
Haddii aanay jirin
qorshe shan-sannadoodle ahi waaxyaha markabkaas, ma jirto qaab kale oo uu kula
xisaabtami karo waaxyahaas ama uu ku ogaan karo wax-qabadka ay qabteen waaxyaha
uu ka kooban yahay markabkaas, sababtoo ah, qaabkani waa aassaasska dajinta
maareynta shaqooyinka, waxa kale, oo lagu qeexaa geedi socodka qorshayaasha waaxyahaas in ay gaadheen haadafka u
jeedooyinkii la hiigsanayey, kuwaasoo loo dajiyo qaabab xeeladaysan oo lagu
gaadhi karo qoryaashaas, iyadoo, loo maraayo nidaam loo raaco ama loo curiyo
habab loo baahan yahay in loo fuliyo hawlaha wax-qabadka qorshayaashaas, una
socon lahaayeen jihaddii saxda ahayd ee loogu tallo-galay, lana kormeero
dhammaan fullinta wax-qabadka hawlahaas
in loo fulliyey sidii ugu haboonayd ee loogu tallo-galay, lana illaaliyo horumarka maamulada dawladaha
hoose, iyadoo loo maraayo xeerarka iyo sharciyada ay u isticmaalaan isku
bedelka dhulka iyo dhismayaasha.
Marka aynu
ka nimaadno nidaamyada lagu ogaado in la gaadhay hiigsiga jihadii loo socday ee
bartilmaameedka u ahayd Naakhuudayaasha, haddana, waxa aad u layaab badnaa
qoraal ku qornaa dhanbaal sidahaas, waaxda horumarinta caafimaadka
dadka iyo nadaafada guud ee markabka, ay u
fidiyeen sannadkii hore, adeegyo caafimaad oo lagu qiyaasay 349,088 qof, halka
sannadkana la gaadhsiiyey adeegyo caafimaad qiyaas dhan 456,019- qof, waxaana ku kordhay 106,931- qof celcelis
ahaana u dhiganta 31%, taasoo ay ku tilmaameen in korodhkaasi uu muujinaayo,
wax-qabadka horumarka adeegyada caafimaad ee la gaadhsiiyey dadka bukaanka ah
ee saarnaa markabkaas.
Haddaba,
waxa isweydiin muddan, haddii ay bataan tirada dadka xanuunsanaya ee soo
booqanaya goobaha adeegyada caafimaadka ee markabkaas, ama ay yaraadaan tirada dadka xannuunsanaysa
ee soo booqda goobaha adeegyada caafimaadka ee markabkaasi, keebaa lagu
tilmaami karaa in ay tahay wax-qabad?
Jawaabta
su’aashaasi, waxa lagu qiimeeyaa in ay tahay wax-qabad, marka la yareeyo dadka
xannuunsanaya ee soo booqanaaya goobaha adeegyada caafimaadka, waxaana halkaasi
kaaga muuqanaysa in la qabtay hawlo badan oo dhinaca, wacyi galinta caafimaadka
bulshada, kor u qaadida wax-barasahda caafimaadka bulshada, ka hortagida iyo
xakameynta cudurada faafa, illaalinta iyo dhowrida qaabka ay u faafaan cuduradu
ee dhinaca, nadaafadda deegaanka, fayo-dhowrka raashinka, biyaha iyo wasakhowga
hawada.
Waxa kale
oo uu xanbaarsanaa dhanbaal sidahaasi, waaxda horumarinta wax-soosaarka
khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, in ay
soo dabteen kaluumaysatadu sannadkan
kaluun gaadhaya qiyaas dhan 2024.238 –tone, waxa iyana isweydiin muddan, haddii
dadka ganacsatada ah ee saarnaa
markabkaas ay ka soo iibsadaan doonyaha ka kaluumaysta baddaha, kaluun
tiradiisu ay gaadhayso 2024.238 -tone oo kaluun ah, taasi laguma tilmaami
karo wax-qabadka waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka
caafimaadka kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, laakiinse, waxa lagu tilmaami
karaa wax-qabad, marka ay soo saaraan xirfadlayaal aqoon u leh kaluumaysiga iyo
cilmiga baddaha, ka dibna, ay ka caawiyaan qalabka lag kaluumaysto, ama ay soo
dabtaan waaxda horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka
kaluunka, duurjoogta iyo xoolaha, kaluun tiradiisu gaadhayso 2024.238 -tone,
isla markaana, ay ka iibiyeen suuqyada ganacsiga kaluunka, si ay uga hellaan
dhaqaale wanaagsan oo kordhiya dakhliga miisaaniyada markabkaas.
Waxa sidoo
kale, dhanbaal sidaha wargeyskaasi ku xardhanaa, wax-qabadka waaxda
horumarinta wax-soosaarka khayraadka iyo daryeelka caafimaadka kaluunka,
duurjoogta iyo xoolaha, ay talaaleen qiyaas dhan 3.000,000. milyan oo riyo ah,
war-bixintaas laguma darin, xoolihii kale ee markabkaas lagu dhaqi jiray, waxa
kale, oo aan war-bixintaas lagu xusin, riyahaa la talaalay in ay yihiin
xoolihii markabku dhoofin jiray iyo in ay ahaayeen riyihii ay dhaqan jireen
dadkii markabkaasi saarnaa ? ……….La soco……………
Qalinkii/
Maxamed Faarax Qoti
No comments:
Post a Comment
Mahadsanid