Waxa
kale oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda
horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka,
duurjoogta iyo xoolaha, in ay soo dabteen
kaluumaysatadu sannadkan kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone,
waxa iyana isweydiin muddan, haddii dadka ganacsatada ah ee saarnaa markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka
kaluumaysta baddaha, kaluun tiradiisu ay
gaadhayso 2024.238 -tone, ( Laba kun iyo afar iyo labaatan, dhibic
laba-boqol iyo sideed iyo sodon) oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami karo
wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka
caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami
karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo
cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo
dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka
kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun tiradiisu gaadhayso 2024.238 -tone,
isla markaana, ay ka iibiyeen suuqyada ganacsiga kaluunka, si ay uga hellaan
dhaqaale wanaagsan oo kordhiya dakhliga miisaaniyada markabkaas.
Waxa sidoo
kale, dhanbaal sidaha wargeyskaasi ku xardhanaa, wax-qabadka waaxda
horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka,
duurjoogta iyo xoolaha, ay talaaleen qiyaas dhan 3.000,000. milyan oo riyo ah,
war-bixintaas laguma darin, xoolihii kale ee markabkaas lagu dhaqi jiray, waxa
kale, oo aan war-bixintaas lagu xusin, riyahaa la talaalay in ay yihiin
xoolihii markabku dhoofin jiray iyo in ay ahaayeen riyihii ay dhaqan jireen
dadkii markabkaasi saarnaa ?
Halka waaxda horumarinta
dalxiiska, dhirta, dayactirka qandaraastada, guryaha iyo jidadka markabka, lagu
shaaciyey wax-qabadkoodii sannadkan, in
ay diwaan galiyeen 160-goobood oo ah, goobaha dalxiiska iyo 36-hudheel (Semi
Clasic Hotels) oo ay ku soo deggaan dalxiisayaasha soo booqda markabkaas,
iyadoo laga warqabo in aanay jirin wakhtigaas 36-kaa hudheel (Semi Clasic
Hotels) oo u gaar ahaa markabkaas,
balse, hudheeladaasi ay lahaayeen dad rayid ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd
dhaqaalaha ay ka hellaan dalxiisayaasha soo booqan jiray markabkaas.
Waxa kale oo ay ku guul
dareysteen mashruuc waxsoo saar oo loogu tallo-galay in lagu beero sarac dhul
cabirkiisu gaadhayey in ka badan 9,200- boqol oo Qoodi (sagaal kun iyo laba
boqol) sannadkaas, inkastoo warbixintaas aan lagu shaacin
kharashkii ku baxay mashruucaas, balse, masuulkii waaxdaas horjoogaha u ahaa,
waxa uu ku tilmaamay guul-daradiisaas, waxaanu yidhi”, waxaanu rajeynaynay in ay ka soo go’aan midho
ka badan 29,000.-kun oo kiish, laakiinse, nasiib daro, waxa ka soo go’ay 700-oo
kiish, guuldaradiisaas, waxa uu ku sababeeyey, “isagoo si xun u taagnaa,
cayayaankii ku dhashay beertaas oo sin saarada yaqaanay iyo meeshii aanu
siidhka ku beernay oo sibiibix ahayd,” isagoo hadalkiisii sii wata, haddana
waxa uu yidhi”, mashruucii aanu ugu
tallo-galnay in aanu ku beerno goobo ka mid ahayd dhul beereed gaadhayey
28,000-kun oo qoodi (Sideed kun oo qoodi), waxa sabab u ahayd dib u dhacaas,
Anniga iyo saadaashii cimilada roobka
ayaa heshiin waayey.
Hadalkaas oo ay ku tilmaameen in
uu ahaa hadalkii ugu liitay ee ay ka maqlaan masuul ka mid ah waaxyaha markabkaas,
waxa kale oo ay ku tilmaameen in uu hadalkaasi uu ahaa, mid feydaayey heerka uu
gaadhsiisan yahay garashadiisa aqooneed iyo naakhuudihii u wakiishay
masuuliyada waaxdaas, taasoo ay ku sababeeyeen, in wakhtigaas la filaayey
waxsoosaarka beerahaas midhaha ka soo go’idoonaa ay dabooli doonaan baahida cunto yaraaneed ee
soo food saaraysa qaybo ka mid ahaa dadkii saarnaa markabkaas.….. La soco………….
Qalinkii/
Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid