Posts

Showing posts from 2024

Erey waa iga duco

Erey waa iga duco, Inteenan Face-buugga ku wada-jirta iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo xaqiisa, ninkii aan wax lahayna, aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn. Erayna waa iga dardaaranoo Ninka ka hor-dhaca tirinta codka doorashooyinka wali laga dhur-sugayo ee Face-buuga ku soo qora tiro-male awaal ah ama suuqa ka tow-tow leeya, waxa la odhan jiray "Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug", sabatoo ah, haddii aad baahiso hadal lagaaga toosan yahay odhaahdiis oo ay ahayd inay baahiso guddida doorashooyinka loo xil saaray , Somalidu waxay odhan jirtay "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado". Eray waa digniin, Waxa la yidhi, Faataxada dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo. MFQoti 
 Doorashadii Way Kala Miirantay Xertu waxa ay ahayd dugsiyadii ugu horeeyay ee ka hirgala dalkeena ee lagu baran jiray Aqoonta Islaamka iyo afka Carabiga, xertu waxay ka dhex abuurantay nolosha miyiga ee reer guuraanimada, kolba halka ay u guuraan ayey iyaguna u guuri jireen, manaanay jirin meel u gaar ah oo ay degenaayeen, waxay ahaayeen kulliyad guuraysa oo dadka reer miyiga ah yar iyo weynba bari jiray, Quraanka, culluumta Islaamka iyo Afka-carabida. Sidoo kalena, waxa ay reer miyiga u maamuli jireen dhaxalka, guurka, aaska, casharinta xoolaha, sekada, ducada iyo nabadaynta, ka dibna, Reer miyiguna waxay abaalgud u siin jireen xoolo. Wakhti wakhtiyada ka mid ah, Xer guuraysa oo Sheekh wato ayaa deegaan barwaaqo ah oo beli weyn leh soo degtay, sheekhii ayaa ardaydii qaar u diray balaygii oo ku yidhi, “Biyo inooga soo dhaamiya.” Markii ay ardaydii baligii tageen, waxay arkeen dhaankii, Geelii, Lo'dii iyo Adhigii oo ku dhex jira baleygii oo ay ka cabayaan, oo xareeddiina ay dho...

DOQONKA

Image
Nin xidaariya baa la weydiiyey, Bal nooga waran Doqonka? Doqonku yaanu kula dhalannin buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu kula dhalasho ka waran? ma'hadduu kula dhalasho meel kaa fog ha joogo, oo yaanu meel kuu dhow joogin, bal hadduu meel kuu dhow joogo ka waran baa la yidhi? ma'hadduu meel kuu dhow joogo, gacantaada ha u baahnaado buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu gacantaada aanu u baahneyn ka waran? waar bal yaanu xoog-weyn lahaannin buu yidhi, waxa lagu yidhi, bal hadduu xoog-weyn leeyahay ka waran?  Ninkii xiddaariga ahaa baa yidhi, Ma'doqon kula dhalashay, oo meel kaa fog jirin, oo meel kuu dhow jooga, oo gacantaada u baahneyn, oo xoog weyn, bal yaanu shisheeye kaa jeclaannin buu yidhi, waxa lagu bal caaqillow hadduu shisheeye kaa jeclaado ka waran? Wuxuu yidhi ma'doqon shisheeye kaa jeclaaday wuu ku dilayaaye, inta aanu ku dilin dil ama la meerayso buu yidhi.

Madaxweyne Siilaanyo

Image
 Wax yar oo ogaanshayga sooyaalkii taariikheed xilligii uu ahaa Musharaxa Xisbiga KULMIYE (AHUN) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hilaaddii 2008-dii. Xilligaas Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cashuur dhaaf u sameeyey Xisbiga KULMIYE deeq 6-koontiinar oo iskugu jiray agab caafimaad iyo daawo ay ugu tallo-galeen in loo qeybiyo cusbitaalada Gobolada Dalka, deeqdaas mucaawimada ahayd markii ay soo gaadhay dalka, gaar ahaan, qeybta lagu keydiyo daawada dalka ee caasimadda Somaliland, goobtaas oo ay ahayd in uu Wasiirka Caafimaadku kala wareego deeqdaas Xisbiga KULMIYE ugu tallo-galay cusbitaalada. Axmed (AHUN) markii uu yimid qeybta keydka daawada ee Wasaaradda Caafimaadka, Aniga ayaa u soo qaaday Kursi uu ku fadhiisto inta uu u imanayo Wasiirka Caafimaadku, waxa yar ka dib, Axmed ayaa la hadlay Wasiirka, waxaannu u sheegay in uu joogo goobta keydka daawada ee ay ku balansanaayeen, ka dib, wasiirku waxa uu ugu war-celiyey in Madaxweynuhu la ...
 Waxaan la hadlayaa Labadiinan gayaanka ah ee haddana is gaya, ee is bartay, ee is jeclaaday, ee isku faraxsan, ee is ogol ee dhawrka sannadood wada-sheekaysanayay ee aan haddana weli aan guri- yegleelin, maad riyooyinkii ka midho-dhalisaan oo kaga dhabeysaan inaad yegleeshaan rug iyo raas cusub, maad gacmaha is qabsataan, oo is garabsataan iskuna hiilisaan oo nolosha ku midowdaan, miyuu midba midka kale kaabo oo uu garab iyo gaashaan u noqdo inta aad geldaloolooyinkiina u fiirfiirsanaysaan, maad isku xil-qarisaan, oo wanaagiina xoogga saartaan, oo midba dhinaca uu ka liito ka taageertaan, inta aad waqtigiinna ku luminaysaan shaki iyo muran dhexdiina ah, maad qorshe cad sameysataan, kuna wajahdaan qalbi furan iyo Jewi farxadeed, maad dadka warkooda iska dhaaftaan oo dantiina garataan, dhibka waayaha iyo walbahaarka caashaqa iska gargaartaan, waad isku baahantihiine labadiinuye anagana waad nagu raagteene maad wada-tashataan, wakhtigu wuu ordayaaye, doorashadiina dhamaataye maad d...

Dadku noocyo badanaa

Image
Weli waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa waxaan arkay iyo waxaad aragtay. Waxaan arkay Illa giringiri caashaqa, Giraangirayaashu waa kuwo inta badan wakhtigooda ku lumiya tamartooda, waana kuwo u baahan in wax walba iyaga loo qabto, mana daneeyaan wanaaga, laakiinse, waxay rumeysan yihiin in dhibka ku haysta aad ku xaliso dhibaatooyinkooda, marka aad shaqo u abuurto si ay u kobciyaan noloshoodanna, haddana waxa aad arkaysaa ka hor inta aanay hawluhu dhaqaaqin inay kaaga baah yihiin iyagoo fuushan kaariyoonihii ay ku shaqeynayeen in aad ku riixdo. Dadka hab-dhaqanka Xamasta lihi (Kaneecada) waa daneystayaal aan wax tar u lahayn nolosha aadamaha dib u dhac mooyaanne, waa kuwo had iyo goor xiiseeya inay ka nuugaan dhiiga waxyaabaha wanaagsan ee waxtarka u leh caafimaadka nolosha aadamaha, isla-markaana ay ugu beddelaan sun, marka hareerahaaga ay ka qaadayaan heesaha ay kugu amaanayaanna, waa marka ay doonayaan dhiiggaaga inay j...

Sheeko Xiiso badan:- Dharab yaa beddelay.?

Image
Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta waxaynu isweydiin doonaa Dharab yaa beddelay?  Markii loo doortay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Ali waxa ku xidhnaa silsilad geed ku horyaalay madaxtooyada horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayàan ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? waxaannu iigu hal celiyey, Maya, Nin Maxamed la yidhaado oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doonna ee iska tag. Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan jiray Faadumo oo joogi jirtay wadada madaxtooyada illaa cusbitaalka weyn ee caasimadda Hargeysa, Faadumo inta ay mashxarad dhawaaq dheer leh "Illilig,Illilig,,Illilig, kaga siiso, ayey ...

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/11aad.

Image
Waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geeddi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, sahan la'aanna lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii, laba-geeddi ayuu guuray, wuxuunna reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay deggel cidlo ah. Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood dhacameed u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday maalinkaas, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyeystay, oo yara laama-doodsan, ayaa Ninkii caaqilka ahaa oo aan weli ka quusan ayaa ka daba yimid oo soo raadceeyey, ayaa goor casar gaaban ahayd ayuu meel gaaban kaga soo mudh yidhi Odaygii reerka oo ge...

Dhaqanka iyo Xiddigaha Q10aad.

Image
Mooye, raage, lixlay, goray, irmaan, dib-qalooc, af-jinac, gudub-saynle, saddexlay-gudban, saddexlay-dhereran, jabsan-lab iyo jabsan-dhadig. Ciyaartan waxa wada-ciyaarra labka da'da dhexe iyo Odayaasha ruug cadaaga ah ee aqoonta dheer u leh degsiimada iyo xeeladda qaab-ciyaarreedka ay shaxdu leedahay, waxa kale oo weheliya daawadayaal aad u tirro badan oo had iyo goor kala taageera labada ciyaar yahan ee ku loolamaya ciyaarta, kuwo tilmaama, isla markaana, ka illaaliya ilduufka ciyaar yahanka ay taageersan yihiin iyo kuwo kale oo ah garsoorrayaasha ciyaarta. Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa waxa uu mid kastaaba u isticmaalaa deggitaanka goddodka ciyaarta shaxda Laba iyo Toban (12) dhagax oo yaryar, oo isku midab ah, halka mid ka mid ah labadaa ciyaar-yahan uu noqdo ka ugu horeeya ee nasiibka u yeesha hor-degsiimada, halka ciyaar-yahanka kale’na ee ka soo hor-jeedaana uu deggo rukun uu ku jabiyo. Inkastoo la yidhaahdo shaxdu waa ilduuf, dalabna waa nin u ayaan roon, haddan...

Dhaqanka iyo Xiddigaha Q/9aad.

Image
Halka Cawsha keeda labna la yidhaahdo Jaxeedh, dhediggeedana Masaal, marka ay koox yihiinna Goosin Cawl ah, Garanuugta labna Liig, markuu yar yahayna Warad, dhedigeedana Tingey, marka ay badan yihiin Dan-garanuug ah, Labka deeradana Deer, dhediggeedana Deero, marka ay urur yihiinna Wadar-deero ah. Sakaarada labna Atoor, dhediggeedana Yac, marka uu yar yahana Biiq, Goodirka labna laba-go'le, dhediggiisana Adeeryo, marka ay badan yihiin urur goodir ah, Biciidka labna Saryan, dhedigiisana Biciid, marka ay badan yihiin Yahaab, Gorayada keeda labna Haldhaa, dhedigeedana Gorayo Cawl, Kooxda markay yihiinna Gawar goroyo ah, Maroodiga labna Arbe, dhadigiisana Qalanjo, marka koox ay kuwada socdaana Raxan, Faraska kiisa labna Senge, dhediggiisana geenyo, Docmeerka labna Docmeer dhedigiisana Docmeerad, markuu yar yahayna qeyl. Libaaxa labna Aar, dhedigiisana Gool, markuu yar yahayna cago baruur, koox markay yihiina Raxan, Dacawada labna Dacow, dhedigeedana Golliy, Shabeelka kiis...

Dhaqanka iyo Xiddigaha Q8aad.

Image
Marka aynu ka nimaadno xoolaha aynu dhaqano, haddana xayawaanka qaarkood waxa ay ka mid yihiin Naasleyda, waxaannay u qeyb samaan laba, Dab-joog iyo Duur-joog, Dab-joogtu waa xayawaanka rabeysma ee la noollaada banni'aadamka, halka, Duur-joogtuna u kala baxaan Dugaag iyo Ugaadh, Ugaadhuna waxa ka mid ah, sida, Cawsha, Sakaraada, Deerada, Garanuugta, Goodirka, Biciidka, Gorayada, inkastoo Geela iyo Lo'duba ay ka mid yihiin ishinka meesiyada naasleyda xoolaha aynu dhaqano. Haddana, Geela Hasha had iyo goor isnuugtana waxa la yidhaahdaa tashuumaa, lab'kana Awr, ka da'dii rarashada gaadhayna Rati, ka aan welligii la rarana Baarfuran, ka rar diidka ahna Buubaal, ka xooggan ee la rartana Bacadle, awrka geela lagu darana Baarqab, marka uu qooq jabana Da'fur, dhadigana Hal, kuwa dhalayna Ramad, labka ama dhedigga aan weli da’dii rarashada ama curashada aan gaadhinna Qaalin, awrka yar ee da’diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin loo yaqaano Qurbac, inta aan weli gaadh...

Dhaqanka iyo Xiddigaha Q7aad

Image
Hiddosamida dhaqankeenii suubanaa had iyo goor Ragga garaha gala waxa la odhan jiray hebel waa Samatalis (Nin daacad ah) iyo Hadimo-talis (Nin aan daacad ahayn), taasoo ahayd laba calaamadood ee lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha galli jiray. Qofkuna waxa uu yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, waxaanna dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadda2aladeed iyo gar-eexo, haddii qofka uu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka ceebbay ku ahaan jirtay, haddii laga gar helona garawshiinyo ayuu ka bixin jiray, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, Nimaan garaw baranin gar ma'baran, haddii uu gardiid-noqdana waxa ay ku noqon jirtay inuu qaato gun-nimo, laakiinse, ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadka reer Somaliland uu lahaan jiray. Caaqiladda, Garaadada iyo Suldaanada maanta dhaqan xumooyinka ku soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof oo arrin...

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/6aad

Image
Haddana kuma koobna oo kaliya godadka dayaxa, balse, waxa lala akhriyaa bisha uu ka dhashay tirsi-qoraxeedka, moorada,  maalinkaa ama habeenkaa uu dhashay,  burjigiisa, waxaanna la odhan jiray hebel waa Naari, ama waa Hawaai ama waa Arliyo ama waa Maai oo ah luuqadda afka-carabiga oo macnaheedu yahay Dabka, Hawada, Dhulka iyo Biyaha. Dabku waa walax u socota kor oo gaadhi karta daruuraha iyo wixii ka baxsan, inkastoo, Qorraxda iyo Xiddiguhuba ay yihiin dab heer-kulka joogoodu aad u sareeyo, haddana, run ahaantii dabkaas lama garan karo sida uu u eeg yahay. Dabku waa tamar qaydhin, marna waynu isticmaalnaa, mar-kalena waxa uu inoo abuuraa iftiinka nolosha, dhirtuna waxay dhalisaa dab, dabkuna waa mid wax baabiiya oo dhalan rogga, Dabka ciidamadda waxaynu dareenaa isagoo dhex maraaya hawada in uu wax walba uu baabiiyo,  biyahana waxa uu ka dhigaa uumi bax, dhulkana wuu kala jeexaa, dhagaxaantana waxa uu ka dhigaa dareere ama unugyo dhalaalaya. Dadka burjigoodu uu yahay Na...

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/5aad

Image
Dayuxu waa meere loo cayimay xilli mudeysan jid uu maro iyo meel uu deggo, ma'na laha iftiin u gaar ah, balse waxa uu keydsadaa falaadhaha iftiinka Qoraxda oo ku dhaca oogada sare ee dayaxa, marka dayuxu ka danbeeyo qoraxda waxa aad arkaysaa halka uu kaga beegan yahay, dayaxii oo dhanna uu ifayo, dhanna uu mugdi yahay, waxaannu dayuxu ku meer-wareegaa dhulka saddex iyo toban jeer sannadkiiba. Waanna walax biyo ah, dabcigiisuna waa qabow iyo qoyaan, waxaannu u kala dab-qaadaa maluugta intooda kale, dhulkana wuxuu u yahay dayax-gacmeed muujinaya xagasha ay kaga jiraan meerayaasha kale. Dhinaca goddadka dayuxu uu maro waxa la yidhaahdaa naftaadana Naaf u dhalo, tolkaana Tar u dhalo, Wiilka Naaf-dhaladka ah ee dhasha habeen Dayuxu fadhiyey godka Naaf-madoobaha waxa uu noqdaa hoggaamiye ama wiil sharaf badan, haddii timihiisu madow yihiinna maal-qabeen buu noqdaa baa la yidhi,  Inanta Naaf-madoobe dhaladka ah inta sharaf dumar lagu sheego oo dhan bay yeelataa, laakiinse, haddii uu dhas...

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/4aad

Image
Waxa kale oo loo eegi jiray magac bixinta dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen, xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu ku dhashay, habeenka uu dhashay dayaxu godka uu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa. Waxaanna la odhan jiray Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana amaba lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixin jiray Dirir, wiilka dhasha dayaxa oo fadhiya Koxdin cawo, waxa loo bixiyaa Cawaale, ama Ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq, ama Doobiro. Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi, waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na loo bixiyo illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda, Kaaha ama Iftin, wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushahayna waxa loo bixiyaa Suudi ama Xagaa ama Kaliil, haddii ay rooban tahayna Rooble, haddii roobku biyo dhigana Gabax ama Xareed. Haddii reerku ...

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/3aad

Image
Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", taasoo loola jeedo laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, maahmaahdanni waxay tilmaamaysaa in haddii ragga Gar-cadaawe dhexmarto ay ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo, waxaanna laga yaabaa inay dad gacal ahaa ama tol ahaa kala irdhoobaan. Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax, marka uu isqabad yimaado waxay ku taliyaan inay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, oo aan hoos wax loo sii qod-qodin, iyadoo ay Somaliduna ku maahmaahdo "Lafahana gur xarogana haka tegin". Waxa dhacday in ay Laba Nin isku qabsadeen Suldaannimo, ka dib waxay goor barqo ah iskula tageen Nin Xidaariya (Garyaaq), dabadeed waxa uu geeyey geed hadh-subaxeedkii, waxaannu ku yidhi, Galabta haynoo ahaato halkaasna sii fadhiya. Ka dib, hadhkiibaa wareegay markii qora...

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/2aad

Image
Dhaqanka reer guuraanimada ee Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu haysan biyo iyo baad uu ku noolaado, Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta. Dhinaca xidigiskana xoolo dhaqatadii hore waxa ay odhan jireen, xidigta habarteed waa waabariis, waabay ku bilatayoo, ama weysha qalo bay ku odhan way tibaaq dhigiye, ama weelka culo bay ku odhan iyo wacad Eebe. Waanna sababtii ay ku soo baxday Maahmaahdan Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi, waxa la yidhi, Laba nin oo lo'lay ah oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ayaa waxa soo food saartay abaar aad u xumeyd, labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan labada Sac, isla markaana, ay ku sidkaan weysha hadhay labada Sac ee irmaan, markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo ...

