Dharab waxa beddelay Sheekh Maxamed


 Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa 

Sheekadii ugu cajiibka badneyd, taasoo illaa iyo hadda aan la fahmin ciriqa ka dhexeeya magacyada dadkan hoos ku xusan iyo Madaxweynayaasha had iyo goor hoggaanka u qabta talloda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii loo doortay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa ku xidhnaa silsilad geed ku horyaalay madaxtooyada horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayĆ an ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? waxaannu iigu hal celiyey, Maya, Nin Maxamed la yidhaado oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doonna ee iska tag.

Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan jiray Faadumo oo joogi jirtay wadada madaxtooyada illaa cusbitaalka weyn ee caasimadda Hargeysa, Faadumo inta ay mashxarad dhawaaq dheer leh "Illilig,Illilig,,Illilig, kaga siiso, ayey ku soo afmeeri jirtay “ Laydh Qabow, Laydh Qabow, Laydh Qabow, markii uu geeriyooday Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, iyana way geeriyootay ka dib markii uu dul maray gaadhi Bas ahi.

Markii uu ku guulaysatay jagada Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland muddane, Daahir Rayaale Kaahin, Laydh-qabow waxa beddelay Nin weyn oo la odhan jiro Dhido, kaasoo ahaa Nin lagu lamaanaa oo had iyo goor feedha qaawanaan jiray oo sidan jiray murjin dheer, waxaannu ku luuqeyn jiray, “ halheystan, Dhido, Dhido, Dhido, ka dul muuqoo ha daalin" isagoo ula jeeday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, balse aanay dadku fahamsaneyn, Dhido waa eray ka mid ah halheystii uu lahaan jiray, taasoo dadku ay ugu magac dareen oo loogu yeedhi jiray magaca Dhido.

Inkastoo uu jiray xilli aanu halgan aanu wada-galnay Dhido, balse, aanan jeclayn in aan halkan ka tiraabo, haddana markii uu ku guuleystay jagada madaxweynihii Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Dhido waxa beddeshay gabadh hooballad ahayd oo la odhan jiray Caasho KANEECO, gabadhaas waxa ay ku luuqeyn jiray hees jaceyl ah oo ay u tirisay Madaxweynaha, waxaannay odhan jirtay “ Allahayow calaf,calaf,calaf iigu dhig jaceylkayga”.

Markii uu ku guuleystay Jagada Madaxweyne mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa Caasha Kaneeco beddalay Dharab, inkastoo uu aad u jeclaa Madaxweynaha, haddana waxa uu ahaa Nin hadalkiisa aan la fahmin oo aan hawl-yaren oo jiidh-jiidh badan.

Markii madaxweynihii lixaad uu ku guuleystay jagada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudanne, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, Dharab waxa beddelay Sheekh Maxamed (Laba Labo) oo ah Nin dhalin yar ah oo haddan weyn, Sheekh Maxamed wuxuu qaaday qasiidooyin uu sameystay oo ku salaysan dhinaca siyaasadda.

Anniguna waxaan leeyahay Dadkeygow, Dhulba waxa leh kii hee dhimashada ku aaminna.

Author Mohamed Farah Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Dadku noocyo badanaa

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta

Fanka