habka doorashooyinka shakhsiga ah ee Adduunka, waxay abuurtay isbeddel-wadajira ah oo miyir-qabta,  sannadkan waxa la kala dooran doonaa naxariista ama daneysiga, cadaaladda ama xukunka, sinnaanta, fahamka iyo awoodsiinta dadka kale, waxa muhiim ah in wixii tartanka doorashooyinka wax u dhimaya in laga fogaado ee u dhexeeya runta iyo beenta, wixii toggan iyo wixii taban, wanaaga iyo xumaanta, isla markaana loo hoggaansanaado balanka. Dhaqaalaha : Dhinaca dhaqaalaha waxa la filan jiray gaabis ku yimaada kobaca dhaqaalaha iyo suuqyada maaliyadda, sicir bararka iyo shaqo la'aanta, laakiin, waxa deyr inooga noqon doona kheyraadka dahabka, sl...

Nayruuska sannadka cusub 2026

Image
Warsidaha Nayruuska xidigiska ee sannadkan 2026-ka ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradiisii 14-aad. Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe, Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka ku soo foolka leh, waxaannay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga foodda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, umana fiirsadaan dhibta ku jirta ogaanshahaas, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xiddiguhu waa mid ku saleysan qaab-nololleedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaanna arrimaha guur-guurka xidigaha wax laga weydiin jiray dad khibrad gaar-ah u leh oo ku falanqeeya is...

Toban su'aallood oo ceeb ku ah Adduunka, oo wali ay ka jawaabi kari laayihiin!

Image
1- Waa maxay sababta Somaliland u noqon weyday gooni u goosad, ee ay u tahay la soo noqoshaddii qarannimadeedii sharciga ahayd? 2- Sideebay odayaashii dhaqanka ee xeer beegtidu (Guurtidu) u aasaaseen dimuqraadiyaddan casriga ah? 3- Sidee ayey Somaliland ku noqotay Silicon Valley, iyagoo aan hellin kaalmo shisheeye? 4- Xaqiiqada dhabta ah ee ka danbeysay Nabadda Somailand, ee aanay keennin ciidamada Nabad illaalineed ee qaramada midoobay ama ciidamo shisheeye?  5-Waa maxay sababta Dekedda Berbera ee Corridor uu u yahay mid juqraafiya oo wax weyn ka beddela ciyaarta? 6- Bulsho ku dhisan ceymis bulsheed, oo aan lahayn dowladdo samafal? 7- Dimuqraadiyad ay horseed ka yihiin dhalinyaro oo ka jirta gobol ay ka taliyaan kali-talisnimadu? 8- Lacag qaran oo nool oo aanay aqoo saneyn Baanka Adduunka ee deeqaha bixiya? 9- 5,000- oo sannadood taariikhdan la qarinaayey ee ku duuga Laasgeel?  10- Iyo waa maxay sababta guusha Somaliland ku gaadhay ay u ceebaynayso nidaamka aduunka? Qor...

Fanka

Image
Fankii ugu horeeyey Somaliland waxa la odhan jiray Walaallo Hargeysa, hilaaddii sannadkii 1940-kii. Cabdi deeqsi warfaa waxa uu ahaa Ninkii ugu horeeyey ee curiyey dhawaaqa laxanka heesaha ee heeseeyey heesaha Balwo'da, heeladda iyo qaraamiga, sannadkii 1930-kii. Inantii ugu horeysay ee ku luuqaysa heesaha balwada waxa ay ahayd Qadiija Cige Dharaar (Qadiija balwo), Inantii ugu horeysay ee idaacad ka qaada heesna waxa ay ahayd Shamis Abokor (Guduudo Carwo) hilaaddii 1954-kii, Inantii ugu horeysay ee goob fagaare ah soo fuushay ee Ruwaayad ka heestana waxa ay ahayd Sahra Iftin hilaaddii1958-kii. Ninkii ugu horeeyey ee ruwaayad ku matala ruux dumar ahna waxa uu ahaa, Cumar Carte Qaalib, waxaanna ku xigay, Cumar Dhuule, waxaanna ku sii xigay, Maxamed Yuusuf, Alle ha u naxariisto dhaamaantood. Afartii Nin ee ugu horeeyey ee tuma qalabka dhawaaqa dananka leh ee qoob ka ciyaarka ee laga baahiyey Radio, waxa ay ahaayeen Laba Yamaniya, mid Hindiya iyo Mid Somaliland u dhashay, waxaannay ka...

Xoriyaddu waxay ku timaadaa dhiiga geesiga, madax-bannaaniduna....

Image
Dad badan waxay ku oddorosaan oo ay u haystaan inay tahay fikirka madax-madax-bannaanida Afrika, dad aad u faraxsan oo lulaya calamo cusub oo ay ugu dabaaldegayaan dhalashada cusub ee qarannimada dalkooda, calamadii guumeysiga oo hoos loo dhigayo iyo dhalashada calan cusub oo la saarayo,  laakiinse, arrintu sidaas maaha, waxa jira Sagaal Dal oo ka duwan oo ka mid ah Dalalka Afrika. Dhamaantood sagaalkaa Dal, haddana, way ku kala duwan yihiin xuska dabaaldega madax-bannaanida qarannimadooda, taasoo ka turjumaysa waayo-aragnimo dheer iyo sooyaal taariikheed oo mid waliba gaar uu u leeyahay. Dalalka qaarkood sooyaalkoodii taariikheed waa xaalad aad u adag oo aad u xannuun badan, qaarna waxay madax-bannaanidu u timaaddaa bulsho uu ku dhacay dhaawac qaran, iyadoo waliba ay u sii dheer tahay in qaar ka mid ah dalalkaasi ay la kulmaan in madax-bannaanidoodu ay tahay mid aan dhameys tirneyn ama laga dhigo mid lagu muransan yahay, taasoo ka dhigaysa maalinka madax-bannaanidoodu in ay ka si...

Aasaaskii Golaha Guurtida

Image
Golaha Guurtida waa golaha ugu sareeya labada aqal ee xeer-dejinta qaranka, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakilada oo la isku yidhaaahdo baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Macnaha eray bixinta magaca Guurti ayaa ah mid lagu saleeyey afar eray oo dhigan sidan, (Guddi-Gar-Xeer-Beegti,) waana Gole xeer-beegti oo ka kooban 82-xil-dhibaan oo laga soo xulay dhamaan beelaha Somaliland, kuwaas oo u xil-saaran hawlaha ugu muhiimsan ee xalinta khilaafaadka, diinta, dhaqanka iyo xasiloonida nabada dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Golahan waxa lagu aasaasay oo dhidibada loogu taagay tuulada Cadaroosh oo dhanka Konfureed kaga beegan masaafad dhan 35-km caasimadda Hargeysa, xiligii lagu jiray halgankii dibu-xoraynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu horseedka u ahaa Ururkii SNM badhtamihii sannadkii 1988-kii. Golaha guurtida oo bilawgii Lagu magacabi jirey Golaha Abaabulka iyo Taakuleynta, waxaannna qaban- qaabadii shirkii ugu horeeyey aasaasay, iyagoo iskood isku xilsaarey Todobada xubnoo...

Awr-fuulkii noqday Xil-dhibaanka

Image
  Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, maanta waxa aynu ku soo qaadaan doonaa riyadii aan xalay ku riyooday, xalay waxaan ku riyooday anigoo qolkayga ku jira oo Mas weyni uu isku kala bixiyey tuumbada qasaaladda dharka lagu maydho oo dul saarneyd miis kadinka qolkayga yaalay, Masku wuxuu madaxa ku sitaa walacadda dabka laga shito, indhihiisu waxay ahaayeen laba indhood oo waaweyn, kuwaasoo aad iigu soo dhaygagsanaa, hurdadii baan ka soo booday, illeyn waxa ahayd riyo been ah oo markaas ayuun baan soo baraad-rogay, isla markiiba waxaan qaatay qalin iyo warqad, waxaan ku qoray sheekadan haalaasiga ah oo maskaxdayda ka soo burqanaysa, riyada'se waxaan u dhaafayaa dadka riyooyinka fasila. Waagii hore dadkeenu waxa ay odhan jireen hebel waa Awr-fuul iyagoo u xil qarinaaya Tuuggii xoolaha xaday, tuuggu euxuu ahaan jiray laba nooc, mid xoolaha nool xadi jiray oo marka uu Awr xado, ayuu inta uu tu'iyo uu gurada ka fuuli jiray, si uu u sameeyo raad-gad, waa...

Boqorkii Lixaad

Image
"Boqor, Shaaha diyaaradduhu ma'dhanaanbaa" sidaas waxa weydiiyey xubin ka mid ahaa golihii wasiiradda ee boqortooyadii uu xukumayey Boqorkii Lixaad. Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa, Jilaagii caanka ahaa ee ka midka noqday Boqoraddii ka soo taliyey aduunka qarnigii 21-aad, boqorkaas wuxuu aaminsanaa in boqortooyadii uu xukumi jiray ay noqoto mid ku dhisan maamul wanaag iyo xukun cadaalad ah, oo xeer ay u tahay wadajir, wax-qabad, isjeclaysi, isku tudhid iyo sinnaan, lagu gaadhi karro guusha himiladda xukuumaddiisu ay hiigsanaysay, si markaa loo hello bulsho ka fayow qabyaaladda iyo eexda. Boqorku wuxuu lahaa murti aad u badan, waxaannu ahaa boqor la dareen ahaa dadkiisa, ma'naanu jeclayn amaanta, qabyaaladda, dusduska iyo khiyaamada, waxaannu ku riyoon jiray dalkiisa oo nabad ah iyo dadkiisa oo qaniya oo uu juhdi badan galiyey, sidii ay u heli lahaayeen dhamaan baahiyaha aasaaska u ah nolasha, sida, h...

Anigaa dilay ee ha la ii duceeyo

Image
Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa, Laba Nin oo makaahiil ah ayaa dagaalamay oo gacanta iskula tagay, mid ka mid ah ayaa la dilay oo dhintay, cid ogeydna may jirin, meydkiina waa la iska aastay, dhibgeystihiina wuu abraaray. Dhibanaha, Qofka aan caqligiisu dhamayn, maganta iyo maatidaba marka aad masuulka ka tahay inaad xaqooda baadi doontaana waa jid, haddii xaq aanay lahayn ay sitaana waa inaad garowshiiyo ka bixisaa oo aad maareysaa sidii xal loogu heli lahaa. Nin xidaariya ayaa ka fikirayey arrintan xal-uheliddeeda, illayn waa tii hore loo yidhi, (Raq-ba waa ku rageed), kaasoo ka mid ahaa raggii arrintan wax ka qabashadeeda lahaa, manaanay jirin cid kale oo uu iskaga riixaa, isaga oo ay weheliyaan laba Oday oo dhaweeye ah, ayaa u yimid, Nin Cabdi-dheere la odhan jiray, waxaannu Ninkii xidaariga ahaa ku yidhi, Cabdow maxaad golaha u iman weyday ?  Cabdi-dheere wuxuu uga hal celiyey weydiin kale oo ahayd, Goluhu muxu...

Wasiirkii xil-dhibaanka noqday

Image
Wali waxaynu ku jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa mulkiilihii makhaayaddii hilibka bisadaha ee Juba jawaan, mulkiilahan oo ahaan jiray wasiir hore oo noqday xubin ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladda ee dalka Siira laanka. Wasiirkan oo yara saranseeray ayaa la kulmay goob kayuu loogu jiro oo lagu iibiyo shawaarmada iyo cuntooyinka fudud, waxaannu tamaniyay oo uu furtay meherad lagu iibiyo cuntooyinka fudud oo uu ku sameyn jiray hilibka bisaddaha muddo 6-sannadood ahayd. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Oday waayeel ahi ku soo maray makhaayadda, waxaannu ku yidhi, sacaada wasiir Allaa xaal og, taasoo ahayd weedh uu hal-hays u lahaan jiray odaygaas, balse, wasiirku wuxuu u qaatay in uu xogogaal u yahay hawlaha shaqo ee uu ku foogan yahay. Isla markiiba inta uu gaar ula faqay ayuu waxoogaa lacag ah u dhiibay oo uu ku yidhi, Allaa xaal og yaan mar danbe afkaaga laga maqlin, waayahay buu yidhi Odaygii, laakiinse, arrinkii halkii kamuu soo qaadi...

Dharab waxa beddelay Maxamed

Image
 Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa  Sheekadii ugu cajiibka badneyd, taasoo illaa iyo hadda aan la fahmin ciriqa ka dhexeeya magacyada dadkan hoos ku xusan iyo Madaxweynayaasha had iyo goor hoggaanka u qabta talloda dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Markii loo doortay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa ku xidhnaa silsilad geed ku horyaalay madaxtooyada horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayàan ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? waxaannu iigu hal celiyey, Maya, Nin Maxamed la yidhaado oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doonna ee iska tag. Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan...

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta

Image
Ma'ihi qof dhaleecaynaya xirfadda duuliyayaasha wada gaadiidka hawada sare aada, laakiinse, haddana waxa jira ujeeddooyin kuu sameynaya ujeeddooyin kale oo macno badan leh, waxaan ka hadlayaa xilliyo aan nafteyda u baqay oo aan moodayey in aan cirka ka soo dhacayo, laakiinse, kama hadlayo xilliga uu fulaygu ka shakiyo diyaaradda uu saaran yahay, tiiyoo aanay jirin cilad farsamo oo ku timid diyaaradda. Waxa xusuus gaar ah igu beertay xilligii iigu horeysay ee aan ku socdaalo mid ka mid ah gaadiidka rakaabka ee hawada sare haada oo ku socotay caasimadda London, markii aan imid gegada diyaaraduhu ka haadaan ee Red sea inteanational airport, waxa nalagu war-geliyey in dib u dhac ku yimid diyaaraddii aanu raaci lahayn, sababo jiray awgeed oo ahayd cilad farsamo oo ku timid taangiga diyaaradda shiidaalka oo liigayey. Saacaddo kooban ka dib, duuliyaha oo aan ogeyn xadiga shiidaalka ku jira diyaaradda ayuu go'aansaday in uu duuliyo diyaaraddii aan ku qornaa, aniguna waxaan u qaatay in ...

Sheekh Cusmaan Nuur

Image
Umaan holannin in aan qalinka u qaato ka qorista mid ka mid ah culimaddii ugu waaweyneyd dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Balse, waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago qiso kooban oo aan idiinka soo garoocay mid ka mid ah ehelkiisii Sheek Cusmaan Nuur oo ahaa sheekhal beledkii magaalada burco ee Gobolka Togdheer. Sheekh Cusmaan Nuur wuxuu tamaniyey dhisitaanka Masjid Jaamaca weyn ee Burco, isagoo u diray farsamayaqaan ku xeel-dhismayaasha in uu soo qiimeeyo lacagta ku baxaysa dhismaha Masaajidka oo waagaas cariish ahaa hilaaddii 1919-kii. Farsamayaqaankaasi wuxuu ku soo qiimeeyey lacag gaadhaysay 4000- rubadood, waxaannu Sheekhu arrintaas ka jeediyey baaq uu kaga hadlayo qiimaha uu ku kacay dhismaha masaajidka iyo in qof waliba uu ka qeyb qaato tabaruca masaajidkan, baaqaas waxa uu gaadhay meel fog, waxaanna markiiba ka soo jawaabay DC-gii xukumayey magaalada Burco. Waxaannu u soo dhiibay 4000-rubaddood Nin reer Burco ah si loogu  dhiso masaajid Jaamacaas, markii Ninkii uu soo g...