Dhaqanka iyo Guurguurka Xiddigaha

Image
Qormadeenan taxanaha ah waxa aynu ku soo qaadan doonaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtideenii, Dhaqanka iyo Guurguurka Xiddigaha. Dadka reer Somaliland waxay hodan ku ahaayeen dhinaca xiddigiska,  dhaqanka iyo hawraar ku salaysnayd tix-suugaaneed, tiraab ku qotontay hiddo-samida dhaqankooda suuban, weedho iyo murti hal-muceedkeedu ku dhisan yahay nuxur kana hooseeya tixaha la tiriyo, kana sareeya hadalka af-maalmeedka ee la yidhaahdo,, Odhaahda, iyo sidoo kale,  Hal-ku-dhegyo, Hal-qabsiyo, Hal-haysyo Hal-muceed, Halxidhaalayaal, Googaalaysi, Carabjalaqsi, Sheekooyin dhaqan iyo Maahmaahyo leh ereyo cuddoon oo ay ku dhidban yihiin tiraab ku socota hannaan iyo hab-dhac toolmoon, sarbeeb humaag maldahan oo midhaha ku duugani ay xambaarsanaayeen muuqaallo dhab ah, kuwaasoo u jeedooyinkooduna ay ku sar iyo jaan go’naayeen, waayo-aragnimo aqooneed ee ay ka soo dhaxleen geeddi-socodkii ged-gedoonka hayaanka waayihii nololeed ee ay soo mareen waagaas. Haddana, Dhaqanka kuma koob...

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan,  haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay, Nin baadidoon ah ayey ka soo hor baxeen saddex nin oo socoto ahi, salaan ka dib, waxa uu weydiiyey xoolo baadiya inay arkeen iyo in kale, mid ka mid ah saddexdii Nin ayaa ku war celiyey, baadidaasi neef geella, oo awr ah, oo ratiya, oo raran ma'ahaa, Ninkii baadidoonka ahaa ayaa yidhi, Haa, Ninkii labaada ayaa isna yidhi, Awrkaasi il ma'la'aa, Ninkii baadidoonka ahaa baa yidhi, Haa wuu il la'aa, Ninkii saddexaad baa yidhi, Awrkaas ratiga ahaa ma'dabo la'aa , Haa buu haddana yidhi ninkii baadi doonka ahaa. Saddexdii nin ee socotada ahaa mar kaliyaata ayey yidhaahdeen Maanu arag neefkaa baadida ah, Ninkii baadidoonka ahaa himiladii uu ku baadidoonaayey helitaanka awrkiisa way af-jarmatay, isagoo u aanaynaya in ay nimakani og yihiin awrkiisii halka uu ku sugan yahay, wuu iska soo daba galay, markii ay soo gaadheen...

Hal-xidhaalle

Image
 Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan,  haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay tirada goobada koowaad iyo ta labaad ee gudban  marka la isku geeyo ina siisa wadarta  8,  tirada goobada koowaad iyo ta saddexaadna ee dhereran tirada  marka la isku geeyo ina siisa wadarta  13, tirada goobada labaad marka loo geeyo goobada afaraadna ee dhereran ina siisa wadarta 8, tirada goobada saddexaad marka laga gooyo goobada afaraad ee gudban ina siisa wadarta 6,  waa imisa  tirooyinkaasi ?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!! MFQoti

Hal-xidhaale

Image
  Weydiinta Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin war-celin sugan,  bulshada waxa ugu khatar badan laba qof oo ay dadku u badan yihiin, kuwaasoo kala ah mid wuxuu garanayey ka aamusay iyo mid ka hadlaya waxaannu garaneyn, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay, Alle ha u naxariistee Mudankii dhidibbada u taagay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa i'fahamsiiyey laba ka mid ahaa 99-magac sife ee uu leeyahay Alle (sw), Qafuur iyo Qafaar, Alle (SW) waa dhaafaha danbiyada dhaqdhaqaaqa jidhka iyo carabku uu sameeyo, waa Qafuur, Qafaarna waa dhaafaha danbiyada uu qofku hoos u yidhaa ee maanku uu sameeyo, illaa iyo hadda qofna kumuu guuleysan inuu nafahmsiiyo 97-ka sife magac ee kale? Yaa liibaanay oo afsoomaali nagu fahamsiiya bishaa ramadaan? MFQoti

