Awr-fuulkii noqday Xil-dhibaanka
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, maanta waxa aynu ku soo qaadaan doonaa riyadii aan xalay ku riyooday, xalay waxaan ku riyooday anigoo qolkayga ku jira oo Mas weyni uu isku kala bixiyey tuumbada qasaaladda dharka lagu maydho oo dul saarneyd miis kadinka qolkayga yaalay, Masku wuxuu madaxa ku sitaa walacadda dabka laga shito, indhihiisu waxay ahaayeen laba indhood oo waaweyn, kuwaasoo aad iigu soo dhaygagsanaa, hurdadii baan ka soo booday, illeyn waxa ahayd riyo been ah oo markaas ayuun baan soo baraad-rogay, isla markiiba waxaan qaatay qalin iyo warqad, waxaan ku qoray sheekadan haalaasiga ah oo maskaxdayda ka soo burqanaysa, riyada'se waxaan u dhaafayaa dadka riyooyinka fasila.
Waagii hore dadkeenu waxa ay odhan jireen hebel waa Awr-fuul iyagoo u xil qarinaaya Tuuggii xoolaha xaday, tuuggu euxuu ahaan jiray laba nooc, mid xoolaha nool xadi jiray oo marka uu Awr xado, ayuu inta uu tu'iyo uu gurada ka fuuli jiray, si uu u sameeyo raad-gad, waana sababihii magacaasi ugu baxay hebel waa Awr-fuul, iyo mid maalinkaas oo dhan keynta ku jiri jiray oo dadka iska qarin jiray, habeenkii ayuu soo bixi jiray, markaas buu reeraha u dhaci jiray, waxaannu qaadan jiray ubo subag ah ama joog muqumad ah oo reerka taalay, haddii uu ka waayana wuu iskaga taggi jiray, waxaannay dadkii hore odhan jireen marka ay iswareysanayaan, waar hebel bal waran, haddii aanu war hayn waxa uu ugu hal celin jiray, Tuugna ka war gaabni.
Waagii danbe, magacii Awr-fuul wuxuu isku beddelay waa awr-kiraale, markii danbena wuxuu isku sii beddelay Awr, Nagiibow Maanta'se Tuuggii waxa loogu yeedhaa waa Xildhibaan, sababo jira awgood, inkastoo ay jiraan dad qiimo iyo sharafba leh, balse, waxa qiimihii iyo milgihii magacaasi uu lahaan jiray ceebeeyey midhaa Awr-fuulka ah ee ku dhex dhuumanaya, markaa waa in aynu dhib-gaystayaasha qaawinaa, oo dhibanahana caleemo saarnaa, si aanay dhib danbe u dhicin, waa in aynu warka beenta ah been ka dhignaa, runtana caleemo saarnaa, si aan been danbe loo kala iibsan.
Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments
Post a Comment
Mahadsanid