Guud ahaan tirada shaqaalaha Markabkaasi waxa lagu
qiyaasaa in ka badan 14,000-kun oo shaqaale ah, kuwaasoo, aan haysan daryeel wanaagsan, wax-barasho, dhiiri-galin, caddaalad
iyo mushahar aan ku filneyn nolol maalmeedkooda, waxa kale oo aad arkeysaa shaqaale isku mid ah oo
darajadooduna ay ahayd “A” , oo
haddana, midna Bishii mushaharka uu qaataa ay ahayd, 5,000,000./ milyan oo shillin (Shan millyan
oo shillinkooda ah), oo u dhiganta $ 500 oo dollarka Mareykanka ah, halka ka
kalena uu ka qaadanaayey musharka,
9,80,000/ Sh ( Sagaal boqol iyo Sideetan kun oo shillin), oo u dhiganta
$ 98 oo dollarka Mareykanka ah.
Haddana, waxay u guddanayeen waajibaadkooda shaqo si hufan
oo o ay ku dheehnayd, daacadnimo, xilkasnimo iyo waayo arragnimo qoto-dheer oo ay ka
dhaxleen muddadii dheerayd ee ay ku hawlanaayeen hiigsiga himiladdii uu
markabkaasi hiigsanaayey.
Waxa kale oo ay lahaayeen
luuqad u gaar ahayd, isku af-garan jireen marka ay ku timaado xaalad ka duwan
xaaladdihii hore ee jiray, si aanay u fahmin haddii ay ka wax-khaldamaan ama ay
jirto dhibaato soo wajahda dadka markabka saarai, waxaana ka mid ahaa af-garashadaas,
erayada, “Alpha” oo macnaheedu uu ahaa, gurmadka daaweynta degdega ah,
“Bravo”’na uu ka ahaa gurmadka dabdamiska dabka, marka ay codsanayaan soo gudbinta
war-biximaha dhacdooyinka maalinlaha ahna ay u isticmaalayeen “Kilo”
halka, marka ay dalbanayaan qalabka
dayactirka nadaafadda uu ahaa A "30-30", taasoo, aan ku ogaaday mar
aan ku wargaliyey shaqaalaha markabkaas dhowr jeer oo ay ka dhaceen Matag goobo
ka mid ah goobaha bar kulanka u ahaa “PVI” (Public vomiting incident) dadkii
saarnaa markabkaas.
Naakhuudaha
markabkaasi mar uu laeshay kulan wada-xaajood ah shaqaalaha caafimaadka ka
hawl-galayey goob lagu daryeelo caafimaad bukaan jiifka, halkaas oo uu ka jeediyey
hadal kooban oo taabanaayey dhinaca hab-dhaqanka iyo anshaxa shaqaalaha
caafimaadka looga baahan yahay in ay kula dhaqmaan la daryeelayaasha u baahan
adeeg caafimaad, isla markaana, marka la daaweynaayo dhamaan dadka bukaanka ah
ee soo booqda goobahaas loo sameeyo cadaalad, sinaan iyo daacadnimo,
Waxaanu
intaas ku daray mabaadiida khuseysa kalsoonidu in ay tahay, in la tixgaliyo
qofka marka la go’aaminayo habka loola tacaalayo daaweyntiisa iyo in uu hello
dawooyinkiisa qofka bukaanka ahi, waana
in la ixtiraamaa rabitaankiisa xitaa marka aanad raali ka ahayn iyaga
laftigooda, waa inaad u muujisaan daacadnimo, oo aad illaalisaan
ballanqaadkooda ku saleysan dareenka la daryeelayaasha, waana inaad daryeeshaan
idinkoo u naxariisanaaya, oo qaadaaya
talaabo wanaagsan oo aad ugu gargaaraysaan dadkaas, idinkoo raacaya
rabitaanka dhinaca waxqabadka wanaagsan, gabagabadiina, waxa uu yidhi, haddii
ay jirto war-biximaha hadda la tuhunsan yahay in ay yihiin in aydaad si fiican
ugu shaqeynin dadka bukaanka ah, haddii ay jirto arintaas waa xadgudub.
Mar la weydiiyey shaqaalahaasi siday u arkaan kulankii uu
la yeeshay naakhuudahoodaasi, waxay ku tiraabeen, waxa aanu ka rajeynaynay
fikrado waxtar leh oo ku dhisan aragti abuuraysa dhiiri-galinta mustaqbalka
himiladda la hiigsanaayo, isla markaana, shaqaaluhuna ay kula shaqeyn
doonaan himiladdaas uu hiigsanaayo
markabkaas.
Dhinaca kale, Badmaaxayaasha inta badan ka faalooda saadaasha cimiladda
badda ayaa ku sababeeyey aragtida naakhuudaha Markabku, sida ay lagama
maarmaanka u tahay mid diiradda
saaraysa
ahmiyada ugu muhiimsan ee
dhinaca baahida nolosha, aragtida
waxtarka leh waa aragtida la xidhiidha wax-ka qabashada mustaqbalka iyo wax-ka
qabashada xaqiiqada waxa taagan maalinkaas, taasoo wakhtigaas suuqyada
ganacsiga markabkaasi ay buux dhaafiyeen
raashin dhacay iyo daawooyin isticmaalkoodu mabnuuc ka yahay aduunka……………….La
soco……………
Qalinkii/
Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid