Posts

Showing posts from 2023

SUUGAAN-AFEEDKA

Suugaan afeedka leh (Tiraabta) xaraf raaca qaafiyadda gabayga oo kale, laakiinse aan lahayn miisaanka maansada, sida. Af iyo adin, Bari iyo bugux, Bad iyo barri, Bur iyo baad, Babac iyo bannaan, Bello iyo baas, Bashbash iyo barwaaqo, Tar iyo taran, Tiro iyo tayo, Tix iyo tiraab, Jiib iyo jaan, Jiif iyo joog, Juuq iyo jabaq, Xeer iyo xeegaan, Xillo iyo xoolo, Xoog iyo xeelad, Dan iyo duco, Dooc iyo dareen, Dadan iyo daalacan, Diif iyo diihaal, Dad iyo duunyo, Dabiyo dacal, dub iyo diir, Raq iyo ruux, Rug iyo raas, Rug iyo rays, Rag iyo rabi, Sol iyo saan, Surqan iyo sadan, Silic iyo saxarriir, Sad iyo Saad, Shaqal iyo shibane,, Sheeko iyo shaahid, Dhaweeye iyo dhameeye, Dhib iyo dheef, Cad iyo caano, Ciil iyo cadho, Cid iyo ciirsi, Caruur iyo ciroole, Cajab iyo Cajiib, Gar iyo gardaro, Gaban iyo ga'ban, Guux iyo gariir, Garbaaralay iyo garangoorlay, Garlay iyo garowshiyo'lay, Qaylo iyo qaxar, Qudh iyo qoon, Fud iyo faar, Fal iyo fal-kaabe, Faanle iyo faro-boodhle, Kafan...

Kabo-gashiga, Geela iyo Haweenkaba waa la hiddo raacaa.

Image
  Doollow kama tagana guurku adigoo cagaagan oo doonaaya inaad iibsato caggo-gashi, maaha inaad eegto quruxda qaab muuqaaleedka caggo-gashigu u sameysan yahay, wacnaantooda iyo qiimahooda, balse, waa in aad eegtaa cagogashigaas in ay ku leeg yihiin, sababtoo ah, haddii aad iibsato caggo-gashi ka weyn qiyaasta cagtaada, waa inaad u diyaar garowdaa in aad la'luudo jiiditaanka culayska caggo-gashigaas, waxaan xasuustaa qaar badan oo cagta jiidaaya oo ay ku adag tahay inay gaadhaan aayahooda,  Murti baa tidhaahda, Caggo-gashi kaa badan iyo tolba waa la iska dhex socdaa, taasoo loola jeedo in dadka tolka ahi ay iskugu jiraan dad isku dhafan oo kala ah, geesi, fulay, deeqsi, bakhayl, fariid, hoori,gurabaasle, doqon, halyeey iyo xidaari, markaa qofkii doona tol wanaagsan, tol la'aan buu mutaaye, oo lama wada helli karo tol wada halyeey ah. Haddii aad iibsato caggo-gashi ka yar qiyaasta cagtaadana, waa inaad u diyaar garowdaa inaad dareento xannuun aad u badan, waxaan xusuustaa dad...

Dhaqanka iyo Xidigiska

Image
 (Sidiggi daad kama talowdo baa la yidhi) Waar Lo'da waadaamo lugudkeedii dhacay ama jir laa ama jiilaal laaye, ceelka ka soo bax ayey odhan jireen xoolo dhaqatadu iyagoo u sahaminaaya xoolahooda maalmaha foolka ku soo haya waxa ay mudan doonaan, iyagoo uu eegaaya dhinaca xidigiska. Sidoo kale Lo'laydu neefka saca ah ee lamaan, haddii uu ku soo beegmo xilli abaareed oo aanu  haysan biyo iyo baad uu ku noolaado,  Lo'laydu neefka weysha ah ee saca ku lamaan way ka gowrici jireen, si aanay labadooduba u leedin xilliga lagu jiro abaarta. Waxa dhacday in Laba nin oo lo'lay ahi oo lo'doodu xerro kuwada jirtay, ay soo food saarto abaar aad u xumeyd,  labadoodaba waxa u xerraysnaa laba Sac oo irmaan, waxaannay isla garteen in labada weylood mid ahaan ay ka gowracaan, isla markaana, weysha hadhay ku sidkaan oo ay ku maalaan labada Sac ee irmaan,  markii ay abaartii ka jabtay ee dhulkii barwaaqoobay ee ay xoolihii intii hadhay ay heleen biyo iyo baad ku filan. Dhinaca xid...

Waa Aasaasihii Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Image
Waxa uu ku dhashay Magaalada Cadan ee ku taala dalka Yemen, tariikhdu markay ahayd sannadkii 1958-kii. Yaraantiisii waxa uu waxbarshada dugsiga hoose uu ku soo qaatay dugsigii hoose ee la odhan jiray Macala oo ku yaalay magaalada Cadan ee Dalka yemen, iyo dugsigii la odhan jiray Dayaxa ee ku yaalay Gobolka Sanaag ee Dalka Jamhuuriyadda Somailand. Waxaannu nasiib u yeeshay in uu noqday hormadii ugu danbeysay ee dhameysatay Dugsigii Dayaxa sannadkii 1974-kii, wakhtigaas ka dib waxa la xidhay dugsigaas, taasoo sabab u ahayd ololihii lagu cidhib tirayey waxbarashada dugsiyadii reer Waqooyiga, waxaanna dugsiyadaas la xidhay ka mid ahaa, Dugsiga dayaxa, Oodweyne, Beer, Bulaxaar, dhamaan dusiyadaas waxa albaabada u laabay Wasiirkii Waxbarashada ee la odhan jiray Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Dr.Carabeyte) waxa uu waxbarashadii dugsigiisii sare ku soo qaatay Dugsigii Sheekh iyo Dugsigii Qardho sannadku markuu ahaa 1976-kii, ilaa iyo sannadkii 1978-kii, markii uu dhamey...

Toojaba nin leh baa maala

Image
Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaaye, ma'lihi cidbaa Geel inaga noqotay, balse, waxaad moodaa hab-dhaqan dabeecaddeedkii xooluhu in uu saameyn ku yeeshay hab-dhaqan dabeecadeedka dadka reer guuraanimada ah, sababtoo ah ficil kasta iyo loolan kasta oo uu isku diyaariyo jidhku, waxa loo aaneeyaa in uu ka yimaado habdhaqan-dabeecaddeedka ay leeyihiin xayawaanka, xoolaha iyo dadkuba. Had iyo goor waxa dhacda, xilli laga soo gaasaabaxay jiilaal-dheeraaday oo lagu jiro xilli barwaaqo ah, galabsadayna gudgude roob, gelgelimahana ay jiifaan calcalyadii xareedda ahayd, caleemaha dhirtana ay saaran yihiin dharabkii dhibicii biyaha roobku, geeluna geedaha sare faraqa laamaha xarago laacayo marna uu ku nasanayo rujinta burarka dooga ee jaadba jaadka ah, labada fiidyo cawl fiidyo cawlkii danbe'na uu ku soo hooydey xeradiisii, haddii geelu habeenkaas mirta dhexe uu meel fog ka halacsado hilaac roob meel kale ka da'aya, waagu markuu beryo wuxuu u tooreeyaa jihadii xalay roobku ka da...

Nebiyada Quraanka Lagu Xusay

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, Murtideenii iyo Aqoon korodhsigeenii, waxa aynu maanta halkan ku soo qaadan doonaa 25-Nebi ee magacyadooda lagu xusay Quraanka kariimka ah, sidii ay u soo kala horreeyeen Nebiyaddaasi.(CS) iyo Faracooda. 1- Adam. 2-Idiris. 3.Nuux.  4.Huud. 5. Saalix. 6.Ibraahim. 7. Luud.  8. Ismaaciil. 9. Isaxaaq 10 Yacquub. 11.Yuusuf. 12.Shucayb. 13.Ayuub. 14.Dul-Kifli  15.Muuse. 16.Haaruun.  17.Daa'uud. 18. Suleymaan. 19. Ilyaas. 20.Ilyasac. 21. Yuunus. 22. Sakariye. 23. Yaxye. 24. Ciise. 25.Muhammad (scw) By. Maxamed Faarax Qoti

Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd...

