Sunday, April 7, 2024

Dhaqanka iyo Xiddigiska Q/2aad

Dhaqanka reer guuraanimada ee Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu haysan biyo iyo baad uu ku noolaado, Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta.

Dhinaca xidigiskana xoolo dhaqatadii hore waxa ay odhan jireen, xidigta habarteed waa waabariis, waabay ku bilatayoo, ama weysha qalo bay ku odhan way tibaaq dhigiye, ama weelka culo bay ku odhan iyo wacad Eebe.

Waanna sababtii ay ku soo baxday Maahmaahdan Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi, waxa la yidhi, Laba nin oo lo'lay ah oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ayaa waxa soo food saartay abaar aad u xumeyd, labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan labada Sac, isla markaana, ay ku sidkaan weysha hadhay labada Sac ee irmaan, markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo iyo baad ku filan.

Isla markaana ay weyshii yareyd qurux badnaatay ayey labadii nin isku qabsadeen, waxaannay iskula tageen nin xidaariya oo garyaqaan ah in uu u garnaqo, nooca gartan garyaqaankanni uu isticmaalay waxa loo qaadaa laba qof ama wax ka badan, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, had iyo goorna marka uu isqabad yimaado, waxa lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeedadeedu tahay in si doqoniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin.

Ninka garta naqayaana wuxuu yaqaanay nooca gartu noqonayso iyo waxa ay ku dhamaanayso, Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa", taasoo loola jeedo, maadaama garuhu ay badan yihiin, in dhibaato walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon.

Ninkii xeerbeegtida ahaa ayaa weyshii yareyd ee labada nin isku qabteen ku soo xidhay keyn ku taalay gebi ka durugsanaa doox xilli cirku uu rimanaa, labadii sacna ay daaqayeen gebiga dhinaciisa kale, markii uu dooxii soo rogmaday ee ay biyihii yaraadeen, ayey weyshii yareyd muuso nowday, labadii Sac mid ka mid ahi wuu iska daaqayey, sacii kale'na markuu codkii weysha uu maqlay, ayuu u soo kicitimay dhankii uu dhawaaqa ka maqlayey, ka dibna, dooxii oo uu daadkii socdo ayuu isku dhex tuurtay.

Ninkii xidaariga ahaa baa yidhi, murtidan noqotay maahmaahda, Sidiggi daad kama talowdo.

Gartan uu u isticmaalay xal u helisteeda waxa la yidhaahdaa Gar-kala dareeris, maaha mid loo eego caddaalad, laakiinse, waxa ay u eeg tahay xal ama Garta loo yaqaano Gar muslax, isla markaana Ragga had iyo goor Garta caynkaas oo kale ah wax ka qabtaa, waa Ragga ku sifooba Sammotalisnimada, maadaama oo aynu hore u soo sheegnay in noocyada garuhu ay badan yihiin oo mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeelan karto ee ku haboon.

Ninkaa xidaariga ahaa ee labada nin u gar-naqay, haddii garta uu ka dhigi lahaa Gar-muslax may noqoteen, sababtoo ah, Gartan marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey waxa uu yahay, markaas weyshii yareyd laba umay qeybsanteen, sidaa awgeed, isagoo xalka ka eegaaya ayuu u isticmaalay Gartan loo yaqaano Gar-kala dareeris, inkastoo la yidhaahdo Gar-muslax dabeecadaha ay leedahay waa mid aan keennin wax caqiibo-xumo ah, oo aan dhantaalin toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada iyo saaxiibtinimada.

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid