Tuesday, February 28, 2023

Masaajiddada ugu faca-weyn

Wali waxa aynu ku guda jirnaa sheekooyinkeenii halaasiga badnaa iyo sooyaalkii taariikeed, maanta waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa sideedda masaajid ee ugu cimriga dheer leh dunnida, Masaajidka koowaad waa Al- Xaramayn, runtii lama yaqaano wakhtiga la bineeyey dhismaha masaajidkan, balse, waxa lagu tilmaamaa in uu yahay masaajidka ugu faca weyn aduunka.

Sidoo kale, Kacbada ayaa ah goobta ugu xurmada mudan Diinta Islaamka, goobtaas oo dadka muslimiinta ahi ay u tagaan sidii ay u gudan lahaayeen cimrada iyo gudashada waajibaadka Xajka sannadkiiba hal mar, taas marka aynu ka nimaadno, Masaajidkani waxa uu leeyahay dhowr goobood oo aad muhiim u ah, sida, Dhagaxa Madow, Qabrigii Nabi Ibraahim (C.S,), Ceelka Samsamka ah, Buuraha Safa iyo Marwa, dhismaha Masjidkan ayaa dib u habeyn iyo ballaadhin lagu sameynaayey qarniyo aad u badan.

Culimada Islaamka qaarkood ayaa aaminsan in Dhagaxa Madow uu yahay mid ka hadhay dhismihii asalka ahaa ee lagu dhisayey masjidkan, wakhtigan aynu joogno Masaajidkan waxa uu ku fadhiyaa dhul qiyaastiisu dhan tahay 356,000 mitir oo laba jibbaaran, waxaannu leeyahay sagaal minaaradood, waxaanna hal mar ku tukan kara dad tiradoodu gaadhayso laba milyan iyo shan boqol oo kun (2.5 milyan) oo qof.

2- Masaajidka Xaramayn al-Shariif, oo loo yaqaan Temple Mount, waxaa lagu tiriyaa inuu yahay masaajidka labaad ee ugu da'da weyn adduunka, waana dhismaha saddexaad ee ugu xurmada badan Islaamka, balse, maaha in loo arko in uu muqadas uun u yahay umadda muslimiinta oo kaliya, sidoo kale, waxa iyana muqadas u arka Yuhuudda iyo Masiixiyiinta. 

Masjidkan waxa uu ku yaala magaalada Jerusalem ee dalka falastiin waxaana dhismihiisa ku yaala Qubbat al-sakhra, Qubbatu Masjidka Dhagaxa iyo Masjidka al-Aqsa.

Sida la ogsoon yahay dhinaca dhaqanka Islaamka, Masjidka Al-aqsa waa meeshii uu Nebi Muxamed u koray samada toddobaad (Sidratul Muntaxa) ee uu habeenka u socdaalay (waxaanna loo yaqaanaa Isra Mic'raaj).

Dhinaca kale, Yuhuuddu waxay rumaysan yihiin in Qubbada Dhagaxu uu yahay meeshii Nabi Ibraahim isku dayay inuu wiilkiisa alle bari uu ugu bixiyo.

Goobtan ayaa ah goob muddo dheer uu ka taagnaa ikhilaaf siyaasaddeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, Xilligan waxa la og yahay in ay gacanta ugu jirto maamulka Israa’iiliyiinta. 

Si kastaba ha ahaatee, waxaanna la og'soon hillaada dhow in ay Muslimku ku maamuli doonaan caqiidada Diinta Islaamka.

3. Masaajidka Al-Mashar Al-xaram ee loo yaqaano Taallada Quduuska ah, masaajidkan oo ah masaajid korka ka furan ayaa ku yaala Musdalifah oo u dhow Maka. 

Masaajidkan ayaa lagu sheegay qur’aanka kariimka ah, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay mid ka mid ah masaajiddada ugu faca weyn aduunka, waxaannu qeyb ka yahay gudashada xajka, xujaajtu markay soo gutaan Kacbada ayey uga sii safraan Mina, waxaannay uga sii gudbaan Masjidka Al-mashar Al-xaram si ay ugu tukadaan salaadda Maqrib iyo Cishaa'i.

Kadib maalinka ku xiga waxa ay u anbabaxaan Mina, waxaannay dib ugu laabtaan Musdalifah si ay ugu tukadaan salaada Subuh, waxaannay u sii dhaafaan Maka. 

4. Masaajidka Saxaabada ee loo yaqaano Masjidka saxaaba, waa masaajid yar oo ku yaala magaalada Masawa ee dalka Eritera, waxaanna lagu tilmaamaa in uu yahay masaajidka ugu faca weyn qaarada Afrika.

Masaajidkan ayaa lagu qiyaasaa taariikhdu markay ahayd sannadkii 613-kii, ay dhismahan bineeyeen saxaabadii Nebi Muxamed (n.n.k.h), kuwaasoo ka soo cararay dhibaatadii Maka.

Taariikhyahanadu waxay rumaysan yihiin in qaabka uu hadda u dhisan yahay loo isticmaalo sooyaal taariikheed, xusuus, sidoo kale, masaajidkan ayaa ka kooban dhismayaal gaar ah, sida mixraab iyo minaarad muujinaysa in islaamku u isticmaali jiree qaab-dhismeedkan , horaantii qarnigii 7-aad.

5. Masaajidka Al Nejashi waxaa dhisay saxaabadii Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee u qaxay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ku yaala tuulada Negash. 

Nejashi oo macnaheedu yahay boqor magacii, ayaa loogu magac daray masaajidkan, sida taariikhda lagu xuso waxa ugu horeeyey oo goobtan soo gaadhay 15- ka mid ahaa saaxiibadii Nebi Muxamed (n.n.k.h), halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Boqorkii Xabashida ee wakhtigaas maamulayey.

Waxaanna goobtaas ku soo dhaweeyey iyagoo taageeraya asxaabtaas, dad tiradooda lagu qiyaasay in ay ahaayeen illaa 101-qof, masaajidkan ayaa dayactir lagu sameeyey sannadkii 2018-kii, saddex sano ka dib, waxaa soo gaadhay burbur weyn oo ka dhashay isku dhacyo dhex-maray jabhadii xoreynta Tigrayga iyo ciidamada ammaanka ee Itoobiya iyo Eriteriya. 

Isla wakhtigaas dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay balan qaadi doonto masuuliyadda dayactirka dhismaha masaajidka. 

Waa in aynu xusuusnaanaa in dhismaha weyn ee masjidka ka danbeeya ay ku aasan yihiin 15-xabaalood, kuwaasoo la rumeysan yahay in ay ahaayeen qabrigii saxaabada Rasuulka (n.n.k.h)

6-Masaajidka Al-qiblatayn ee ku yaala Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa hubaal ah in masaajidkani uu ka duwan yahay masaajiddada kale ee al-Qiblatayn ee ku yaala magaalada Madiina. 

Inkastoo aan la garan karin xilligii la binneeyey masaajidkan, haddana waxa uu ka mid yahay saddexdii masaajid ee ugu horreeyey Afrika ee ay dib u dhiska ku sameeyeen xertii Nebi Muxamed (n.n.k.h) waxaannu ku yaalaa magaalada Saylac ee Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Horraantii qarnigii 7-aad, ayaa asxaabtii Nebiga ee ka qaxay Maka, ayaa si ay uga bedbaadaan cadaadiskii ay ku hayeen madaxdii Qureysheed, waxa ay gabaad ka dhigteen qeybo ka mid ah dalkii hore loo odhan jiray Abasiiniya ee noqday Itoobiya, Eriteriya iyo Somaliland. 

Muddadaas waxa ay ka dhisteen masaajiddo badan goob kasta oo ay degeen, nasiib darro'se, masaajidkan ayaa ah mid weli burbursan oo ay ku garab aasan yihiin qabriga Sheekh Babu Dena iyo Sheekh Adarahman Sa'ad iyo Sheekh laba miir.

Mid ka mid ah mixraabka ayaa u janjeedha dhanka waqooyi ee Maka, halka ka kalena u jeedo dhanka waqooyi-galbeed ee Qudus,

Sidoo kale, Magaaladan Timbuktu ayaa ahayd goob xarun ganacsi, taasoo ah halkii ay ka soo bilaabmatay ilbaxnimadii Sayniska Galbeedka Afrika

7. Masaajidka Quba, masaajidkan waxa dhisay Nebi Muxamed (NNKH) sannadku markuu ahaa 622-kii, waxaannu ku yaalaa magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga.

Masaajidkan ayaa la dumiyey dhismihiisa, waxaanna lagu beddelay dhisme cusub Qarnigii 20-aad, maadaama uu ka mid ahaa masaajiddada ugu faca weyn leh Sacuudiga, sida la ogsoon yahay maalin kasta oo sabtiya ayuu ku soo tukan jiray laba ragcadood Nebi Muxamed (NNKH), masaajidkan oo ah masaajidkii ugu horeeyey ee lagu tukaday salaadda jimcaha.  

8. Masaajidka Al-Nabawi, Masjidkan waxa la dhisay sannadkii 622-kii, waxaannu ku yaalaa magaalada Madiina ee dalka Sacuudiga, waanna masaajidkii ugu horeeyay ee laga dhisay meel u dhow gurigii Nebi Muxamed (NNKH). 

Masaajidkan waxa astaan u ah qudbi cagaaran oo dowladdii cusmaaniyiintu ka dhistay sannadku markuu ahaa 1818-kii, 

sida la og yahay masaajidkan waxa dhisay Nebi Muxamed (NNKH), goobtan oo ahayd meel dadka lagu aaso, dhisma ahaana waxa ay ahayd dhismo dusha ka bannaan, isla markaana ahayd dugsi diimeed, maxkamad iyo goob ay ku kulmi jireen dadka Islaamka ahi.

 

No comments:

Post a Comment

Mahadsanid