Fanka


Fankii ugu horeeyey Somaliland waxa la odhan jiray Walaallo Hargeysa, hilaaddii sannadkii 1940-kii.

Cabdi deeqsi warfaa waxa uu ahaa Ninkii ugu horeeyey ee curiyey dhawaaqa laxanka heesaha ee heeseeyey heesaha Balwo'da, heeladda iyo qaraamiga, sannadkii 1930-kii.

Inantii ugu horeysay ee ku luuqaysa heesaha balwada waxa ay ahayd Qadiija Cige Dharaar (Qadiija balwo), Inantii ugu horeysay ee idaacad ka qaada heesna waxa ay ahayd Shamis Abokor (Guduudo Carwo) hilaaddii 1954-kii, Inantii ugu horeysay ee goob fagaare ah soo fuushay ee Ruwaayad ka heestana waxa ay ahayd Sahra Iftin hilaaddii1958-kii.

Ninkii ugu horeeyey ee ruwaayad ku matala ruux dumar ahna waxa uu ahaa, Cumar Carte Qaalib, waxaanna ku xigay, Cumar Dhuule, waxaanna ku sii xigay, Maxamed Yuusuf, Alle ha u naxariisto dhaamaantood.

Afartii Nin ee ugu horeeyey ee tuma qalabka dhawaaqa dananka leh ee qoob ka ciyaarka ee laga baahiyey Radio, waxa ay ahaayeen Laba Yamaniya, mid Hindiya iyo Mid Somaliland u dhashay, waxaannay kala ahaayeen, Maxamed saciid gu'roon-jire, Cabdow suufi, Cusmaan Beenaale Honda, Maxamed Raage Hargeysa Jamhuuriyadda Somaliland, hilaaddii 1942-kii.

Abwaankii ugu horeeyey ee alufa ruwaayad waxa uu ahaa Husein Faarax D, kaasoo sameeyey ruwaayaddii ugu horeysay ee la magac baxday 

Isa-seeg sannadkii 1953-kii, Ruwaayaddii labaadna waxa uu sameeyey sannadkii 1954-kii, Ruwaayaddaas oo hal ku dheggeedu uu ahaa Cantar iyo ceebla.

Ruwaayaddii saddexaad waxa alufay Abwaan Ismaaciil Cabdi Ibraahim basbaas, taasoo la magac baxday

Isu-tuur anna haatan la ii tali, kaasoo ahaa hal-abuurkii sameeyey ururkii labaad ee Fanka ee la odhan jiray Ifilo.


Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Xigasho: Nagiib Axmed Xaashi

Comments

Popular posts from this blog

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Nayruuska saadaasha sannadka cusub 2023

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta