Wali waxaynu
ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa, Laba Nin oo makaahiil ah ayaa dagaalamay oo gacanta iskula tagay, mid ka mid ah ayaa la dilay oo dhintay, cid ogeydna may jirin, meydkiina waa la iska aastay, dhibgeystihiina wuu abraaray.
Dhibanaha, Qofka aan caqligiisu dhamayn, maganta iyo maatidaba marka aad masuulka ka tahay inaad xaqooda baadi doontaana waa jid, haddii xaq aanay lahayn ay sitaana waa inaad garowshiiyo ka bixisaa oo aad maareysaa sidii xal loogu heli lahaa.
Nin xidaariya ayaa ka fikirayey arrintan xal-uheliddeeda, illayn waa tii hore loo yidhi, (Raq-ba waa ku rageed), kaasoo ka mid ahaa raggii arrintan wax ka qabashadeeda lahaa, manaanay jirin cid kale oo uu iskaga riixaa, isaga oo ay weheliyaan laba Oday oo dhaweeye ah, ayaa u yimid, Nin Cabdi-dheere la odhan jiray, waxaannu Ninkii xidaariga ahaa ku yidhi, Cabdow maxaad golaha u iman weyday ?
Cabdi-dheere wuxuu uga hal celiyey weydiin kale oo ahayd, Goluhu muxuu ahaa?
Ninkii xidaariga ahaa ayaa hadalkii qaatay oo yidhi, Goluhu waa gole todobaadkiiba maalinka khamiista la isku yimaado geedka, halkaas oo nin waliba hibadiisa, aftahannimadiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa uu ku soo bandhigo, waa goob lagu barto garaha dhaqanka, garaha xeer-beegtida, xeerarka iyo qaabka garaha loo qaado, waana gole marka laba nin ay ka wada khudbadeeyaan midna loo sacabiyo isla markaana si fiican loo dhegaysto hadalkiisa, Ninna aan la dhegaysan hadalkiisa oo hadal kale la dhexgeliyo, oo yidhaahda, illeyn qosolna hiil leh, taasoo ula jeedo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin golahan, waa gole lagu soo caan baxo, waa gole lagu kala ogaado ninka geesiga ah iyo ninka fuleyga ah.
Waxaannu u balan qaaday in uu ugu deeqi doono, go'a shaal ah, kabo sandal ah iyo macows uu ku yimaado golaha Cabdi dheere, labadii oday ee kalena waxay balan qaadeen inay siinayaan koofiyad, bakoorad iyo shaadhka ah ee ka dhiman.
Cabdi dheere waxa uu yimid golihii maalinkii balanku ahaa, wuu soo dhageystay oo wax badan ayaa uga soo kordhay, intii ayna gaadhin khamiistii labaad ayaa Ninkii xidaariga ahaa uu u yimid Cabdi dheere, waxaannu ku yidhi, Cabdow khamiista aniga ayaa hadal golaha ka jeedin doona, waxaan ka sheekayn doonaa Ninkii ina hebel ee geesiga ahaa ee la dilay, ee aan loo hayn gacantii xaq darada ku dishay, dhagarta iyo dhiigaba lama qarsado ee waa la sheegaa, haddii kale, xoolaha iyo ubadkuba way ka dhamaadaan reeraha qarsada dhiiga, haddii qofku si kama ah uu qofka kale u dillo, diyaa lagu waajib yeelay, waxa kaa soo gaadhaana waa neef xoolaha, qofkii qof si kas ah u dillana waxa waajib ah in loo dillo, markaa hebel hebel yaa dilay oo aan u duceeyaa?
Marka aan hadalkayga intaas ku soo afmeero, Cabdow waxaad tidhaahdaa, Anigaa dilay ee ha la ii duceeyo, si aad caan u noqoto.
Dadku waa carab-eegato marka ay garamayaan ama ay dacwiyayaan ama ay hadlayaan, wixii uu ninku af-kiisa ka yidhaahdo ayaa wax loogu qabtaa,
Ninkii xidaariga ahaa ayaa golihii hadalkiisii ka jeediyey maalinkii khamiiseed, isla golaha waxa fadhiya madax dhaqameed ka soo jeeda jufadii Ninka laga dilay, waxaannu yidhi, Ninkii ina hebel hebel ee geesiga ahaa ee la dilay, ee aan loo hayn gacantii xaq-darada ku dishay, dhagarta iyo dhiigaba lama qarsado ee waa la sheegaa, haddii kale, xoolaha iyo ubadkuba way ka dhamaadaan reeraha qarsada dhiiga, haddii qofku si kama ah uu qofka kale u dillo, diyaa lagu waajib yeelay, waxa kaa soo gaadhaana waa neef xoolaha oo aad bixiso, qofkii qof si kas ah u dillana waxa waajib ah in loo dillo, markaa hebel hebel yaa dilay oo aan u duceeyaa?
Waa arrin dowgii ay lahayd aan la marin oo la marin habaabiyey, waayo, garleydii ayuu ka horgeynayaa wax u eeg wixii ay u sheegan lahaayeen, si markaas dadka golaha joogaa ay ugaga garnaqaan.
Ka dib, Cabdi-dheere ayaa gacanta taagay oo yidhi, Anigaa dilay ee ha la ii duceeyo?
Arrinkii ayaa raggii golaha fadhiyey ku noqday arrin ugub ku ah golaha, guux baa bilaabmay, Ninkii xidaariga ahaa, ayaa hadalkiisii dhaabadeeyey, isagoo cuskanaya, haddiiba dilkii uu nagu caddaaday in aanu anagu geysanay, oo aad markhaati ka tihiin in uu Cabdi-dheere qirtay fal danbiyeedkaa, in ay uga fadhiyaan arrinkaasi waxa uu leeyahay, haddii aad dishoonaysaan iyo haddii aydun diyo qaadanaysaan.
Marka lagaa gar helayo waa inaad garowsato oo aad tallo ku dartaa si aanad ugu ceeboobin, Odayaashii Ninka laga dilay markay eegeen in aanu u qalmin Cabdi-dheere in loo dilo Ninkoodii geesiga ahaa, ayey garwaaqsadeen in ay diyada qaataan, waxaannay yidhaahdeen, Diyadaanu qaadanaynaa.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid