Waxaan la hadlayaa Labadiinan gayaanka ah ee haddana is gaya, ee is bartay, ee is jeclaaday, ee isku faraxsan, ee is ogol ee dhawrka sannadood wada-sheekaysanayay ee aan haddana weli aan guri- yegleelin, maad riyooyinkii ka midho-dhalisaan oo kaga dhabeysaan inaad yegleeshaan rug iyo raas cusub, maad gacmaha is qabsataan, oo is garabsataan iskuna hiilisaan oo nolosha ku midowdaan, miyuu midba midka kale kaabo oo uu garab iyo gaashaan u noqdo inta aad geldaloolooyinkiina u fiirfiirsanaysaan, maad isku xil-qarisaan, oo wanaagiina xoogga saartaan, oo midba dhinaca uu ka liito ka taageertaan, inta aad waqtigiinna ku luminaysaan shaki iyo muran dhexdiina ah, maad qorshe cad sameysataan, kuna wajahdaan qalbi furan iyo Jewi farxadeed, maad dadka warkooda iska dhaaftaan oo dantiina garataan, dhibka waayaha iyo walbahaarka caashaqa iska gargaartaan, waad isku baahantihiine labadiinuye anagana waad nagu raagteene maad wada-tashataan, wakhtigu wuu ordayaaye, doorashadiina dhamaataye maad dhab-dhab isku doorataan anagana naga farxisaan.
Muwaadinkii soo bandhigay baahidiisa ee xadhiga loogu beddelay Somaliland.
Cabdikariim Cali Ayaanle oo aan wax ka qoray xaaladdiisa nololeed ee uu ku sugnaa iyo duruufo adag ee hadheeyey noloshiisa hilaadii 16 bishan April sannadkan 2025-ka, ayaa illo xoggogaal ahi ii sheegeen in ehelkiisii ay xidheen. Halganka waayaha nolosha turunturo lagama waayo, waana muhiim in aad damqato, una muujiso naxariis, oo aad la dareen noqoto qofka waayuhu uu ku adkaado, haddii ay noqon lahayd murugo, cadho ama niyad jab. Isla markaanna aad qoraal ku baahiso mareegaha wararka, adigoo dareenkiisa dajinaya oo u raadinaya sidii uu u heli lahaa taageero dhaqaale iyo daryeel wanaagsan oo uu ku noolaado, ka dibna, wax lagala qabto hawsha uu is leeyahay waad ku nafisaysaa. Cabdikariin muu ahayn qof maskaxda ka jiran oo qaba xannuunka waalida, waxa uu ahaa qof caafimaad qaba, laakiinse, waayuhu uu hadheeyey, taasina waxay u baahnayd in uu helo dejin iyo daryeel uu ku noolaado, nasiib darro'se, maanta in ay ehelkoodu u arkaan in magacoodii iyo sumcaddoodii uu wax u dhimay,...
Comments
Post a Comment
Mahadsanid