Fikirka wanaagsan iyo fikirka qaloocan waxay noqon
doonaan kuwo awood badan leh oo ka imanaya saameynta nashaadka leh, Runtana
Allaa Og.
Saadaashaas oo ahayd mid ay naakuudayaashu kaga qiyaas qaadan jireen,
iyagoo isticmaalaya qaabab xeeladdaysan
oo ay kaga hortagaan isbedeladda dabeecadda cimilada hawada iyo bad-maaxidda ee
ku soo wajahan sannadkaas, inkastoo uu jiray dulmi xad-dhaaf ah oo laga cabsi qabay
in uu dego markabkii aanu saarneynee S-Dnal-Re.
Intaasi ka dib, waxaynu halkan ku eegi doonaa
tix-gabaya oo waano iyo dardaaran faraysa qaabka wariyuhu ugu soo tabiyo
bulshada dhacdooyinka maalinlaha ah ee ku saleysan xaqiiqada dhabta ah iyo
xoggaha qarsoon, waxaana gabaygaas tiriyey, Abwaan, Muuse Cali Faruur.
“Wariyaha intuu gobol u kacay, kii wajaqay doontay
Ee sida wax-qabadkiisu yahay, war uga soo qaatay
Waxba ma’tare waxaan jirin adaa weel ku soo shubaye
Wadarta iyo halkii weecsan, ayuu wabaxii
joogaa”
Naakhuudihii markabkaas S-Dnal-Re ayaa wax ka bedel iyo dib u habeyn ku
sameeyey qaybo ka mid ahaa waaxyihii markabkaas, waxaanu Waaxda Khayraadka
Hilibka Cad hoos geeyey Waaxda Khayraadka Hilibka Cas, arintaas oo aqoon
yahanada ku xeelka dheer leh, dhinaca deegaanka, waxa ay ku tilmaameen in aan
aad loo lafo-gurin arintaas saameynta ay ku yeelan doonto maalmihii foodda ku
soo hayey himilladii uu hiigsanaayey markabkaas, wakhtigaas oo ahaa, wakhti loo
xusul duubnaa hayaankii geeddiga horumarinta khayraadka hilibka cad, wakhtigaas
oo laga guuraayey khayraadka hilibka cas oo waxyeelooyin badan oo caafimaad
darro ah ku keenay dadkii saarnaa markabkaas.
Naakhuuduhu waxa kale oo uu hoos u dhigay qaab-dhismeedkoodii shaqo ee
Qaybta Wax Ka Qabashada Miinadda Badda iyo Walxaha Qaraxa, waxaanay ku tilmaameen
khuburada inta badan ka faalooda arimaha ciidamada, in ay ahayd mid lagu
degdegay, taasoo ay ku sababeeyeen in wakhtigaas hol-canayeen qaybo ka mid ahaa
guddaha maraakiibtii u kala gooshaysay baddaha waaweyn ee aduunka, isla
markaana aan laga fikirin qorshe kale oo loogu tallo-galay in lagu jiheeyo
shaqaale tiro-badanaa oo ka fadhiisanaayey shaqadii ay u hayeen waaxdaas iyo
saameynta ay ku yeelan doonto dhinaca degenaanshaha Markabka.
Dhinaca kale, Guryaha markabka ayuun baa daris ahaa, laakiinse, dadkii
saarnaa markabkaas daris may ahayn, sababtoo ahayd, wali lama arag dadkaas
iyagoo si wada-jir ah uga dhiidhiyaayey dulmigii ay ku hayeen Dugsiyada
waxbarshada ee gaarka loo lahaa, haddaba, marka aynu eegno dhinaca dugsiyada
waxbarashada gaarka loo leeyahay oo wakhtigaasi ay ka jireen dulmi iyo lacag
xaaraan ah oo ay ka qaadi jireen fasax-dugsiyeedka labada bilood ee ay fasaxa
ku jiraan ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaas..
Haddii ay bixin waayaana lacagta labada bilood ah ee ay fasaxa ku jiraan
ardaydaas, looma ogaal jirin inay ka qayb galaan imtixaanka laga qaadayo
ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanay arintaas culeys weyn ku ahayd
waalidiintii dhalay ardaydaas in ay ka bixiyaan lacagtaas xaaraanta ahayd ee
laga qaadi jiray ardaydaas.
Waxa kale oo khasab lagaga dhigi jiray ardaygii oo sita buuggaagtii uu
ka gudbay walaakiisii dhigan jiray fasalkii ka horeeyey. in uu ka iibsado
buuggaag kale manhajka waxbarashada qaybta keydka buugggaata dugsiga.
Waxaan la kulmay wariyeyaal wareysanaayey dumar ka ganacsanaayey iibka
liska caanaha xoolaha oo fadhiyey goob
aan ku habooneyn ganacsiga iibka liska xoolaha, waxaana ka mid ahaa, saddex
su’aalood, su’aalihii la waydiinaayey caanalaydaas, in ay ku tiirsan yihiin
dhaqaalaha ka soo gala iibka liska caanaha nolol maamlmeedkoodu, qiimaha
cashuurta dowlada hoose ka qaado iyo sababta dowlada hoose ugu sameyn wayday
goob ganacsi oo ay ku iibiyaan liska caanaha xoolaha?
Waxaanay kaga jawaabayeen su’aalahaas, haa sowdigaa arkaaya in aanu ku
tiirsanahay dhaqqaalaha naga soo gala iibka caanaha, qiimaha cashuurta aanu
bixinaa waa 30,000 -SL shillin, ma’garanayno, su’aashaas sababta ay noogu dhisi
waayeen goob ganacsi, ee iyagaydun weydiin doontaan.
Wariyuhu waa garsooraha u dhexeeya Dowlada iyo Dadweynaha, kuwaasoo u
soo gudbiya bulshada dhacdooyinka maalinlaha ah, warar dheeli-tiran oo ku
salaysan xaqiiqooyin dhab ah iyo xoggo-qarsoon, Haddaba, inkastoo su’aalahaasi
ay ahaayeen kuwo wacan, haddana, waxa kale oo goobtaas ka muuqatay mushkilad
labaad oo ka weyneyd mushkiladdii hore, taasoo ahayd caafimaad darrada ka
dhalanaysay weelka lagu keenayey liska
caanaha xoolaha, weelkaas oo ahaa caagado wasakhaysan iyo in lagu ridaayey
lacag waraaqo ah guddaha caagadihii ay ka dhamaadeen caanuhu, wakhti ay la
daalaa dhacayaan xannuuno badan oo aan hore ugu dhici jirin dadkii saarnaa markabkaas,
Marka naakhuudayaasha
ay hoggaamintoodu wanaagsan tahay ka
dhamaadaan dunida, waxa dadka ku soo hadha kuwo doonaya in la raaco rayigooda
iyo rabitaankooda oo kaliyaata, nasiibkuna waxa uu soo dhaweeyaa dadka sharka
badan laakiinse, kama farxiyo.
Aqoontu
waxay ururisaa xoggaha iyo xaqiiqooyinka laga dhaxlo waxbarashada aqoonneed iyo
waayo-aragnimadda qofeed, halka murtiduna ay tahay hellitaanka xukun tayadiisu
ay wanaagsan tahay, kuna salaysan aqoon
faham-awoodeed leh, marka la isku geeyo aqoonta iyo
murtida, waxa ka soo baxa xaqiiqdii fulinta ugu go'aan qaadashada fiican,
Fahamku waa awooda lagu fahmo aqoonta iyo rabitaanka qofka, kaasoo ku korra marka aynu ku dhaqano,
waxaynu ku wacdiyeyno.
Garashaduna waa
qaabka lagu hello xaqiiqada fahamka qotoda dheer leh ee ku saabsan
doorashada aqooneed ee qofnimo, garashadu waa awooda sameysa joogteynta
fulinta qaybaha nolosha, go’aan qaadashada
iyo aqoonta, haddiiba Aqoontu ay leedahay awood, Murtiduna ay tahay habka
doorashadda ee loogu isticmaalaayo awooddaas, fahamkuna waa fulinta
doorashadaas ee lagu isticmaalayo awooddaas, sidaas bay garashaduna ku noqotay
jaangoynta fulinta doorashada loo isticmaalo awoodda mustaqbalka, haddii aynu
yeelano garasho oo aynu u rogno fulin, aqoon, murti iyo faham, oo aynu sii joogtayno, waxaynu yeelan lahayn kalsooni
badan dhinaca mustaqbalkeena…….la soco……………………..
Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid