Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in
uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha
markabkaas, waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid
feydaayey heerka uu gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u
wakiishay masuuliyadda waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la
filaayey waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee
soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas.
Wax-qabadka
waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo
daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha ay dhisay 13-goobood oo
iskugu jiray goobaha adeegyada
caafimaadka iyo baadhitaanka xoolaha, goobaha ganacsiga hilibka iyo gowraca
xoolaha, halka, waaxda horumarinta
caafimaadka dadka iyo nadaafada guud ee markabkaasina ay dib u fureen
53-xannaanooyinka daryeelka caafimaadka hooyadda iyo dhalaanka oo xidhmay iyo
in ay wali gacanta ku hayaan dhisitaankooda 9-goobood oo loogu tallo-galay
daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, isla markaana, ay u qaybiyeen
cusbitaalo ka mid ahaa cusbitaalada markabkaasi, qalab caafimaad oo gaadhayey
43- qalab caafimaad ah, balse, laguma xusin kharashka qiimaha qalabkaasi ku
baxay iyo in lagu caawiyey ama ay ka soo iibsadeen dakhliga miisaaniyada
markabkaas.
Isla markaana, waxay bixiyeen
qandaraasyo lagu dalbanaayey gawaadhi cusub oo tiradoodu gaadhaysay 52-gaadiid
ah iyo qalab ama agab gaadhayey 32-qalab ah
iyo dhismayaal tiradoodu
gaadhaysay 47-goobood, oo iskugu jiray dhismayaal cusub iyo dayactir,
balse, qoraalkaas laguma xusin
kharashkii ku baxay qandaraasyadaas, Halka, waxqabadka waaxda warfaafinta,
wacyi-galinta iyo madadaalada dadka, ay soo iibsadeen qalabyada casriga ah ee
lagu daabaco buuggaagta, qalabkaas oo tiradoodu dhameyd 11-mishiin oo waaweyn, inkastoo aan lagu
xusin kharashka qiimaha lagu soo iibiyey miishiinadaas.
Dhinaca kale, khabiir aqoon u leh arimaha xidigiska
iyo saadaasha cimiladda bad-maaxida, oo inta badan ku falanqeeya isbedeladda
dabeecadaha cimilada, hawada, dowladaha iyo bad-maaxida maraakiibta, Ayaa ku
tilmaamay sannadkaas, in dabeecaddaha
caqli-galka ahi ay saameyn ku yeelan doonaan dhiirigalinta cadhada degdega ah
ee khusaysa isbedelka awoodaha xaaladdaha jira, kuwaasoo, hab-dhaqanada
dabeecaddaha dagaalka badan ay keenaan khiyaamada inta badan soo noqnoqota,
lagana aamuso, iyo in laga qariyo dhalin yarada aqoonta leh waxa ay arkayaan ee
u muuqda dhinaca nolosha iyo dareenka noloshu waa in ay tahay waayo-aragnimada
loo maro kacdoonka iyo xiisaddaha kacsanaanta.
Waxa kale oo uu ku tilmaamay
sannadkaasi in lala xidhiidhiyo,
xaaladaha adag, dareenadda xooga badan, su'aalaha iskhilaafsan ee had iyo jeer iska horyimaada ee loogu yeedho
daldaloolinta, dhiirri-galinta
dareenka cabiraadda, cuntada, khamriga iyo galmada.
Dhinaca Dowladdaha waxa uu ku tilmaamay in si
naxariis leh hoos loogu eegi doono aqoonsiga xuduudaha Dowladdaha aan la
aqoonsan, iyadoo la qeexaayo asal ahaan faracoodu halka uu ka soo unkamay
xuduudahaas, Inkastoo dowladdaha qaarkood ay u muuqdaan inay iska caabinayaan
arintaas xuduudaha, haddana, waxa suuro-gal ah in ay ku dhamaato nabadda iyo
isafgarad buuxa.
Dhinaca
Siyaasadda iyo Diimaha waxa uu ku tilmaamay in ay jiri doonto wakhtigan, in ay soo
badan doonaan kiniisado ku faafin doona wacyigalin diimeed mareegaha iyo
baraha bulshadu ay ku kulmaan ee xuubka caarada, waxa kale oo sii
xoogaysan doonta tayeynta faracyadda faraha badan ee diimaha, waxa hoos u dhac ku iman doonaa
xaqiiqada dhex-dhexaadimeed, taasoo keenaysa in la iswaafajiyo midnimadda
tafaraaruqa diimaha, waxaana jiraysa wacyi-galin badan oo hoos u dhigaysa
xaaladdaha taagan, in ay ku dhamaadaan si hagaagsan, inkastoo, ay arintaasi
halisteeda leedahay oo hal-gan lagaga hor iman doono, sidii loo mideyn lahaa
sannadka soo socda baraarujinta
ahmiyadaasi ay leedahay jiritaanka nabadda iyo farxadda, waana in la muujiyaa u
diyaar garowga ka hortaga xaaladdaha aan khaladaadka lahayn cadeyntooda iyo
isku-xidhnaantooda, haddiise, ay arrimahaasi sii fogaadaan, waxay horseeddi
karaan inay ka sii xumaato xaaladda awooddeed ee la rajeynaayey, ujeedada ugu
muhiimsana waa in la eegaa maalin kasta jihada loo socdaa in ay tahay jihadii
la rabay, isla markaana la sii wadaa,
iyadoo la hubinaayo inay si caddaan ah loo
arki karo, la iskuna dayaa si
taxadir leh in loo hello wararka suurto-galka ah ee xaqiiqaddooduna ay dhabka yihiin.
Waxa kale, oo la
fillan jiray dacaayaddo badan iyo falsafaddo si fudud loo faafiyo, waxaana muhiim ah, in la isku dayo dhamaan in
la tixgalliyo illaha macluumaadkaas lagu
baahinaayo qoraalladooda ama codka muuqaal baahiyayaasha, isla markaana, si
toos ah loola socdaa been-abuurka iyo fikraddaha qalafsan ee qulqulayaa aanay
si dabacsan u soo dhex-gali karin Salaadaha,
waxaana laga yaabaa iyagoo sida daadadka u qulqulaaya lagu baahiyo
mareegaha ama baraha bulshadu ka wada-xidhiidhaan ee Internetka.….. La soco………….
Qalinkii/
Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid