Hiddosamida dhaqankeenii suubanaa had iyo goor Ragga garaha gala waxa la odhan jiray hebel waa Samatalis (Nin daacad ah) iyo Hadimo-talis (Nin aan daacad ahayn), taasoo ahayd laba calaamadood ee lagu kala sooci jiray ragga had iyo goor garaha galli jiray.
Qofkuna waxa uu yaqaanay sida uu ku gar helayo iyo inay gari meesha ugu jirto iyo inkale, waxaanna dhici jirtay in la kala gar-helo, iyadoo ay gartu noqon jirtay gar-cadda2aladeed iyo gar-eexo, haddii qofka uu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka ceebbay ku ahaan jirtay, haddii laga gar helona garawshiinyo ayuu ka bixin jiray, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, Nimaan garaw baranin gar ma'baran, haddii uu gardiid-noqdana waxa ay ku noqon jirtay inuu qaato gun-nimo, laakiinse, ninku wuu gar-qaadan jiray, taasina waxay qayb ka ahayd hiddosamida dhaqanka iyo gobanimada dadka reer Somaliland uu lahaan jiray.
Caaqiladda, Garaadada iyo Suldaanada maanta dhaqan xumooyinka ku soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof oo arrini dhex-marto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood iskaga kala dareeraan.
Waxa dhacday inay laba nin dagaalameen, ka dibna waxay goor barqo ah ay iskula tageen nin caaqil ah, dabadeedna, muducigii baa yidhi, ninkan wuu i'aflagaadeeyey, nabarkaasna wuu igu dhuftay, muddaacigiina, waxa uu yidhi, ninkan waanu dagaalanay laakiinse, nabarkaa uu sheegtay kumaan dhufan.
Caaqilkii garta qaadayey ee laga sugayey in labadan nin uu u garnaqo, ayaa yidhi, maan fahmin ee hadda billaaba sidii aad u dagaalateen, marka aan arko siday wax u dhaceen ayaan idiin kala garqaadi doonaa.
Hiddo samida dhaqankeenii suubanaa ee miyiga iyo reer guuraanimada, waxa laf-dhabar u ahayd oo noloshoodu ku tiirsaneyd dhaqashada xoolaha nool iyo wax-beerista oo ahayd habka wax-soo saarka dhirta aynu ka helno cuntada.
Waanna Dugsiyadii lagu baran jiray, xiddigiska, sahaminta, hillaadinta, kaydinta, beerista, dhaqanka, dhaanka, illaalinta, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha nool, dhinaca farsamadana, waxa lagu baran jiray sameynta qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, dhiggaha, loolka, koorta iyo waranka, halka haweenkuna ay ku baran jireen farsamada sameynta dhismaha aqalka, soohida xadhkaha, dhigaha, loolka, qobtolka, heeryada, cawska iyo kabeda, haddana, intaas oo kaliya kumay koobnayn wax-barashadoodu, balse, waxa kale oo lagu tababari jiray labka, fardo-fuulka, dabaasha, dhaqanka iyo hab-dhaqanka gadh-wadeennimada.
Xoolo-dhaqatadu waxay xoolo-jirka u kala saari jireen, Daba-dhoon iyo Qowsaar, kaasoo ahaa ninka geela ka adag, xergeyntooda, illaalintooda, oodidooda, waraabintooda, aroorintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda iyo u kuurgalidooda hadba xaaladdaha ay ku sugan yihiin xooluhu.
Daba-dhoonkuna waxa uu ahaa kurayga caawiya qowsaarka, waxaanu ahaa kuray ka adag geela marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, nirgaha ka guristooda iyo ka celintooda, sidoo kalena, marka uu Qowsaarku muraad yeesho, waxa uu xoolaha kaga tagi jiray Daba-dhoonka, laakiinse, Daba-dhoonku muu wada fulin jirin hawlahaa shaqo ee loo igmaday.
Marka labadaa nin midnaba aanu reerku lahayn, gadhwadeenka reerku waxa uu xoolaha u raadin jiray Dhoobi, kaasoo ah ninka geela jira ee ku lacag qaata xergeyntooda, illaalintooda, hillaadintooda, sahamintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda, oodidooda, marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, aroorintooda iyo waraabintooda, balse, lagama yaabo in dhoobigaasi u daryeelo xoolaha sidii ay u daryeeli jireen Qowsaarka iyo Daba-dhoonadu, sababtoo ah, Dhoobiga waxa la yidhaahdaa xooluhu maaha xoolihiisii, lexo-jeclo’na kama hayso.....La soco.
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid