Posts

Hab-Dhaqanka Iyo Dabeecada Hoggaaminta Wanaagsan

Image
Hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsani waxay qayb ka tahay hoggaaminta wanaagsan.  Inkastoo lagu tilmaamo in koritaanka dabeecadaha aadamuhu ay qaadato muddo dheer,   haddana, lama garan Karo qiyaasta saxda ah ee ay hore-umarto, waxa'se lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee dadka kale loo muujo, waana ta innagu abuurta in aynu sawiran karno waxa ku sugan maskaxaha dadka kale, waxaanay tamarta dabeecadu ka timaadaa maskaxda, halka, tamarta hab-dhaqankuna ay ka timaado dareenka wanaagsan.  Hab-dhaqanka aadamaha waxa lagu tilmaamaa in uu yahay waxbarasho aqooneed iyo xaqiiqooyinka laga dhaxlo waayo-aragnimada qofeed ee awoodeedu aadka u sareyso, waxaanay noqon karaan kuwo leh awood ama kuwo ay awoodoodu hooseyso, kuwo hab-dhaqankoodu uu san yahay ama uu xun yahay,   taasoo inta badan lagu sifeeyo qofka leh dhaqan awoodeed oo haddana dabeecadiisu ay wanaagsan tahay, waxa lagu qiimeeyaa in uu yahay hogaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisab...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB Q/ 1-aad 2016

Image
Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Saadaasha xidiguhu waa mid lagu falan-qeeyo isbedelada cimilada, hawada, bad-maaxida, dowladaha, sidoo kalena ku dhaqan saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeedka  bulshaweynta, kuwaasoo u  sahamiya beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba. Mar uu kaga maansoonaayey abwaan Xassan Xaaji Cabdilaahi “Gannay”  Maansadiisii Duufaan,  taasoo dhaqanka iyo cilmiga xidigiska uu adeegsanayey dhinaca xoolaha iyo nooloha kale, gaar ahaan xiliga sumalka lagu daro idaha, waxaanu yidhi,  “Dabtuurkoo arbaca galay idahayga dayrtii, darbanah shakaalani, danbarsamaha ma afuro, oo waxaan dib ugu dhigay, falaggaan dabci aqaan, xilligii uu di’I jiray inuu roob ka daba maray, waydaarshay daydana, waxaan uga danleeyahay, markuu cawl xilli u dayay dhadiguu dul-saarnaa, anniguna dadbaan ahay jiilaalna waa daah” Maansadan oo aan ka soo xigtay buugga “Bad Macaan” ee uu qoray Maxamed Ahmed Xassan (Qodax). Soomaalidu waxa ay ...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB 2016 Qaybta 2-aad

Image
Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) Habeenka curashada Sannadka  cusub ee 2016 , Dayaxu wuxuu fadhiyey burjiga dabooje oo arliyo ah:-    wuxuu leeyahay wajiyo badan oo ah dhinaca dhex-dhexaadinta, Qowlka saxda ah, iyo in la qabto waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee taariikhiga ah, inkastoo lagu tilmaamo inuu leeyahay waxoogaa khatar ah. Dayax labaatanaad waxa la filan jiray dayax madoobaad,  waxa kale oo la filan jiray in maalmahani ay leeyihiin in dib u eegis lagu sameeyo wixii khaldamay, lana xaliyo muranadii jiray ka dibna la hagaajiyo camalka, xilligan qayb bay ka tahay billowga, la qabsiga caadeysiga, furniinka, walaaca, dhaleeceynta  iyo caadooyinka xun ee aan loo baahnayn,  waxa kale oo ay leedahay dareenka kicinta, go'aan qaadashada, ka hortagida, sameynta waxyaabaha aan la rabin, Xaaladaha aan loo baahnayn, daaweynta,  ka fikirka dariiqooyinkii gaboobay oo la qabto. Yoolkeedu waa:  In billowga shaqo oo laga ...
Image
ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2015 Qoraa:- Dr. Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      28/Dec/2014, Q/1-aad   Eebbe ayaa  iska leh xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna  ku joogtaa  amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Intuu adamihiisa ku manaystay  wax kooban. laakiin  Aadamuhu aadbay u jecelystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda , hase yeeshee  umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahooda, umana  adkaysan karaan ogaanshaha  hadday xogogaal u noqon lahaayeen  ayaamaha ku soo fool leh noloshooda  iyo saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin, haddana aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka. Ku dhaqanka saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeed bulshaweynta, iyagoo u sahaminaya beerahooda, xoolahooda, iyo noloshooda, waxaana arrimaha sa...

RIYADII SAC-MAALLADA : Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Qor/ Maxamed Faarax Qoti. Sabti: 24th/Oct/2015

Image
RIYADII SAC-MAALLADA  :  Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta.   Qor/ Maxamed Faarax Qoti.  Sabti: 24th/Oct/2015 Waxay sheekadan ku aroortaa boqortooyo bari hore ka talin jirtay aduunka oo ka koobnayd boqor iyo hawl-wadeenadiisa oo la odhan jiray gollaha sac-maallada, kuwaasoo koox ka mid ahi sameeyeen kacdoon ay kaga soo horjeedeen fikir boqorkoodu qaatay, waxa kale oo ay la xidhiidhaa habka hoggaaminta fiican iyo qaabka murrasharaxiinta oo lagu saleeyo rabitaanka dadka. Beri hore ama wakhtiyo hore oo la soo dhaafay waxa jiray boqor ka mid ahaa boqoradii hore ee ka soo taliyey dunidan aynu ku nool nahay ee masaal iyo tusaalaha loogu soo qaato sababihii uu ku gaadhay guusha iyo ka dib sababihii dhaliyey guul-daraddiisa. Waxa ay Boqortooyadaasi ka koobnayd saddex-xubnood, taasoo xubin-kastaaba uu  ka soo bixi jiray  musharax  u lay-lisan hogaaminta inuu ku guuleysto jagada boqornimada,  isla-markaana waxa lagu...