Boqorkii Lixaad


"Boqor, Shaaha diyaaradduhu ma'dhanaanbaa" sidaas waxa weydiiyey xubin ka mid ahaa golihii wasiiradda ee boqortooyadii uu xukumayey Boqorkii Lixaad.

Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa, Jilaagii caanka ahaa ee ka midka noqday Boqoraddii ka soo taliyey aduunka qarnigii 21-aad, boqorkaas wuxuu aaminsanaa in boqortooyadii uu xukumi jiray ay noqoto mid ku dhisan maamul wanaag iyo xukun cadaalad ah, oo xeer ay u tahay wadajir, wax-qabad, isjeclaysi, isku tudhid iyo sinnaan, lagu gaadhi karro guusha himiladda xukuumaddiisu ay hiigsanaysay, si markaa loo hello bulsho ka fayow qabyaaladda iyo eexda.

Boqorku wuxuu lahaa murti aad u badan, waxaannu ahaa boqor la dareen ahaa dadkiisa, ma'naanu jeclayn amaanta, qabyaaladda, dusduska iyo khiyaamada, waxaannu ku riyoon jiray dalkiisa oo nabad ah iyo dadkiisa oo qaniya oo uu juhdi badan galiyey, sidii ay u heli lahaayeen dhamaan baahiyaha aasaaska u ah nolasha, sida, hoy, raashin, laydh, adeeg caafimaad iyo biyo nadiifa oo ay cabaan oo intooduba qiimahoodu uu jaban yahay, riyooyinkaas oo markii danbe noqday riyooyinkii boqorku uu ku riyoon jiray ee u rumoobay.

Boqorku mar uu safar shaqo ugu kicitimay wadamadii uu jaarka la'ahaa, socdaalkaas oo ay ku wehelinayeen xubno ka mid ahaa golihiisa wasiirada, markii ay raaceen diyaaraddii ayaa loo keenay macmacaan, ka dib, xubin ka mid ahaa golihiisa wasiiradda ayaa weydiiyey boqorka, weydiin ahayd, Boqor shaaha diyaaradduhu ma'dhanaanbaa? Boqorka oo aad u ilka cadeynaya ayaa ugu hal-celiyey, Maya, ma'laha milixdii baad sonkor mooday,"

Weftigaas markii uu ka soo laabtay socdaalkaas, ayuu shir la'galay golihiisa wasiirada oo qaar ka mid ahi ay lahaayeen hab-dhaqanada kambal-jiifka ee ku dhegan aragtiyahooda xaddidan, waxaannu boqorku hadalkiisii ku furay oo uu yidhi, Ragga waxa ugu mudan uguna sharaf badan, Ninka Dirica ah, waa Ninka ay maskaxdiisu furan tahay ee leh karti awooddeed oo uu ku kala sooci karo arrinkasta oo la soo gudboonaata, waa Ninka dhinac walba wax ka eega ee wax iska weydiiya, isagoo ka fiirsanaya dhamaan arragtiyaha kala gedisan, iyadoo meeshaba aanay ku jirin wax eex ahi, laakiinse, Ninka maangaabka ee garashada iyo garaadkiisu uu hooseeyaa, waa Ninka wax ka eega hal-dhinac oo kaliya, iskuna kooba arragtidiisa oo kaliya, iyadoo ay ku jirto eexi, waxaannu hadalkiisii uu raaciyey, ma'jecli in dareenada noocaas oo kale ahi uu saameyn ku yeesho xukuumaddayda.

Sidoo kale, waxay taariikhdu xustaa in boqorkaasu aan jeclaysan jirin in uu arko dad badan oo la soo tubay wadooyinka oo ku soo dhaweynaya ubaxyo iyo caleemo qoyan xilliyada uu u kuur galayo hawlaha wax-qabad ee laga fulinayaayey gobollada boqortooyadaasi ay xukumi jirtay, nasiib-darro'se, xilliyada uu socdaalka uu ku jiro, waxa la arki jiray xubno ka mid ahaa golihiisa wasiiradda oo inta ay uga sii horeeyaan goobaha uu booqashada ku tegayo boqorka ku soo dhaweyn jiray ubaxyo ay lulayeen iyo caleemo qoyan oo ay wadhfin jireen, taasoo dadka wax hilaadiyaana ay ka biyo-diidi jireen hab-dhaqanka noocaas ah ee golaha wasiirada ee boqorkaasi uu hormoodka u ahaa ay ku dhaqmi jireen iyo xubno kale oo caadeysan jiray inay baraha bulshada ku baahiyaan muuqaalo socod ah iyo sawiro aan macno badan sameynayn, kuwaasoo ku qarin jiray god-daloolooyinkooda.

Inkastoo Boqoradii ka horeeyey marka ay doonayaan in ay wax ka ogaadaan qaabka ay ugu taliyaan bulshadooda iyo fikraddaha dadkoodu ay ka aaminsanayeen xukunkooda, waxay soo hilaaban jireen go'weyn, iyagoo dhego-dhegeynaaya goobaha shaqada dowladdu ay ka socoto iyo wararka ka jira goobaha ay bulshada caasimaddu ku kulmi jireen, taasoo ahayd dariiqa kaliyaata ee ka caawin jiray dib u sixidda khaladdaadka xukumaddu ay sameyso, laakiinse, boqorka caado umuu lahaan jirin arrintaas oo kale.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Nayruuska saadaasha sannadka cusub 2023

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta