Saturday, December 8, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 10-aad




Ninka hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn oo aan ka hadhi jirin illaa iyo sagaal awoow isaga iyo ubadkiisaba, bulshada dhexdeedana waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto,” nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", sababtoo ah, markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob.

Marka qof dhibaato loo gaystay wakhti hore, haddana mar labaad la dhibaateeyo,  waxay  yidhaahdaan hadimotalisyada meeshaasi joogaa  "maantana miyaa laguu noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin",  ka dib, dadkii kale ee soo dhex-galay ayaa yidhaahda Maahmaahdan "Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha". 

 “Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa", waxa loola jeedaa, maadaama  garuhu ay badan yihiin noocyaddoodu, isla markaana, mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon, garahoo daasi waxa ka mid ahaa, sida,:-   
Gar-kala dareeris:  waxa loo eegi jiray si cadaalad ah, laakiinse, waxay ahayd mid u eeg xal ama garta muslaxa loo yaqaan oo kale, isla markaana  ragga had iyo goor garta caynkaasoo kale ah,  raga wax ka qabtaa waxay ku sifoobmi jireen samatalisnimo.

Gartan waxa loo qaadaa laba qof ama wax ka badan, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, waxaana lagula dhaqmaa cidii wax-gaysatay, wax loogu yeedho”  Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad, marka gartan lagu jiro, waxa jirta murti "Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday". Laakiin waxa jirta murit kale oo iyana tidhaahda "Walaalkaa haddii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho", taas oo loola jeedo, ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa.
Ninka  markhaati been ah kuu furay, waxa lagala noqon jiray kalsoonidiisii iyo xeer-beegtinimadiisa, waxaana la odhan jiray  murtidan "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", oo macnaheedu uu yahay ninkaasi war-gal ma aha,  oo  looga qaateen ma aha’,  waxaana raaci jirtay ninka ay maalintaasi ka xumaatay jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago", waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama ragganimo ayaad kaga tagtaa.


Gar-muslax: waxa ay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiinse, marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, sababtoo ah, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey, dabeecadaha gartani leedahay waxa ka mid ah in aanay keenin wax  caqiibo-xumo , mana dhantaasho  toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada.
Gartani waa garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado, kuma degdego gar- cadaawe, sidaa darteedna, waxa uu ku dedaalaa gar-kasta oo loola yimaado inuu ka  baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe.........la soco.................

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid