Aasaaskii Golaha Guurtida


Golaha Guurtida waa golaha ugu sareeya labada aqal ee xeer-dejinta qaranka, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakilada oo la isku yidhaaahdo baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Macnaha eray bixinta magaca Guurti ayaa ah mid lagu saleeyey afar eray oo dhigan sidan, (Guddi-Gar-Xeer-Beegti,) waana Gole xeer-beegti oo ka kooban 82-xil-dhibaan oo laga soo xulay dhamaan beelaha Somaliland, kuwaas oo u xil-saaran hawlaha ugu muhiimsan ee xalinta khilaafaadka, diinta, dhaqanka iyo xasiloonida nabada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Golahan waxa lagu aasaasay oo dhidibada loogu taagay tuulada Cadaroosh oo dhanka Konfureed kaga beegan masaafad dhan 35-km caasimadda Hargeysa, xiligii lagu jiray halgankii dibu-xoraynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu horseedka u ahaa Ururkii SNM badhtamihii sannadkii 1988-kii.

Golaha guurtida oo bilawgii Lagu magacabi jirey Golaha Abaabulka iyo Taakuleynta, waxaannna qaban- qaabadii shirkii ugu horeeyey aasaasay, iyagoo iskood isku xilsaarey Todobada xubnood oo kala ahaa, Xil-dhibaan Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Xil-dhibaan Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure, Xil-dhibaan Muxumed Aw-Axmed Xaaji Aadan, Xil-dhibaan Sheekh C/raxman Cusmaan Jaamac, Xil-dhibaan Cali Aadan Qalinle, Xildhibaan Cumar boobe iyo Caaqil Yare.

Golahan waxa shirkii labaad ka qabsoomay magaalada Caydaroosh 20-kii bishii Augost sannadkii 1988kii, halkaas oo lagu soo doortay Gudoomiyaha Golaha iyo Ku xigeenkiisa, kuwaasoo shaqadoodii ugu horaysay ka bilaabay Xeryihii Qaxootiga ee dalka Itoobiya, socdaalkaas oo ahaa mid ay ku qiimaynayeen xaaladda nololleed ee ay ku sugnaayeen goobihii ay u qaxeen dadkii ka soo barakacay dagaaladdii dhex-maray Jabhaddii SNM iyo taliskii Siyaad Bare 1988-kii iyo sidii taakulo raashin ah loogu soo ururin lahaa, iyagoo ku dhiiri-galiyey deeganadii ay deggenaayeen xoolo-dhaqatadu in ay halganka dib u xoreynta dalka ka qeyb-qaataan, hadday noqon lahayd xoog iyo Xoolaba.      

Dib u xoreyntii dalka Jamhuuriyadda Somaliland hilaaddii 1991-kii waxay qaba-qaabiyeen shir-weynihii Nabadeynta beelaha Somaliland ay Ku heshiiyeen,iskuna Cafiyeen ee ay kaga tashadeen aayahooda mustaqbal ee madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xilligaas oo talada dalka uu ka ahaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo Sharcigii Ururkii SNM siinayey inuu laba sanno uu qabto gudomiyihii xoreeyey dalka.

Golahan Guurtida ayaa ah gole xeer-dejineed, kuwaasoo ansixiya ama wax ka beddel Ku sameeya xeerarka uga soo gudba Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland, muddo xileedka golaha guurtidu waa Lix-sannadood, marka ay dhamaato muddo-xilleedkaas waxay ahayd in dib looga soo dhex-xusho saamiga beelaha ay ka soo jeedaan xil-dhibaanada golaha guurtida, balse, sababo jira awgeed ayaan wali doorashada golaha guurtidu aanay uga qabsoomin dalka Jamhuuriyadda Somaliland, 

Waxa gudoomiye loogu doortay Sheekh Ibrahim Sheekh Yousuf Sheekh Madar sannadkii 1993-kii, taasoo ku eekayd bishii May sannadkii 1997-dii, waxaanna loo kordhiyey muddo Lix-sannadood ah taasoo ku beegnayd bisha May sannadkii 2003-dii, ka dib, markii uu geeriyooday gudoomiyihii golaha guurtida Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Sheekh madar 23-kii bishii July sannadkii 2004-tii, waxa gudoomiyihii labaad golaha guurtida loo doortay mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.

Iyadoo ay lagama maarnan tahay xiligan in golahan oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland nabadeynteeda iyo horumarinteedaba laf-dhabar u ah, laguna faano oo ay kaga duwan yihiin Soomaalida kale.

Sida Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan uu ku bixiyey wareysi lala yeeshay maalmo fhaweyd, waxa uu ka dhawaajiyey in golaha lagu sameyn doono wax ka beddel, marka uu dhamaado mudda xilleedkiisa, beelihii ay ka soo jeedeen xildhibanada in dib loogu celin doono, isla markaana shurudaha lagu soo xulanayo la sugayo, si xubno tayo leh oo aan dhaxal ahayn ay ugu soo baxaan, kuwaasoo ah Diin-yaqaan ama dhaqan-yaqan ah, oo da'doodu ay ka weyn tahay 45 Sanno.

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Comments

Popular posts from this blog

Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.

Nayruuska saadaasha sannadka cusub 2023

Duuliyayaashii hore iyo Duuliyaha Maanta