Monday, December 31, 2018
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka Q/2-aad
Sunday, December 30, 2018
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-ka
ODDOROSKA NAYRUUSKA SANNADKA CUSUB EE 2019-kaQoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist)

Sunday, December 16, 2018
Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha Qaybtii 13-aad
Saturday, December 15, 2018
Geba-gabadii Guusha hiil la eeday baa jiray
Wali waxaynu ku jirnaa sheekooyinkeenii haalaasiga ahaa, ka dib, markii uu ku guulaystay jagada Madaxweynaha, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, dad badan oo naawilayey in mudnaanta koowaad uu siin doono in ay la daadahayn doonaan waxqabadka xukumaddiisa cusub ee uu soo dhisi doono balse uu hungow nagu dhacay, ayaan ka curiyey sheekadan male awaalka ah.
Nolosha reer miyiga ee reer guuraanimadu waa halkii ay ka soo unkatay nolosha aadamuhu, Nin reer Caydaroosh ahaan jiray oo ku soo koray Gobolka Ogaadeeniya, ayaa u soo safray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Mar uu cago-gashi ka baayacayey meherad ka mid ahayd meheraddaha lagu iibiyo cago-gashiga ee ku yaalay faras-magaalaha suuqa waaheen, ayaa ugu jawaabay”, Ma caagan.
Ninkii reer miyiga ahaa oo farta ku tilmaamaya ayaa yidhi”, Ma’ya ee cago-gashigaas iga gad, ka dibna, Wiilkii oo cago-gashigii uu farta ku tilmaamayey kor u qaaday yidhi ”, Ma’kuwan baad sheegaysaa, Ninkii reer miyiga ahaa, ugu jawaabay”, Haa.
Markii uu iibsaday Cago-gashigaas ee uu xidhay, kuwii u xidhnaana uu halkii ku dhilliyey, isla markaana, markii uu u soo dhamaaday safarkii uu ku joogay magaalada, ayuu ka ambabaxay una socdaalay dhankaa iyo reerkiisii, isagoo hoggaaminaya awrkii uu ku soo safray oo uu ku raran yahay raashin, wakhti ay ammintu ahayd aroor hore oo qoraxdu liiqa ka soo baxaysay, jawiga cirkuna uu ku shaqlanaa daruuro, oo ay dhacaysay dabaylo goos-goos ah oo xanbaarasanaa neecow qabow oo ay naftaadu ku raaxaysanayso, indhahuna aanu ka daaleyn muuqaalka dhirta cagaaran ee ku yaala hawdka magaalada Hargeysa.
Ninkii reer miyiga ahaa markii uu maraayey meel u dhaweyd soohdinta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayey ka go’day kab ka mid ahayd cago-gashigii uu xidhnaa ee uu ka soo iibsaday Magaalada, waxaanu sudhay kabtii ka go’day ushii garabka u saarneyd, isagoo, kabna xidhan, midna tunka ku sita, ayey mar-labaad, ka go’day kabtii labaad ee uu xidhnaa, kabtii labaadna waxa uu sii dul-sudhay ushii garabka uu ku sitay.
Markii ninkii reer miyiga ahaa oo caggaagan uu soo gaadhay reerkiisii uu safarka kaga maqnaa dhawrka caanamaal, waxay arintaasi ku noqtay qoyskiisii mid lama filaan ah, odaygii reerka oo caggaan,waxaanay affadiisii weydiisay odaygii, ee maxaa ku caggo tiray?.
Waxaanu ugu jawaabay saygeedii ” , Markii aan magaalada aaday, waxaan ka soo iibsaday cago-gashi aan safarka ku soo galay, intii aan safarka ku soo jiray, ayey labadii kaboodba iga soo go’een, wallow wiilkii kabaha iga gadayey uu ii sheegay in ay yihiin caag, oo aanu khaladkaasi isagu lahayn, laakiinse, annigaa khaldanaa oo aan weydiinin, Kabbuhu waxay ka caagan yihiin?
Run ahaantii, waxaanu uga go’leeyahay, muu khaldaneyn hoggaamiyihii hore ee ku tuhunsanaa in uu leeyahay khibradda xirfadda qarsoon ee hoggaamiyenimo, isaga laftigiisana wax-baa seegay, laakiinse, waxa khaladkaasi lahaa taageerayaashiisii, taasoo sabab u ahayd, khaladkaasi farsamo ee dhacay, laba arimood oo kala ahaa.
Mid ka timid, dhinaca kala xulashada xirfadda tayada hoggaamineed ee ay lahaayeen musharaxiintii la tartamaysay iyo in aanay taageerayaashiisu marnaba aanay isweydiinin markii la baacsanayey, ka rida mooyaane, maxaa lagu eryanayaa?
Waayo, waxa jira mid ka mid ah hiilka, oo la yidhaahdo, Hiil la eeday, kaasoo ka turjumayey weedhii hal-ku dhaga u ahayd lib-gadkii sagootiga gebo-gabadii guusha, inkastoo, lib-gadku leeyahay xeer dhaqan oo lagu qaado, haddana, waxa ayaan darro ku ah, hoggaamiyaha ay ka siibtaan taageerayaasii uu ku gaadhay guushan uu ku naaloonayo.
Gebo-gabadii qormadaydan waxaan ugu hoggol tusaaleyn lahaa taageerayaasha, hal-ku dhegan odhanaya, Inta aad ka tiiraanyoon lahaydeen samo-falkiinii dadkii idiinka abaalka daray, marka horeba fillo abaal ka darka.
(Fiiro-gaara ah. Aad ha isku laabraacinin taageeriddooda siyaasiyiinta, adigoo u xeebanaaya hab qabiil ama hab xeeladdeed ama xirfaddiisa hoggaamiyenimo ama mid caashaqba ha'noqotee, waxa hubaal ah in dhaawac maskaxeed ama jidheed ku soo gaadhi doono, sida maanta inooga muuqata Jaamac Shabeel iyo Anigaba.)
Monday, December 10, 2018
Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 12-aad
Sunday, December 9, 2018
Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 11-aad
Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa ay ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan.
Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco.
“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, haddaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale............la soco...........
Saturday, December 8, 2018
Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii / 10-aad
Gartan waxa loo qaadaa laba qof ama wax ka badan, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, waxaana lagula dhaqmaa cidii wax-gaysatay, wax loogu yeedho” Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad, marka gartan lagu jiro, waxa jirta murti "Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday". Laakiin waxa jirta murit kale oo iyana tidhaahda "Walaalkaa haddii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho", taas oo loola jeedo, ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa.
Gar-muslax: waxa ay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiinse, marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, sababtoo ah, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey, dabeecadaha gartani leedahay waxa ka mid ah in aanay keenin wax caqiibo-xumo , mana dhantaasho toliimada, gacaleedyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada.
Friday, December 7, 2018
Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 9-aad
Wednesday, December 5, 2018
Sirta Noloshu Waa Fahamka Nolosha Qaybtii/ 8-aad
Halka Hal-hayskooduna uu ka mid ahaa, sida;