Hal-xidhaale

Image
 Hal-xidhaale Aqoon korodhsi Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran, Geed Liin macaan ah ayaad ka soo goosatay tiro midho liin macaan bislaatay oo ku yaalay geed, waxaanna kaa horeeya saddex kadin, kadin kasta oo aad sii marayso hortiisa waxa fadhiya Nin illaalo ah, waxaanna lagu yidhi tiradii aad soo goosatay ee liinta ahayd kala badh kadinka hortiisa dhig, isla markaana Ninka ilaalada ah jeex liin ah sii, kadinka labaadna sidaas oo kale, ka saddexaadna sidaas oo kale, marka aad ka gudubtid waa inay kuu soo hadhaa hal liin ahi Weydiinteenu waxay daaran tahay, Waa imisa tirada Liinta aad ka soo goosatay Geedka??? Illaa iyo hadda qofna kumuu guuleysan tirada midhaha liinta ah ee uu geedka ka soo goostay Qoti???

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, saddex nin ayaa wada-lahaa goob cuntada bisil lagu iibiyo, saddexda Nin mid ka mid ah inta uu aroortii shaqada soo galo ayuu duhurkii ka rawixi jiray, midna fiidka ayuu ka riwixi jiray, ka saddexaadna habeenkii buu shaqeyn jiray, haddaba weydiinta hal-xidhaalahanni daaran tahay waxa weeye. Maalin maalmaha ka mid ah, markii uu soo shaqo tagay aroornimadii mid ka mid ahi saddexdii nin, ayaa maqalkii lacag ku jirtay inta uu in leeg ku daray ayuu kala baxay 20-shillin, kii labaadna markii uu yimid, ayuu maqalkii lacagtii ku jirtay inta uu in leeg uu ku daray, ayuu kala baxay 20-shillin, ninkii saddexaadna markii uu yimid shaqadii ayaa lacagtii maqalka ku jirtay uu in leeg ku daray, waxaannu maqalkii kala baxay 20-shillin, ka dibna, maqalkii waxa uu joqday faaruq, markaa imisay ahayd lacagta ku jiray maqalka??

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran, Geed tufaax ah ayaa lagu yidhi waxa aad ka soo goosataa tiro midhaha tufaaxa ah ee ku yaala geedka, waxaanna kaa horeeya 7-ba webi, webi kasta oo aad ka talaabaysaana, waa in aad ku ridaa kala badh tirada tufaaxa aad geedka ka soo goosatay, isla markaana,  marka aad ka tallowdo webiga 7-baad, waa inay kuu soo hadhaa Hal tufaax ah. Weydiinteenu waxay daaran tahay, Waa imisa tirada tufaaxa aad ka soo goosatay Geedka??? Illaa iyo haddan qofna kumuu guuleysan tirada midhaha tufaaxa ah ee uu geedka ka soo goostay???

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, tiro shimbiro ah oo geed hoostii ka qadhaabsanaya ayey mid ka mid ah u duushay koox shimbiro ah oo ku laydh-sanaayey geedka guradiisa, waxaannay ku tidhi iska warama shimbirayahow 100-ka ahi, mid ka mid ah shimbirihii saarnaa geedka dushiisa, ayaa ku tidhi:  Anagu ma'nihin 100, laakiinse, intaanu nahay in leeg marka nalagu daro, ee badhkeed lagu daro, ee nuskeed lagu daro, ee kooxda geedka hoostiisa fadhida lagu daro, ee adiga lagugu daro ayaanu 100-nahay, waa imisa tirada shimbiraha dul-saarnaa geedka dushiisa iyo kuwa hoos fadhiyey geedka hoostiisa.??? Bye.M.F.Qoti

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay tirada goobada koowaad iyo ta labaad ee gudban marka la isku geeyo ina siisa wadarta 8, tirada goobada koowaad iyo ta saddexaadna ee dhereran tirada marka la isku geeyo ina siisa wadarta 9, tirada goobada labaad marka loo geeyo goobada afaraadna ee dhereran ina siisa wadarta 8, tirada goobada saddexaad marka loo geeyo goobada afaraad ee gudban ina siisa wadarta 9, waa imisa tirooyinkaasi ?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!!

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, haddaba, weydiintanni waxay daaran tahay gabadha la furo waxa loo yaqaan Carmal, laakiinse, haddii Nin labaad uu guursado oo la furo iyo haddii Nin saddexaad uu guursado oo la furo maxaa loogu yeedhaa magac ahaan??,  Sidoo kale Ninka mar gabadh furay, haddana gabadhii labaad ee uu guursaday furay, haddana gabadhii saddexaad guursaday ee furay, saddexdaasiba magac bay leeyihiin sheeg haddaad garato?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan!!

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, Laba nin oo aad saaxiib u ahaa ayaa minyareystay laba hablood oo ay kala dhaleen, hablahaas oo la kala odhan jiray Sagal iyo Hibo, isla markaana, Hibo waxa ay u dhashay wiil yar oo loo bixiyey Cali, halka ay sagalna ay u dhashay gabadh yar oo loogu yeedho Caasha, haddaba weydiinta falcelintan waxa ay daaran tahay, Cali iyo Caasha miyey is gayaan? Haddii Falcelintaadu tahay isma gayaan, haddaa maxay isku yihiin Cali iyo Caashi? Haddaba, wey is gayaan mooyaane illaa iyo hadda laguma guulaysan???

Hal-xidhaale

Image
Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, hadaba, weydiintanni waxay daaran tahay saddex bisaddood ayaa culayska wadartoodu uu dhan yahay marka la isku geeyo 12-kg, halka marka la isku geeyo culeyska mid ka mid ah bisaddahaas iyo culeyska shimbir'na uu culeyskoodu noqonayso 5-kg, isla markaana, haddii dacawada culeyskeeda laga gooyo culeyska shimbirtaasna uu noqonayo wadartoodu culeys dhan 99-kg, haddaba, haddii la isku geeyo mid ka mid ah culeyska bisaddahaas oo loo geeyo culeyska hal dacawo, oo loo geeyo culeyska hal shimbir, waa imisa wadarta culeyskoodu?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan sidii xal loo helli lahaa wadarta culeyskooda?

Hal-xidhaale

Image
 Aqoon-korodhsi Hal-xidhaale Weydiinta hal-xidhaalahan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, hadaba, weydiintanni waxay daaran tahay saddex Diig ayaa culayska wadartoodu uu dhan yahay marka la isku geeyo 8.4-kg, halka marka la isku geeyo culeyska mid ka mid ah Diigagaas iyo culeyska Bisaddan uu culeyskoodu noqonayso 7-kg, isla markaana, haddii Sengaha culeyskiisa laga gooyo culeyska Bisaddanna uu noqonayo wadartoodu culeys dhan 81-kg, haddaba, haddii la isku geeyo mid ka mid ah culeyska Sengaha oo loo geeyo culeyska hal Bisadda oo loo geeyo culeyska hal Bisadda, waa imisa wadarta culeyskoodu?? illaa iyo haddana, qofna kumuu guulaysan sidii xal loo helli lahaa wadarta culeyskooda?

Hal-xidhaale

Image
Weydiintan Dhako faarka ahi, hadda maba'durugsana, haddana qofna muu hellin falcelin sugan, Aniga iyo Afadeydu waxaannu dhalnay saddex wiil, saddexdii wiilna waxay sii dhaleen midki8ba innan iyo inan, dhamaan qoyskaygu in uu ka kooban yahay 11-qof oo kaliya mooyaane,  illaa iyo haddana laguma guuleysan tirada qoyskaygu uu ka kooban yahay.?

Warsidaheena Nayruuska oddoroska xidigiska ee sannadlaha ah ee aan qoro ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 12-aad.

  Warsidaheena Nayruuska oddoroska xidigiska ee sannadlaha ah ee aan qoro ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 12-aad. Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha guur-guurka xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh, taasoo ...