Waxaan la hadlayaa Labadiinan gayaanka ah ee haddana is gaya, ee is bartay, ee is jeclaaday, ee isku faraxsan, ee is ogol ee dhawrka sannadood wada-sheekaysanayay ee aan haddana weli aan guri- yegleelin, maad riyooyinkii ka midho-dhalisaan oo kaga dhabeysaan inaad yegleeshaan rug iyo raas cusub, maad gacmaha is qabsataan, oo is garabsataan iskuna hiilisaan oo nolosha ku midowdaan, miyuu midba midka kale kaabo oo uu garab iyo gaashaan u noqdo inta aad geldaloolooyinkiina u fiirfiirsanaysaan, maad isku xil-qarisaan, oo wanaagiina xoogga saartaan, oo midba dhinaca uu ka liito ka taageertaan, inta aad waqtigiinna ku luminaysaan shaki iyo muran dhexdiina ah, maad qorshe cad sameysataan, kuna wajahdaan qalbi furan iyo Jewi farxadeed, maad dadka warkooda iska dhaaftaan oo dantiina garataan, dhibka waayaha iyo walbahaarka caashaqa iska gargaartaan, waad isku baahantihiine labadiinuye anagana waad nagu raagteene maad wada-tashataan, wakhtigu wuu ordayaaye, doorashadiina dhamaataye maad dhab-dhab isku doorataan anagana naga farxisaan.
Dadku noocyo badanaa
Weli waxaynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa waxaan arkay iyo waxaad aragtay. Waxaan arkay Illa giringiri caashaqa, Giraangirayaashu waa kuwo inta badan wakhtigooda ku lumiya tamartooda, waana kuwo u baahan in wax walba iyaga loo qabto, mana daneeyaan wanaaga, laakiinse, waxay rumeysan yihiin in dhibka ku haysta aad ku xaliso dhibaatooyinkooda, marka aad shaqo u abuurto si ay u kobciyaan noloshoodanna, haddana waxa aad arkaysaa ka hor inta aanay hawluhu dhaqaaqin inay kaaga baah yihiin iyagoo fuushan kaariyoonihii ay ku shaqeynayeen in aad ku riixdo. Dadka hab-dhaqanka Xamasta lihi (Kaneecada) waa daneystayaal aan wax tar u lahayn nolosha aadamaha dib u dhac mooyaanne, waa kuwo had iyo goor xiiseeya inay ka nuugaan dhiiga waxyaabaha wanaagsan ee waxtarka u leh caafimaadka nolosha aadamaha, isla-markaana ay ugu beddelaan sun, marka hareerahaaga ay ka qaadayaan heesaha ay kugu amaanayaanna, waa marka ay doonayaan dhiiggaaga inay j...
Comments
Post a Comment
Mahadsanid