Wednesday, April 10, 2024

Dhaqanka iyo Xiddigaha Q10aad.


Mooye, raage, lixlay, goray, irmaan, dib-qalooc, af-jinac, gudub-saynle, saddexlay-gudban, saddexlay-dhereran, jabsan-lab iyo jabsan-dhadig.

Ciyaartan waxa wada-ciyaarra labka da'da dhexe iyo Odayaasha ruug cadaaga ah ee aqoonta dheer u leh degsiimada iyo xeeladda qaab-ciyaarreedka ay shaxdu leedahay, waxa kale oo weheliya daawadayaal aad u tirro badan oo had iyo goor kala taageera labada ciyaar yahan ee ku loolamaya ciyaarta, kuwo tilmaama, isla markaana, ka illaaliya ilduufka ciyaar yahanka ay taageersan yihiin iyo kuwo kale oo ah garsoorrayaasha ciyaarta.

Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa waxa uu mid kastaaba u isticmaalaa deggitaanka goddodka ciyaarta shaxda Laba iyo Toban (12) dhagax oo yaryar, oo isku midab ah, halka mid ka mid ah labadaa ciyaar-yahan uu noqdo ka ugu horeeya ee nasiibka u yeesha hor-degsiimada, halka ciyaar-yahanka kale’na ee ka soo hor-jeedaana uu deggo rukun uu ku jabiyo.

Inkastoo la yidhaahdo shaxdu waa ilduuf, dalabna waa nin u ayaan roon, haddana, waxa lagu tilmaamaa in degsiimadda goddadka shaxdu ay tahay farsamo- xeeladdaysan, waana habka kaliyaata ee ay ku kala badiyaan labada ciyaar-yahan, sababtoo ah, Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa, haddii mid ka mid ahi uu hello saddexlay-gudban iyo Irmaan ama afarley-goray ah, waxa la yidhaahdaa wuu badiyey, haddii kale'se wuu iska jara-jaraystaa.

Waxaannay inta badan iskugu faanaan Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa markay deggeyaan goddadka shaxda, kan baan deggay, kan baan door biday, kannina ii dooran ama afartaa hog-dooro iyo anaa helay afar goray leh, ama afartaa irmaan kama dhacdee jarre ma'uugaamay, ama afar duuban oo hore, irmaan baan ka daba riday, afar-layna ii dihin, qoor-labina ii dadban iyo sidoo kale, afarlay irmaan oodan bay ku afariirtaa.

Waxa kale oo ay isticmaalaan labada ciyaar-yahan ee wada-dheelayaa erayo ay ka mid yihiin, sida, jare, laba-jare,jare-bax, jare-qaad, jare-dhac, jare-celiye.

Marka aynu ka nimaado xeeladda xirfadeysan ee ay leedahay shaxdu, haddana waxa ay ku soo gebo-gebawdaa ciyaar-yahan badiya oo ay libtu raacdo, kaasoo loo yaqaan faanle iyo mid guul-darradu raacdo oo la yidhaa faro-boodle.

Dhinaca xiddigiska burjiga Arliyo waa eray af-carabiya oo macnihiisu yahay dhul, dhulkuna waxa uu ka sameysan yahay walxo iskugu-jira macdanno badan oo isku-tagay, waana walax la taaban karo, oo la arki karo, oo la maqli karo, oo culeys ah, waxaanna loo aasaasay ujeedooyin badan oo leh dareeno kala duwan, dhamaan macdan kasta oo ku jirta dhulka amaba biyaha, run ahaantii aad bay u fududdahay in si dhib yaraan ah loo xaqiijo iyagoo jooga oo xasiloon amaba gacanta lagu hayo.

Wax kasta oo la doonaayo in la hello wuxuu ku hoos jiraa dhulka hoostiisa, marka laga reebo kuwo laga hello hawada iyo cirka sare, balse, dhamaan macdanaha dhulku ku jiraa, waxay noqon karaan kuwo leh lahaanshiyo mulkiyadeed.

Dadka Arliyada ah waxa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin dareen feejigan, dhex-dhexaadnimo run ah oo lagu kalsoon karo, waxaanay inta badan raadiyaan in ay ku noolaadaan hab-nolloleed ka badan aragtidooda ruuxiga ah, amaba ka sareysaba, inkastoo la taaban karo noloshooda, haddana, waa kuwo nidaam masuuliyadeed leh oo ka walaaca wax-yaabaha la faah-faahinayo.

Caruurta dhalata moorooyinka iyo meerayaashu arliyada ah, waxa ay noqdaan kuwo run-sheeg badan, sir leh, wax dhisa, oo qabta shaqooyinka adag, waxa kale oo ay noqdaan kuwo jecel xaqiiqadda, isla-markaana, wax kasta ka soo qaata wixii wax tar leh, la isticmaali karo, la taaban karo ee muuqda, ee wax ku oolka ah, gaar ahaana, waa kuwo leh qiimeyn xirfaddeed oo awooddeedu aad u sareyso.

Dadka Arliyada ahi waa kuwo ku guuleysta shaqada, kuwooda daacadda ahina waxa ay sameeyaan cusboonaysiin, inkastoo ay xiiseeyaan billowga hawalaha shaqo inay abuuraan mid cusub, taasoo ka turjumaysa sida uu malahooda uu yahay, waxaanay noqdaan kuwo u hogaansan habka iyo nidaamka ay u dajisan yihiin xeerarka iyo sharciyaddu......la soco....

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid