Sunday, December 9, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 11-aad



Gar-jileed:  Gar jileed ama Gar-badh waxa loo yaqaanaa garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin habaabiyo, macne ahaan kama taggana buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eeg wixii loo sheeganaayey,  si markaas dadka goobtaasi jooga uu ugaga qosliyo, isagoo doonaya in ay labaduba isku nooc noqdaan.
Gar dad-ban:   Gartan dadku ma’moodo, inay tahay garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda,  waxa jirta Murti tidhaahda "Qosolna hiil leh", taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin haddii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo.

Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa ay ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan.
Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa.

Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco.
Gar-booli: Waxa dhacda inay laba qof ama nin isku qaybsadaan wax aanu midkoodna lahayn, sida lacag iyaga oo wada socda ay meel cidla ah ka heleen, ka dibna uu labada nin midna hor arkay, midna horqaaday, lacagtaasina waa booli aanu labada nin ee isku haysta midna lahayn, laakiin marka laga gar-qaado labada nin mid-baa booligaa yeelanaya oo aanu xayiigle (Xaqlihii ay lacagtu ka luntay) mooyaane aanay cid kale ka kaxayn karin.
maahmaahbaa tidhaada, “Gari laba nin kama wada qosliso, sidaa darteed garta booli xeerkeedu waxa weeye "Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay”
Dhinaca kale ee suugaanta gabayada, heesaha ee ku aroora garaha, waxa ka mid ahaa sida,”  “Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir laba geesa iyo guurti kala soorta, garta laba mudaacaley hadloo dhaabad ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loo hoga-geshiyo marrin gobaadeedka,” Hadraawi.
“Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadaadiyo feeniyeen odaya loo qaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa,  gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba,  go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.

“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, haddaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale............la soco...........



No comments:

Post a Comment

Mahadsanid