Wednesday, December 11, 2024

Sheeko Xiiso badan:- Dharab yaa beddelay.?


Wali waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta waxaynu isweydiin doonaa Dharab yaa beddelay? 

Markii loo doortay jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, (AHUN) Cabdiraxmaan Axmed Ali waxa ku xidhnaa silsilad geed ku horyaalay madaxtooyada horteeda Nin weyn oo raameystay oo aan hadal badneyn, maalin maalmaha ka mid ah ayàan ku idhi silsiladda ma'kaa gooyaa? waxaannu iigu hal celiyey, Maya, Nin Maxamed la yidhaado oo madaxtooyaddan iman doona ayaa iga jari doonna ee iska tag.

Markii loo doortay Jagada Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa gacantiisa kaga jaray ailsiladdii uu ku xidhnaa Ninkii raamaha lahaa ee ku xidhnaa geedka ku horyaalay madaxtooyada, ka dibna, Ninkaas waxa beddelay Islaan la odhan jiray Faadumo oo joogi jirtay wadada madaxtooyada illaa cusbitaalka weyn ee caasimadda Hargeysa, Faadumo inta ay mashxarad dhawaaq dheer leh "Illilig,Illilig,,Illilig, kaga siiso, ayey ku soo afmeeri jirtay “ Laydh Qabow, Laydh Qabow, Laydh Qabow, markii uu geeriyooday Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, iyana way geeriyootay ka dib markii uu dul maray gaadhi Bas ahi.

Markii uu ku guulaysatay jagada Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland muddane, Daahir Rayaale Kaahin, Laydh qabow waxa beddelay Nin weyn oo la odhan jiro Dhido, kaasoo ahaa Nin lagu lamaanaa oo had iyo goor feedha qaawanaan jiray oo sidan jiray murjin dheer, magacan Dhido waxa uu ahaa kalmad uu halhays u lahaa oo ay dadku ugu magac dareen, waxaannu ku luuqeyn jiray, “ Dhido, Dhido, Dhido ka dul muuqoo ha daalin" isagoo ula jeeday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii uu ku guuleystay jagada madaxweynihii Afaraad ee Jamhuuriyadda Somaliland (AHUN) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Dhido waxa beddeshay gabadh hooballad ahayd oo la odhan jiray Caasho KANEECO, gabadhaas waxa ay ku luuqeyn jiray hees jaceyl ah oo ay u tirisay Madaxweynaha, waxaannay odhan jirtay “ Allahayow calaf,calaf,calaf iigu dhig jaceylkayga”

Markii uu ku guukeystay Jagada Madaxweyne mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa Caasha Kaneeco waxa beddalay Dharab, inkastoo uu aad u jeclaa Madaxweynaha, haddana waxa uu ahaa Nin hadalkiisana la fahmin oo aan hawl-yaren oo jiidh-jiidh badan.

Maanta oo uu ku guuleystay jagada madaxweynaha Lixaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudanne, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa isweydiin mudan Dharab ya beddelay?

MFQoti

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid