Posts

Showing posts from December, 2018

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Q/2-aad

Nayruuska Sannadkan 2019-ka, waxa uu ku curtay Maalin Salaasaad oo Naariya, waxa la odhan jiray maalin Salaasaad, waxa ay u wanaagsan tahay in wax laga qabto arimaha ganacsiga, shaqooyinka, gardaradda, iska hor imaadka, iskaashiga, illaalinta amniga, Hamada, dhiiranaanta, beeraha, geesinimada iyo kalgacalka. Dayaxu wuxuu ku curtay Sannadkan cusub ee 2019-ka , Burji Nariya ee Leebka iyo qaansada, waxaana la odhan jiray haddii habeenkaa dayaxu uu joogo burji naariya, waxa dhici jiray shido badan, dagaalo badan, dabaylo badan, dhimasho badan, shisheeyaha oo soo bata, Cadceeda oo kululaata, madax-wareer soo bata, diraa-diraalaha oo bata, socdaalka oo bata, uurayda oo daasha, gaajo iyo cuduro badan, haddii habeenkaas dayaxu uu fadhiyo B urji Maa’I ah , waxay xeel-dheerayaashii hore ku sheegi jireen:- haddii habeenkaas dayaxu fadhiyo Burji  maa’I ah, waa sannad aad loogu aayo oo nimco iyo barako badan, oo u fiican shaqaalaha, ganacsatada. Runtana Allaa Og. Dayaxu wuxuu f...

ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka

Image
ODDOROSKA NAYRUUSKA  SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)      Eebaa iska leh garasho, cilmi iyo aqoon, waxaanu ku tilmaamay Aadamihiisa intuu ku manaystay wax kooban, duniduna waxay ku joogtaa awooda amarka Eebe, cidina lama wadaagto, isagaanay u sugnaatay qadarkiisa iyo maamulkiisa xukunka kownkan, Haddana aadamuhu ma’daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka, waxaanay jeclaystaan in ay wax ka ogaadaan wakhtiga fooda ku soo haya ee la xidhiidha waayahooda, balse, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahoodaasi, sababtoo ah, uma-adkeysan karaan haddii ay xogogaal u noqon lahaayeen ayaamaha ku soo foolka leh noloshooda saamiga ay ku leeyihiin farxad iyo naxdin. Dhinaca ku dhaqanka saadaasha xidiguhu, waa mid ku saleysan qaab-nololeedka bulshaweyntu ugu sahamiyaan beerahooda, xoolahooda iyo noloshoodaba, waxaana arrimaha saadaasha xidigaha wax laga weydiiyaa dad khibrad gaar-ah u leh arrimaha xidigiska iyo saadaasha, taas...

Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 13-aad

Image
Guud ahaan tirada shaqaalaha Markabkaasi waxa lagu qiyaasaa in ka badan 14,000-kun oo shaqaale ah, kuwaasoo, aan haysan daryeel wanaagsan, wax-barasho, dhiiri-galin, caddaalad iyo mushahar aan ku filneyn nolol maalmeedkooda, waxa kale oo aad arkeysaa shaq aale isku mid ah oo  darajadooduna ay ahayd  “A” , oo haddana,  midna  Bishii mushaharka uu qaataa ay ahayd,  5,000,000./ milyan oo shillin (Shan millyan oo shillinkooda ah), oo u dhiganta $ 500 oo dollarka Mareykanka ah, halka ka kalena uu ka qaadanaayey musharka,  9,80,000/ Sh ( Sagaal boqol iyo Sideetan kun oo shillin), oo u  dhiganta  $ 98 oo dollarka Mareykanka ah. Haddana, waxay u guddanayeen waajibaadkooda shaqo si hufan oo o ay k u dheehnayd, daacadnimo, xilkasnimo   iyo waayo arragnimo qoto-dheer oo ay ka dhaxleen muddadii dheerayd ee ay ku hawlanaayeen hiigsiga himiladdii uu markabkaasi hiigsanaayey. Waxa kale oo ay lahaayeen luuqad u gaar ahayd, isku af-garan jireen ...

Geba-gabadii Guusha hiil la eeday baa jiray

Image
Wali waxaynu ku jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, ka dib, markii uu ku guulaystay jagada Madaxweynaha, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, dad badan oo naawilayey in mudnaanta koowaad uu siin doono in ay la daadahayn doonaan waxqabadka xukumaddiisa cusub ee uu soo dhisi doono balse uu hungow nagu dhacay, ayaan ka curiyey sheekadan male awaalka ah. Nolosha reer miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo unkatay nolosha aadamuhu,  Nin reer  Caydaroosh ahaan jiray oo ku soo koray  Gobolka Ogaadeeniya, ayaa u  soo  safray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Mar uu cago-gashi ka baayacayey meherad ka mid ahayd meheraddaha lagu iibiyo cago-gashiga ee ku yaalay faras-magaalaha suuqa waaheen, ayaa ugu jawaabay”, Ma caagan. Ninkii reer miyiga ahaa oo farta ku tilmaamaya ayaa yidhi”,  Ma’ya ee cago-gashigaas iga gad, ka dibna, Wiilkii oo cago-gashigii uu farta ku tilmaamayey kor u qaaday yidhi ”, Ma’kuwan baad sheegaysaa,  Nin...

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 12-aad

Image
Marka aynu ka nimaadno dhinaca dhaqanka tixaha iyo tiraabta ay lahaayeen, haddana waxa aad u layaab badnaa dadkaasi in aanay u kala socdaali jirin markabka gudihiisa, haddii dayuxu uu yahay tirsigiisu bil-saddex ama bishu ay ku dhamaaneyso maalin arbacaad ama maalinku uu yahay maalin axadeed,    balse, waxa taasi ka sii layaab badneyd, weedhan dhameyska tiran ee “Shimbirka aan duulin maalinta Jimcaha”, taasoo, aan aad ulla dhacay, ka dib, markii aan ogaaday in loogu magac daray,   Wargeysyada wararka madaxa-banaan ee maalinlaha ah ee uu soo saari jiray markabkaasi, oo aan haba-yaraatee soo bixi jirin maalinka Jimcaha.   Markabkaas waxa uu lahaa himillo fog oo ay udub dhexaad u ahayd hiigsigii lagu gaadhi lahaa horumarka rajada nolosha iyo in uu yeelan doono qaybo ka mid ah markabka guddihiisu illeyska qoraxda maalintii, kaasoo, dadka maqaarka jidhkooduna uu ka helli doono caafimaad wanaagsan, isla markaana, ay helli doonaan hooy nadiif ah, noocyada cuntooyinka...

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 11-aad

Image
Gar-jileed :   Gar jileed ama Gar-badh waxa loo yaqaanaa garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin habaabiyo, macne ahaan kama taggana buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eeg wixii loo sheeganaayey,   si markaas dadka goobtaasi jooga uu ugaga qosliyo, isagoo doonaya in ay labaduba isku nooc noqdaan. Gar dad-ban:     Gartan dadku ma’moodo, inay tahay garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), ayey si fudud u galaan markhaatigeeda iyo dhexnimadeeda,   waxa jirta Murti tidhaahda "Qosolna hiil leh", taasoo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin haddii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo hadalkiisii oo hadal kale la dhexgeliyo. Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah ...

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 10-aad

Image
Ninka hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn oo aan ka hadhi jirin illaa iyo sagaal awoow isaga iyo ubadkiisaba, bulshada dhexdeedana waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto,” nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", sababtoo ah, markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob. Marka qof dhibaato loo gaystay wakhti hore, haddana mar labaad la dhibaateeyo,   waxay   yidhaahdaan hadimotalisyada meeshaasi joogaa   "maantana miyaa laguu noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin",   ka dib, dadkii kale ee soo dhex-galay ayaa yidhaahda Maahmaahdan "Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha".    “Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa", waxa loola jeedaa, maadaama   garuhu ay badan yihiin noocyaddoodu, isla markaana, mushkilad walba xal u helistee...

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 9-aad

Image
Sidaas bay Maahmaahdu kaga duwan tahay Murtida inteeda kale, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka iyo Hal ku dhega ,   Maahmaahdan “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso" , Waxa loola jeedaa laba gari dhex-martay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo, hibasho iyo hiirtaanyo , waxaana laga yaabaa taasi in dad gacal ahaa ama tol ahaa ay kala fogeyso. Had iyo goor marka uu isqabad yimaado, waxa lagu taliyaa in ay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taasoo ay ujeedadeedu tahay in si doqoniimo ah oo fool xun aan loo xisaabtamin, isla markaana,   aan wax la sii   qod-qodin, ayaa loogu maahmaahaa, maahmaahdan, "Lafahana gur xarogana haka tegin",   Nin aan garaw baranin, garna ma barran, Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama horo...

Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 8-aad

Image
Gar dabadeed, guu- guu baan nacay”  maahmaahdan, waxay tilmaamaysaa in marka laba nin loo kala garnaqo, ninkii gar lahaana gartiisa la siiyo, ninkii garta laga hellayna uu garwaaqsan waayo, ka dibna, meelahaas kaga hadlo erayo xanaf leh oo aan ku munaasib ahayn xeer-beegtidii garta goysay, ayaa loogu maahmaahaa.  Sidaas bay Maahmaahdu kaga duwan tahay Murtida, Odhaahda, Weedha, Hal-qabsiga, Hal-hayska, Hal-muceedka, iyo Hal ku dhega, sida “ Aqoon la'aani waa iftiin la'aan, Nabad waa lagu tarmaa, colaadna waa lagu tirmaa, Aroos lagumana raago, lagamana raago, Si xun wax u sheeg sixir ka daran, Aan wada hadalno waa aynu heshiino, Riyuhu lugtooday, shallow ku doontaan. Tallo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, War xumi dugsi ma fadhiisto, Hadal waa dheh ama dhagayso, Cagtii joogsan weydaa, marbay ceeb la kulantaa, Dabeecad xumo dadkay kaa dhex saartaa. Halka Hal-hayskooduna uu ka mid ahaa, sida;       Geel carruur...