Friday, December 7, 2018

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 9-aad



Sidaas bay Maahmaahdu kaga duwan tahay Murtida inteeda kale, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka iyo Hal ku dhega,  Maahmaahdan “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", Waxa loola jeedaa laba gari dhex-martay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo, hibasho iyo hiirtaanyo , waxaana laga yaabaa taasi in dad gacal ahaa ama tol ahaa ay kala fogeyso.

Had iyo goor marka uu isqabad yimaado, waxa lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeedadeedu tahay in si doqoniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin, isla markaana,  aan wax la sii  qod-qodin, ayaa loogu maahmaahaa, maahmaahdan, "Lafahana gur xarogana haka tegin",  Nin aan garaw baranin, garna ma barran, Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado, Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa, Fadhi iyo fuud yicibeedba laysla waa, Raqayo ninkii lahaa dabada hayo, ma kacdo, Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.

Oday gar loo xilsaaray, waa carrab ilko dhex yaal, Maahmaahdan waxa loola jeedaa ninka  xidaariga ah ee laba nin u gartanaqayaa, kolayba labada nin kii garta laga hellaa, waxa laga yaabaa in uu cadaawad u qaado ama xumaan.

Nin aan garaw baranini gar ma barran", Maahmaahdan waxa loola jeedaa dhinacayada garnaqsanayaa in ay gartooda banaanka ay ku soo akhristaan, isla markaana, ay si fiican u ogaadaan cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ku ah ee ay sitaan, maxaydun gar u leedihiin, maxaydunse gar u lahayn,  waa in ay talo ku daraan  oo ayna galin marka ay arkaan in laga gar helayo,  si aanay ugu ceeboobin,  ka dibna, haddii ay gar darran yihiina ay garawsadaan.

Sidoo kalena waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale ahaan, marka soddoggaa ama seedigaa kaa soo horjeeddo amaba ay arrini idin dhexmarto qof xil kugu leh oo aanad afka ku kala waaxi karin, sidaa darteedna lagaaga toosan yahay odhaahdiisuna ay af cid kale ku wanaagsan tahay. ayaa la  tidhaahdaa  Maahmaahdan "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado".

Marka dhowr nin oo ilmaadeer ahi ama saaxiib ahi uu mid ka mid ahi qof kale iska maago oo ay la hadli waayaan, odhan waayaana maxaad ninka ku maagaysaa waxay loo qaadanayaa wada qabasho dad-ban, markaa Somaliduna waxay ku maahmaahdaa “Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan waydo.
Ninka ka hor-dhaca ee suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey, isagana waxa la odhan jiray  "Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug". 

Waxa kale oo iyana jirta Ergo, waa dad si toos ah ugu taga cida ay wax u sheeganayaan , waxaanay noqotaaa ergadu mid la ajiibo (La yeelo) iyo mid la diido oo la yidhaahdo, “ waxa aad wadataan gar iyo garow toona kama ogolin”,  soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa  “Ergo wixii La farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa”.

Marka ninka wax laga tirsanayaa uu yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waa inuu ninkii wax tirsanayey uu garnaqsado, haddiise uu ninkii laga cabanayey garaabi-waayo, waxa haboon inuu ka ergoodo oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo haddii aanad odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax sameyso arrintaas waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay, waxaad lumisay migihii iyo sharaftii aad lahayd, cidina hadhow kuu garaabimayso, waxaana kugu filan miyaad nagu sintay, ayaa lagu maahmaahaa “May tidhina waa kayd rag”............la soco............


No comments:

Post a Comment

Mahadsanid