Image
Sheeko kale: Doraad waad arrin xumeyd, shalayna waad ayaan xumeyd, maantana waad arag xuntahay. Sheekaba sheeko ayey keentaaye, nolosha miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo aasaasantay nolosheenu, waa hore oo la soo dhaafay, Odey reer miyi ah ayaa cadho laba geedi kaga soo guuray reero uu la degenaa oo yaalay degel barwaaqo ah, nin caaqil ah oo aad u garaad wacan ayaa aad u abhiyey oo ku yidhi, waar balaayo kac oo guursay ku tidhaa ama kacoo guur, reerka ha rarine iska joog, mida kale sahan la'aan lama guuro ee ha guurin, oo reerka iyo caruurta ha u loogin bahalka ee nala joog hanaga guurinne, wuu ka diiday talladii caaqilkaas, waannu guuray oo wuxuu reerkiisii dejiyey guri-cas laga guuray oo ku yaalay keyn cidlo ah. Markii uu reerkii dejiyey ayuu waxoogaa ood ah u soo guray oo uu ku weegaaray xeradii adhiga, illayn waa oday soo daalay oo laba caano-maal geeddi ku soo jiraye wuu iska seexday, maalinkii danbe isagoo dulleedka reerka geed ku yaalay hoostiisa doonyey...

Neefsasho wadajirta

Image
Neefsasho wadajirta aynu ku gaadhno  yoolka Dowladda Hoose  Hoggaamiyayaasha Dowladdaha waxa  udub dhexaad u ah  tayo'da wanaagsan ee ay leeyihiin dowladdaha hoose, taasoo waxtarkooda  lagu qiimeeyo hab-raacyaddan kala duwan, sida,  tallo-wadaagga, isla-xisaabtanka,  hufnaanta,  kartida, ku dhaqanka xeerarka iyo qaynuunka.  Haddaba, Duqa Caasimadda Hargeysa  ee Dowladda Hoose mudane, Cabdikariin Axmed Mooge wuxuu ku yimid codka dadweynaha ku nool Gobolka Maroodijeex, waxaanna loo aqoonsan yahay  in uu yahay hoggaamiyaha arrimaha bulshada ee ku yimid codkii ugu badnaa ee ay ku soo doorteen bulshadiisu,  maayarku kuma shaqeeyo qolo, qolo,  qabiil, umana shaqeeyo qolo gaar ah ama dannihiisa gaarka ah, balse waxa uu u tafaxaydan yahay  danaha bulshadii soo dooratay in uu horumariyo,  waxaannu door muhiima ka qaataa  horumarinta wadajirka bulshada deegaankan kuwada nool, wacyi galinta bulshada, kor u qaadida iska...

Magacyadii hore

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, murtidii iyo aqoon korodhsigeenii, maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa n magac bixinta loo eego dhinacyo badan, sida,  xilliga, maalinka iyo moorada uu dhashay ilmuhu, astaanta uu leeyahay ilmaha dhashay, habeenka uu dhashay ilmuhu, godka dayaxu fadhiyey, ulashadiisa, quruxdiisa iyo midabkiisa. Wiilka dhasha habeenka godka dayuxu fadhiyo Agaali waranlay, waxa loo bixiyaa col-ujoog, markuu dayaxu la fadhiyo dirirkana ama lagu jiro xaalad dagaalna waxa loo bixiyaa Dirir, wiilka dhasha  dayaxa oo  fadhiyo Koxdin cawo,  waxa loo bixiyaa Cawaale, ama ayaanle, Inantana Cawo ama Ayaan, Hodan, Sareedo, ama Hibaaq , ama  Doobiro. Wiilka dhasha libidhadu inta aanay soo bixin waxa loo bixiyaa waaberi,  waasuge,waa-dhowr, halka Inanta dhalata labada fiidyo cawl ka hore'na  waxa loo bixiyaa illeyska falaadhaha ka horeeya qoraxda,  Kaaha ama Iftin,  wiilka dhasha xilliga cimiladu kulushah...

Sheeko kale

Image
 SHEEKO KALE:  sheekadeenii ahayd waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ahayd ee markii hore uu ka soo dhacay iska shubay.  Ninkii inan la yaalka ahaa, markii uu xeradii soo dhex galay, waxa uu arkay wankii xoolaha ugu shislaa oo rafanaya, oo naftu ka sii baxayso, waxaannu is yidhi, neefkan ku soo gaadhi maysid nafta inta aad madiisha u soo sido, waxaannu go'aansaday in uu hurdadiisii iskaga noqdo, waannu ka baxay xeradii xoolaha, isagoo aad ugu adkeeyey oodii afsaarka u ahayd kadinka xerada....

Gorgorka

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa, Sawirka Maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Dagaalka Gorgorka iyo Maska, Gorgorku kulama dagaalamo Maska dhulka guudkiisa, laakiinse, Gorgorku marka uu la haado maska hawada sare ee dheeliga tiran ee xaaladduna ay isku beddesho dagaalka cirka, marka uu ku sugan yahay hawada sare ee dheeliga tiran Masku ma'laha adkaysi awooddeed oo uu ku sii dagaalamo, waxaannu dareemaa Tamar la'aan iyo habacsannaan badan.  Markii lagaga adkaaday Dagaalkii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ayey u soo rareen Dagaalkii Siyaasaddii Gudaha iyagoo waliba adeegsanaya maaweelliyayaal ah Hiddiwaallayaal iyo Gurabaaslayaal cadheysan oo loo soo xanbaariyey xumbo.  Haddaba, siyaasadda dagaalka gudaha ee la soo waaridday waa inaad u rarto dhinaca ruuxda, sababtoo ah caddowgaaga lagulama dagaallamo aagga ay ku raaxaysanayaan, laakiinse waxa muhiim ah in aad dagaalka u beddesho jiho kale, sida Gorgorka oo kale adigoo cibaadaysanaya, waxa aad gaa...

Degmadii Milk well ee xasaradda badneyd

Sheeko kale:  Oo aad u xiiso badan:  Wali waxa aynu ku jirnaa sawirkeenii sannadkii la soo dhaafay, sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Degmo ka tirsaneyd magaalo madaxda caasimadda Rooma ee Dalka Talyaaniga, Degmadaas oo la odhan jiray milk well District, inkastoo dadka reer Rooma ay lahaayeen qawaaniin cuddoon, xeegaan iyo xeerar dhaqan oo ay ku kala saari jireen marka ay degenaansho la’aani ku timaado wada-noolaanshaha dadka reer Rooma. Arrintaas oo tusaale iyo masaal loogu soo qaato habkii ay ku xalliyeen dhibaatooyinkii inta badan ka dhex alloosnaa Degmo milk well ee magaalada Rooma, taasoo ay degenaayeen dad xasarad badnaa oo la iska illaalin jiray, oo lakala illaalin jiray, lagana illaalin jiray dhibkoodu in uu gaadho bulshadii ku noolayd Caasimadda Rooma, iyaga laftigoodana waxa laga illaalin jiray in dhib ka soo gaadho bulshada inteeda kale ee ay wada degenaayeen. Arrintaas waxa ay saameyn weyn ku yeelatay dhinaca  nabadda iyo degennaanshaha Caasimadda ...

CARABKA IYO FALKA

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa sawirka maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Carabka iyo Falka, Kuwa isku sheega in ay yihiin Wariyayaal balse isku beddelay hidiwaalayaal dadka beenta ku maaweelinaya, madax-dhaqameeddada isku beddelay gurabaaslayaasha cadhaysan ee ku hadla hadallada aan murti badan xanbaarsanayn, Garaadlaawayaasha, Siyaasiyiinta ku hadla hadallada af-waajiga ah, Dhamaan Qorayaasha Qora afka Soomaaliga ee curyaamiyey dedaaladda loogu jiro horumarka arrimaha bulshada Somaliland. Runtii shaki kuma jiro in aynu wax kasta garanayno, laakiinse waxa hubaal ah in aynaan wax-badan ka fahamsanayn wixii aynu garanaynay, marka aynu ka nimaadno falka aan wanaagsanayn ee uu sameeyo xubnaha Jidhka Aadamaha, haddana carabku waa shayga kaliya ee aynu kaga bedbaadi karayno cadaabka Alle “SWT” . Carabku waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay, kuna xidhan yahay Maanka (qalbiga) aadamaha, kaasoo dhawaaqa dawanka codka dhiilada leh ee aan fiicnayn ee uu sa...

Murti carbeed...

 Murti Carbeed baa tidhaahda “ An-naasu calaa diiniy muluukihim” taasoo macno ahaan noqonaysa,  dadku waxa ay haystaan diinta madaxdoodu ay haysato. Hogaamiyuhu marka uu jecel yahay wanaaga, isaguna wuu wanaagsan yahay,  dadkuna way isku wada-eekaysiiyaan, balse, marka la ogyahay in uu xiiseynayo xumaanta, boobka, dhaca, dilka, iyo tumashada, dadkuna waxa ay is odhanayaan xagan buu jecel yahaye bal isku eekaysiiya, oo dhinaca xun ayey u kacaan. Haddiise qofka xun xumaan loogu jawaabayo, qofka wanaagsana wanaag loogu jawaabayo, dadku waxa ay door-bidayaan in ay wanaagsanaadaan, kii wanaagsanaana waxa uu ku sii  dhiiranayaa inuu wanaagsii sii laban-laabo, isla-markaana umadiina ay wada-wanaagsanaato.

Dalka ugu faca-weyn Adduunka. Q/5-aad

Image
19. Somaliland: Taariikhyahannadu waxay xusaan in lala xidhiidhiyo inay tahay Jamhuuriyadda Somaliland, halkii ay ka soo unkatay ilbaxnimadii hore iyo ganacisgii hore ee adduunka. Isla markaana bulshadii hore ee ku noolaydna qaarkood ay u haajireen Levant oo ah gobolka xeebta dhereran ee ku yaala bariga badda Mediterranka ee ka soo bilaabmata waqooyiga Siiriya iyo Koonfurta Masar oo ah halka kala qeybisa dadyowga kala duwan iyo dhaqannadii soo jireenka ahaa. Somaliland waxa ay ku taallaan gacanka geeska Afrika, waxay xuduud la leedahay xeebta koonfureed gacanka cadmeed, waqooyi galbeedna waxa ay xuduud la leedahay Dalka Jabuuti, dhinaca Koonfureed iyo Galbeedkana waxa ay xuduud la leedahay Dalka Itoobiya, dalka Soomaaliyana Bariga, Somaliland dadkanku nooli waxa ay rumeysan yihiin Diinta Islaamka, waa dad isku af ah, isku diin ah, isku dhaqanka ah.  Qarnigii 18-aad illaa iyo Qarnigii 19-aad badhtamihiisii waxa ay maxmiyad u ahayd dalka Ingiriiska, ka dib markii xornimadda ka qaad...

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q. 4-aad

Image
 16. Ireland: Jamhuuriyadda Eerland waxa naafeeyey qulqulkii dadkii u soo dhoofi jiray, dagaalo sokeeye, dagaaladii diinta Kiristaanka, kii midowga iyo madaxbannnaanida.  Dadka Ayrishku waa ilbaxnimadii hore ee adduunka, nolosha dadka Ayrishku waxa ay ku tiirsanaayeen beeraha, waxaana lagu qiyaasaa jiritaankooda illaa iyo in ka badan 10,000- oo sannadood ka hor. 17. Faransiiska: Dalka Faransiisku waxa uu soo jiray in ka badan 1000-kun sannadood, waxaannu caan ku yahay dhacdooyinkii ugu caansanaa sooyaalkii taariikheed ee reer Yurub, sida, Kacaankii Faransiiska ee sannadkii 1789-kii, Dagaalkii Napoleonka iyo duulaankii Jarmalka ee sannadkii 1914 illaa iyo sannadkii 1940-kii. Billowgii aasaaska dowladda Faransiiska waxay ka dhalatay xoojinta awoodda iyo ballaadhinta dhulka iyadoo loo marayo dagaal in lala galo boqorradii Ingiriiska iyo Habsburgs. Dadka ku nool fransiiska waxa lagu qiimeeyaa dhinaca diimaha in boqolkiiba konton (50%) ay haystaan mad-habta Catholicism iyo Prote...

Dalka ugu faca-weyn Dunnida. Q.3-aad

Image
10. Georgia: Jeerjiyada cusub waa halkay ka soo unkatay soo saarista khamriga, waxaad ku arkaysaa jalxaddihii hore ee la isticmaali jiray ku dhawaad 8,000 oo sannadood ka hore. Dadka reer Jeerjiya intooda badan waxa ay haystaan mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka, halka qeyb kalena ay haystaan diinta Muslimka. 11. Sudan: Jamhuuriyadda Dalka Suudaan waxa hore u soo xukumi jiray boqortooyadii Karma taariikhdu markay ahayd 2,500 -illaa iyo 1,500 oo sannadood CH, nolosha dadka reer suudaan waxa ay ku tiirsan yihiin labanka, ugaadhsiga, kaluumaysiga, beerista heeda iyo dhaqashada xoolaha, intooda badan waa Muslim, marka laga reebo inta haysata diinta Kiristaanka. Sida la xaqiijiyey waa dad ka soo barakacay lama degaanka saxaraha, markay dalka suudaan yimaadeena waxa ay noqdeen beeralay. 12. Itoobiya : Jiritaanka Dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 2,000-sannadood CH. Dadka ku nool dalka Itoobiya waxa lagu qiyaasaa 80-qoomiyaddood, waxaannay boqolkiiba saddex iyo afartan ...

Dalka ugu faca-weyn Adduunka Q/2-aad

Image
5. Armaaniya: Sooyaalka Taariikheed ee raadraaca Armaaniya ayaa lagu qiyaasaa jiritaankeeda muddo 3,500- oo sannadood. Nidaam dowliya oo ka hirgala Dalka Armaaniy waxa ugu horeeyey qarnigii lixaad, inkastoo gobolkan la aaasaasay taariikhdu markay ahayd 782-kii, haddana waxa lagu tilmaamaa in uu wakhtigaas lahaa awood aad u xoogan iyo nidaam dowladdeed, Armaaniya waxa ay ka soo bilaabmataa badda madow, badda Caspianka iyo Mediterranean illaa iyo harada Urmia ee dalka Iiraan.  Armeniyiintii waxa ay ahaayeen dadkii ugu horreeyay ee qaata diinta Kiristaanka oo wakhtigaas ahayd diin dawladeed taariikhdu markay ahayd sannadkii 301-dii Ilaa iyo hadda, waxa ay weli ku dheggan yihiin Kaniisadda Rasushii Armaaniya, waana Kiniisadda ugu faca-weyn Adduunka. 6. Kuuriya: Jasiiradda Kuuriya waxay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Shacabka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, dadka ku nool waxa ay aaminsan yihiin qaarkood diintii Nabi Muxamed (scw) halka qaar kale'na ay rumeysa...

Dalka Ugu Faca-weyn Adduunka.

Image
Weli waxa aynu ku guda jirnaa Sheekooyinkeenii halaasiga ahaa, Murtideenii iyo Aqoon-korodhsigeenii, waxa aynu maanta ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn Adduunka. Inkastoo ay jiraan magaalooyin soo if baxay iyo kuwo siqiiray, oo aan hayn raadraacood taariikheed, haddana, si kastaba ha'noqotee, waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa 20-ka dal ee ugu faca-weyn, dhinaca ilbaxnimaddii hore ee Adduunka. 1. Dalka Iiraan waxa uu ka mid ahaa Beershiya Qarnigii 20-aad, illaa iyo haddana waa dalka ugu faca-weyn dhinaca Ilbaxnimada Adduunka. Dabayaaqadii sannadkii 1501-dii ayaa Dalka Iiraan lagaga dhawaaqay dowlad madaxbannaan oo hoos timaadda boqortooyadii Safawiidka oo ahayd boqortooyo shiico ah oo ka talinaysay ilaa iyo sannadkii 1979-kii, taasaana sabab u ahayd in loogu yeedho dalka ugu faca- weyn Adduunka. 2. Masar: Dalka Masar ayaa lagu qiyaasaa in ay soo jirtay illaa iyo ​​30- qarni, baadhitaano lagu sameeyey sannaddadii ugu danbeeyey ayaa lagu ogaaday magaalo ka mid aha...

Masaajiddada ugu faca-weyn

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga badnaa iyo sooyaalkii taariikeed, maanta waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa sideedda masaajid ee ugu cimriga dheer leh dunnida, Masaajidka koowaad waa Al- Xaramayn, runtii lama yaqaano wakhtiga la bineeyey dhismaha masaajidkan, balse, waxa lagu tilmaamaa in uu yahay masaajidka ugu faca weyn aduunka. Sidoo kale, Kacbada ayaa ah goobta ugu xurmada mudan Diinta Islaamka, goobtaas oo dadka muslimiinta ahi ay u tagaan sidii ay u gudan lahaayeen cimrada iyo gudashada waajibaadka Xajka sannadkiiba hal mar, taas marka aynu ka nimaadno, Masaajidkani waxa uu leeyahay dhowr goobood oo aad muhiim u ah, sida, Dhagaxa Madow, Qabrigii Nabi Ibraahim (C.S,), Ceelka Samsamka ah, Buuraha Safa iyo Marwa, dhismaha Masjidkan ayaa dib u habeyn iyo ballaadhin lagu sameynaayey qarniyo aad u badan. Culimada Islaamka qaarkood ayaa aaminsan in Dhagaxa Madow uu yahay mid ka hadhay dhismihii asalka ahaa ee lagu dhisayey masjidkan, wakhtigan aynu jo...

Sheeko kale: Garo ama ha garan

Image
 SHEEKO KALE: Qofka Garta Jawaabta saxda ah ee Su'aasha ku sidkan Sheekadan, waxa uu abaal marin u helli doonaa hal eray oo noloshiisa anfici doona.  Aaraa (Dhaqanku kuma koobna oo kaliya, fanka, dharka, falsamida, qoraaladda, caadooyinka, suugaanta, ciyaaraha hiddaha iyo hagayaasha lagu tilmaansado sooyaalka taariikheed ee soo jireenka ah balse, dhaqanku waa tiir ka mid ah tiirarka nolosha iyo xuquuqda habnololeedka aasaasiga ah ee qofka.)  Haddaba, Waa hore oo aynu soo dhaafnay ayaa Nin Alle (SW) uu siiyey oori wacan, taran iyo taran xoolaad oo reer miyi ah, uu habeen habeenada ka mid ah isagoo hurda, ayuu dhurwaa u soo dhacay xeradii xooluhu ugu jireen, isla markiiba, waxa uu qoorta kala bixiyey wan shilis oo daylnaa, Ninkii reer miyaga markii uu maqlay sanqadha iyo diditaankii xoolaha ayuu degdeg hurdadii uga soo kacay, waxaannu soo aaday kadinkii xeradii xoolaha, markii uu dhowr midh oo oodii kadinka afsaarka u ahayd qaaday, ayuu dhurwaagii oodii dhacamada ah...

Nayruuska saadaasha sannadka cusub 2023

Wersidaheena Nayruuska saadaasha xidigiska ee sannadlaha ah ayaa u dabaaldegaya sannad-guuradii 11-aad ee aan qoro. Garasho Eebaa iska leh, isagaanay u sugnaatay xukunka kownkan, maamulkiisa iyo qadarkiisana cidina lama wadaagto, duniduna waxay ku joogtaa amarka awooda Eebe,  Rabigeen ayey u sugnaatay aqoon iyo cilmiba, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban. Haddana, Aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan inay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan, haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Balse, ku dhaqanka saadaasha xidigaha waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska i...

Gorgorka

Image
Wali waxa aynu ku guda jirnaa sawirkeenii sannadlaha ahaa, Sawirka Maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa Dagaalka Gorgorka iyo Maska, Gorgorku kulama dagaalamo Maska dhulka guudkiisa, laakiinse,  Gorgorku marka uu la haado maska hawada  sare ee dheeliga tiran ee xaaladduna ay isku beddesho dagaalka cirka,  marka uu ku sugan yahay hawada sare ee dheeliga tiran Masku ma'laha adkaysi awooddeed oo uu ku sii dagaalamo,  waxaannu dareemaa Tamar la'aan iyo habacsannaan badan.  Markii lagaga adkaaday Dagaalkii Siyaasadda Arrimaha Dibedda ayey u soo rareen Dagaalkii Siyaasaddii Gudaha iyagoo waliba adeegsanaya maaweelliyayaal ah Hiddiwaallayaal iyo Gurabaaslayaal cadheysan oo loo soo xanbaariyey xumbo.  Haddaba,  siyaasadda dagaalka gudaha ee   la soo waaridday waa inaad  u rarto dhinaca ruuxda, sababtoo ah caddowgaaga lagulama dagaallamo aagga ay ku raaxaysanayaan, laakiinse waxa muhiim ah in aad dagaalka u beddesho jiho kale,  sida Gorgork...