Posts

Mid Waan Fahmay, Walise Mid-baanan Fahmin

Image
Mid waan fahmay, waa su’aal aan isweydiin jiray oo ku saabsanayd, ma dadka qaba xannuunka dhimirka ayaa ku badnaa? Waa maxayse xikmadda ku jirtay in Boqortooyada Ingriisku ay   magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ka dhisto cusbitaal qudha oo lagu daryeelo caafimaadka dadka qaba xannuunka dhimirka 70 sannadood ka hor? Sida ay xaqiiqdu tahay magaalada Berbera may ahayn goob ay ku badnaayeen dadka qaba xannuunka dhimirka, laakiinse iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo loo adeegayaasha iyo la daryeelayaasha, ayaa markii la diyaarinayey hindisaha qorshaha loogu tallogalay cusbitaalkaas, lagu ogaaday xoggo tibaaxaya in dadka dhimirka qabaa ay intooda badan iska saaraan maryaha ay gashan yihiin, isla markaana ay ku keeni karto xannuun labaad oo uu weheliya bukaankii laga daaweynayey xannuunka dhimirka xilliyada qaboobaha, iyadoo la eegayey dhinaca cimilada saameynta toggan ku yeelanayso dadka qaba xannuunka dhimirka, ayaa sabab u ahayd in laga binneeyo cusbitaalka waalida mag...

Ma’lihii BOQOR SUUL Iyo Beertii Ba’day

Image
Boqor Suul wuxuu ka mid ahaa boqorradii ugu samirka iyo dulqaadka badnaa ee ka soo taliyey dunidan aynu ku noolnahay qarnigii 9-aad ee la soo dhaafnay, kaasoo ahaa Boqor daacad ah, aragti fog, fahmo badan, wax akhriya, waxna dersi jiray, isla markaana raadin jiray waxa khaldan, si uu u saxo, waxna ka beddeli jiray malihiisa, qorshihiisa iyo fikradihiisii uu ku xalin jiray dhibaatooyinka soo waajaha maamulkiisa.   Ninkan Boqorka ah, waxa uu aaminsanaa in boqortooyadiisu ay ahaato mid ku dhisan xukun aammin ah oo ay xeer u yihiin sinnaan iyo caddaalad, taasna lagu gaadhi karo guusha lagaga midho-dhalinayo himilooyinka waxqabadka ah ee ay xukumadiisu hiigsanayso iyo   in uu si siman dadkiisa uga wada daaweeyo dhammaan waxyaabihii ay dareensannaayeen ee ka soconayey hareeraha xayn-daabka ay ku xeernaayeen cabsidii khatarta badnaa ee kicinayey dareenka bulshadiisu, isla markaana ay ka bogsan doonto werwerkii, walaacii, walbahaarkii diifta iyo daalka badnaa ee ay soo mareen....

Waa Fikrad Madhan, Kumana Dhisna Cilmi iyo Caqliyad

Image
Waligeed dunnida kamay dhicin hawlaha wax-qabad iyo dadaalada ay muujiyaan Gollaha wasiiraddu in lagu kala saaro fikraddan madhan ee aan ku dhisneyn cilmiga iyo caqliyad-toona, xayeysiiskan ay ku   xardhan yihiin erayada qoraalka farta waaweyn leh   “ U codee wasiirka qaranka ugu wanaagsan ee qarankiisa kaabay” ee lagu dhajiyey wadooyinka caasimadda Hargeysa. Arrintani maaha mid lagu caayayo garaadka dadweynaha oo kaliya, laakiinse, waa mid   ceeb ku ah oo innoo iftiimineysa heerka garashaddooda aqooneed gaadhsiisan yihiin Gollaha Wasiiradda uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse biixi Cabid . Sababtoo ah, sumadda codeynta waxa lagu kala saaraa laba shay ama murashaxiin u tartamaysa jagada xubinnimada Gollayaasha iyo Madaxweynenimadda, kaasoo noqda dhawaaqa “ Haa ama Maya”,   gacan taag, warqad qarsoon oo lagu qoro cida aad u codeynayso iyo hadal lagu shaaciyo magacayada qofka codka aad siinayso, Laakiinse, looma ...

Cabashadda Madaxweynaha Maalinkaas, Maaha Fiicnaantii Madaxweynihii Shalay

Image
Cabashadda laga muujiyo Madaxweynaha xilka haya maalinkaas, waxa loo aaneeyaa fiicnaantii Madaxweynihii shalay, sirta halkaas ku jirtaa, waa faham la’aanta hab-dhaqanka dabeecadda hoggaamiyahaasi uu jecel yahay iyo qaabka hoggaamineed ee uu ku maareyn jiray xaaladdaha qaar ee la soo darsa, ama fahan la’aanta wanaagii lagu jiray maalinkaas. Haddii aynu dib u yara milicsano shalay abuuristii nabad-galyada iyo xasiloonidii ka dhalatay fahankii fiicanaa ee lagu dhisay mustaqbalkan waaray midho dhalkiisa, kaasoo ahaysiisay maanta jawi degan iyo rajo fiican aynu ku guran doono maalmaha soo socda midhihii ay beereen Madaxweynayaashii hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, si aanay barri u wiiqmin kobacii is daba joogay midho dhalkaas, waa in wax laga bartaa   hab-dhaqanada dabeecadaha hoggaamineed iyo habkii hoggaamineed ee ay ku maareeyeen xaaladdihii kala duwanaa ee ay soo mareen muddadii ay hayeen xilka Madaxweynenimo. Marka aynu eegno   Madaxweyni...